Hordhac
Stoicism waa falsafad Giriigi hore ah, waxa ay soobaxday qiyaastii 2000 oo sanno kahor. Fikradda ugu weyn ee falsafadani waa in naf-xakamynta iyo adkaysigu, ay tahay waddo inoo horseedaysa inaan kunolaano nolol wanaagsan. Waa falsafad aad caan u ah xiligan lajoogo, waxaana lagu naynaasaa dawada qadiimiga ah ee dhibaatoyinka casriga ah. Muqaal ayaan ka sameeyey waxa aytahay iyo sidi aad noloshada ugu dabaqi karto, balse maanta waxaan doonayaa inan kahadlo 5 cashar muhiim ah oon kabartay falsafadaan.
Tittle: Ka fikir wixii aad xakamayn karto oo kaliya.
Midda ugu muhiimsan een kuligeen ka baran karno falsafadan ayaa ah, inaynan ka welwelin waxyaabaha ka baxsan awoodeena oo aynan xakamayn karrin. Bini’aadam hadaynu nahay, waa iska dabiici inaan waqti badan ku bixino ka welwelida xaalad awoodeena kabaxsan. Is bedelka cimilada kuleel iyo qaboob hadba kii aad ka cabaneyso, waa mid kabaxsan awooddaada. Dhaqaalaha aad haysato hadii uu yaryahay, waa mdi kabaxsan awooddaada. Sidda muuqaagu u eg-yahay hadii aadan jeclaysan, waa mid kabaxsan awoodaada. Caafimad-ka aad haysato hadii uu liito, waa mid kabaxsan awoodaada. Waxa kaliya eed xakamyn kartaa waa aragtidaada ku aadan xaalada markaas ku haysata. Hadii jawi roobeed ee jirra uu kaabajiyey kulanki muhiimka ahaa eed usocotay, roobka maxakamyn kartid oo ma istaaajin kartid, balse waxaad xakamyn kartaa caradaada ku aadan in robkaasi uu kulankaagi kaa baajiyey, xitaa hadii roobkaasi uusan istaagin caradaadu waxba kuusoo kordhin mayso ilaa ay wax kaa halayso maahee.
Marwalba oo xaalad aadan jeclaysan kuqabsato, waxay stoics-ku kubarayaan inaad labbo qaybood ukala saarto, waa midda koobaad’e, ma tahay sheygani shey aan waxkabadeli karro, mise waa shay aanan waxba kabadeli karrin, hadii aanan waxba kabadeli karrin ka welwelkiisa waxba iisoo kordhin maayo. Se hadii aad xanaaqdo, hadii isciilkaambisid, hadii aad fisho in waxani ay ahaan lahayd inaysan kugu dhicin, waxyaabahas oo dhami waxba kama badali doonto xaaladas kugu dhacay, magaranaysaa waxa waxkabdali doona, Inaad soodhawaysid, Inaad aqbashid suurta galnimada in waxani kugu dhaci karayaaan. Marcus Aurelius ayaa mar waxaa uu yiri, “si naxariis leh u aqbal — waxa qaddarku kusoo diro”. Hadii aad intaa noloshada kudabaqdo, waxaad awood buxda uleedahay in waxwallba sida rabto aay wax u dhacaan.
Marwalba oo xaalad aadan jeclaysan kugu dhacdo xasuuso sheekada ninka adhi-raac ahaa ee ninka musaafurka ah inta uyimi ee kuyidhi. “Cimiladu maanta siddee ayey noqon doontaa” wuxuu ugu jawabay “Sidda aan jeclahay” Kadibna wuxuu waydiiyey “siddee ayaad ku ogaatay in cimiladu ay noqon doonto sidda aad jeceshahay” Kadibna uu wuxuu ugu jaawabay, “Waxaan ogaaday muddane, In marwalba aanan helli karin waxa aan jeclahay sidaas darteed waxaan bartay inaan jeclaado wixii aan helo, marka waan hubaa in cimiladu ay noqon doonto sidda an jeclahay” .
Tittle: Haka welwelin waxa dadka kale kaa aaminsan yihiin.
Marcus Aurelius ayaa mar waxaa uu yidhi “Waxaan marar badan layabaa sida qof walba uu naftiisa oga jecelyahay dadka kale, lakiin haddana uu qiimo yar siiyo ra’yiga naftiisa markii loo eego ra’yiga dadka kale,”
In baddan waxaan ka waqti ku bixinaa inaan ka welwelno waxa dadkale inaga qabaan, Inagoo ilowna inaan qiimo baddan siino waxa aan nafteena ka aaminsanhay. Stoics-ku waxay ina barayaan, in ka welwelka waxa ay dadka kale inaga aaminsanyihiin ay tahay waqti dhumis. Waxa dadka kale kaa aaminsanyihiin ma bedeli doonto qiimaha aasaasiga eed leedahay, waa un kaliya fikrad maskaxdooda kujirta.
Waa wax sahlan markaynu afka ka sheegayno, se aad bay u adagtahay markaynu isku dayno inaan hirgalino, maxaa yeelay muddo badan inta nolosheena ah ayaan raadineynay aqbalida dadka kale. Waalidinteena kasoo biloow, macaliminta iskuulka, saxiibadeen, asxaabta shaqo wadaagta aynu nahay, Ilaa waqtigaas oodhan waxaan xooga saaranaynay sidda dadkale aan ku qancin lahayn oo ay inooga heli lahaayeen, waxaa meesha kabaxay qofku inuu aqbalo in lanaci karayo, in laga soohorjeesan karayo, markaa, waxwalba ood samayneysid waxaad usameyneysaa dadkale aragtidooda un, Dadku ma aqbali donaan ayaad isweydiinaysaa. Ganacsi cusub ayaan doonayaa inaan bilaabo, dadku maxay kadhihi doonaan, Kanaal YouTube ayaan doonayaa inaan furto, dadku maxay idhihi doonaan, qof ayaan doonaya inaan xiriir lasameyo, dadku maxay idhihi doonaan.
Hadii aad ku xidhnaato waxa dadkale kaa aaminsanyihiin waxaad noqonaysa waxa ay iyagu doonayaan inaad noqota halkii aad adigu wixi aad rabto noqon lahayd. Dadka badankood ma kala jecla wixii aad noloshada ka samayn doonto, mararka qaar waa fikrad taban oo maskaxdeena ka dhex guuxaysa un, mararka qaarna dhibka ina haysta ayaa waxaa uu noqonayaa, inaan dhaliil ka qaadaneyno qof aynan talo ka qaadan lahayn, qof aanan aqoon sidda gaari loo kaxeeyo talo kusaabsan sidda gaari loo kaxeeyo kama aadan qaadan lahayn, sax. Qof aanan dhaqaale waxba garanayn, kama aadan qaadan lahayn talo ku aadan sidda dhaqale loo sameeyo. Si lamid ah ayaa ladoonayaa inaadan dhaliil oga qaadan dadka ku sheegaya inaadan noqonin wixii aad rabto inaad noqoto, ama aadan samayn wixii aad doonayso inaad sameyso.
Hadii hadda kadib uu qof ku dhaliilo raac talada Marcus Aurelius uu ee ahayd, “Si qoto dheer gudaha ugu gal oo eeg qofka uu yahay, waxaad ogaan doontaa inaadan u baahnayn inaad cadaadiso naftaada si aad u cajabiso isaga.“
Qaladna ha iifahmin Ka taxadarka sidda dadku inoo arkaan, waa shay lagama maarmaan u ah in laga helo bulshada dhexdeeda, balse marka ay noqoto inaan si xad dhaaf ah oga taxadarno waxa dadku inaga aamini doonaan, waxay dhibaato wayn ku noqonaysa inaan aqbalno nafteena, iyo qofka dhab ahaan aynu rabno inaan noqono. Jooji Ka welwelka waxa dadku aaminsanyihiin, oo diirada saar sidii aad unoqon lahayd qofka aad rabto inaad noqoto, maxaa yeelay dhamaadka wax walba. Adigu adiga unbaad ahaanaysaa.
Tittle: Ku mahdi wixii aad haysato
Ku qanacsanaaanta wixii aad haysato waa qayb wayn oo kamid ahi falsafadaan, Stoics-ku waxay aaminsanyihiin in hantida dhabta ah, iyo farxadu ay tahay ku qanacsanaanta wixii aad haysato. Waxaa fudud aadanuhu inuu raadiyo waxa aanu heli karin halkii uu ogaan lahaa qiimaha ay leedahay wixii uu haysato. Waxay sidoo kale Stoics-ku inooga digayaan inaynan si’adag ugu dhaganaan waxyaabaha an haysano lagayabee in berri shaygaan an waynaa. Balse waa inaan sifican ogaano qiimaha uu leeyahay waxi aan hadda haysano. Waxay Inagu dhiirigalinayaan inaan badino ku mahdinta waxa aan haysano, iyo inaan qiyaasno in hadii waxa aan iminka haysano la’inaga qaato sida ay nolosheenu noqon doontaa. Wadooyin baddan ood ku sawiran karto ayaa jira, sidda sawirashada hadii aad weydiidid qayb jirkaaga kamid ah, ama mid-kamid waalidintaada ama shaqadaada. waxay kutusaysaa, marwalba ood wax ka baxsan awoodada raadiso inay jiraan wax-yaabo kale ood haysato tahayna inaad ku mahdiso. Tiirka aasaasiga ee Stoicsm ayaa ah in waxa kabaxsan awoodeena aysan ahayn kuwo xun iyo kuwa wanaagsan toona ee ay tahay sidda aan u aragno.
Xiligan casriga waxaa fudud inaad internet-ka ku aragto xayeysiimaha inuu soobaxay, dharkii ugu danbeeyey, taleefono casri ah, baabuur casri ah, sidoo kale Argorithm-ka baraha bulshadu wuxuu inagu quudinayaa inuu natuso dad soo post-garaynaya nolosha ay kunool-yihiin, dad kunool nolol dabaqad sare ah, dad udalxiisaya meelo aynan waligeen ku riyoon. wax nadhaxalsiinyaan waxyaabahasina inaan iloowno qiimaha ay leedahay nolosha aynu hadda kunool nahay iyo sidda dhabta ah ee loogu raaxaysto iyada.
In baddan farxada la’aanta aan nolosha ka dareemayno ma sababayso nolosha aan hadda kunool-nahay balse waxaa sababaya rabitaanka nolol kaduwan midda aan hadda haysano, waxaan sijoogta ufiirinayna mustaqbalka inagoo iloobaynaha qiimo siinta nolosha aaynu hadda kunoolnahay
Hadii aad daawanayso muqaalkan adigoo ay calooshada cunto kujirto, qoys kujecel aad haysato, meel aad hoyato aad helayso waxaad ka nolol wanaagsantahay 60% dadka aduunka kunool. Sidaas darteed, marwalba oo hamigaaga fog uu kuqaado nolol sare aadan awoodin inaan kunoolaato, dib u eeg wixii aad haysato, waxaad ogaanaysa inay jiraan dad ay hamigood tahay inay helaan nolosha aad hadda kunooshahay.
Tittle: Ula dhaqan dhibaato walba sidii fursad.
Seneca ayaa mar waxaa uu qoray: “waxaan udhibaatoona khiyaalka in ka baddan runta’’ Fikirka aasaasiga ee hadalkaan ayaa ah, Khiyaalku maadama ay tahay shay aynu maskaxdeena ku sawirano, in dhibatooyinka inagu dhaca aysan ahayn kuwo dhab ahaan u xun, ee aan inagu udoornay inay noqdaan. balse hadii aan uladhaqano in fursad inoo yihiin aan waxbadan kabaran karno. kasoo qaad tusaale in xiriir aad qof la lahayd uu burburay. Waxaad is waydiinaysa in qofkaas aad ku kalsoonayd, jacayl baddan aad siisay balse taas badalkeed uu kugu abaal mariyey inuu cidlo kaaga tago, taas badalkeed waa inaan dhinaca kale ee wanaagsan aan wax kafirinaa, kawaran qofkaas tagay hadi aay fursad inoo ahayd, hadii aan helno qof isaga ka wanaagsan oo noola dhaqma si kawaangsan siduu qofkaasi inoola dhaqmay. ama xitaa kalinimadu nimadu ay inoo tahay fursad, maxaa yeelay waxaan baranaynaa sidda kali loonoolaado, waxaan sidoo kale waqti u helaynaa inaan xooga saarno inaan noqono qofka aan nolosha ka doonayno inaan noqono. Stoics-ku waxay ina baranayaan inaysan jirin dhacdo xun ama dhacdo wanaagsan balse marwalba waxa jirra ay tahay sida aan u eegayno dhacdada. halkii aan diirada saari lahayn dhacdadu dhinaceeda xun waxaan dooran karnaa inaan u aragno fursad, markaas sidaas samayso waxaad meesha ka saraysa awoodda ay dhacdadaas uleedahay inay kudhibaatayso. Taas micnaheedu maaha in ufikirka si wanaagsan ay kaa ilaalin doonto in wax xun kugu dhacaan, balse waa in guuldarrooyinka iyo dhacdooyinka xun ayaa kugu filanyihiin inay kubaraan cashar ku saabsan helitaanka waxaad rabto, waa haddii aad u wajahdo qaab Stoic ah.
Filasoofka Jarmalka Friedrich Nietzsche, ayaa waxaa uu qoray fikrada Amor Fati oo micnaheedu tahay “Jacaylka Qaddarka,” fikirka aragtidaan ayaa ah, inaynan aqbalin oo kaliya waxyaabaha inagu dhaca nolosha gaar ahaan kuwa xun balse aynu oga mahadcelino inay inagu dhaceen maxaa yeelay ayuu leeyahay “wixii aanan kudilin waxay kadhigaan qof adag”.
Tittle: Waxyar raboow
Mid kamid casharada ugu muhiimsan eed Stoicism kabaran kartaa waa rabitaanka waxyar. Dadka badankood waxay aaminsanyihiin farxadu inay katimaado rabitaanka wax baddan, sida guusha, lacagta, caanimada. Waxaan aaminaynaa markaan helno waxyaabahas oo dhan in ay nolosheena isbadali doonto, dhibatooyinka nolosha oo dhanna ay ina tagi doonaan, balse xaqiiqadu waa in helitaanka sheygaas ay kuu keenayso dhibaato hor leh, tusaalo usooqaado, waxaad heshay gaarigi aad in-baddan ku riyoon jirtay. dhibaatada uu garigaas kusoo kordhinayo ayaa kabadan waxa aad kafaaideysid. waxaad bilaabaysaa inaad ka fikirto shidalka gaariga, waxaad waqti baddan kubixinaysaa sidii gaariga uga ilaalin lahayd inay wax gaaraan, waxaad raadinaysa meel amaan ah ood kuxarayso. faidada uu garigas kuu keenay waxa ka badanaanaya dhibaatada uu kugu soo kordhinayo. Stoics-kuna waxay ina barayaan sidii aan nafteena oga xorayn lahayn rabitaanka wax badan oo kugu hagaysa haysashada dhibaato badan,
Markaan sidaas dhahayo kama waddo inaad waxba ka raboon nolosha, yoolal aad gaarto nolosha waad ka dagsan kartaa, waxaad raadin kartaa inaad ku noolaato nolol aad kuwada qanacsantihiin adiga iyo dadka kugu dhow. Stoics-kuna kuma barayaan inaad wax hadafka nolosha ka dagsan balse waxay kugu dhiiraya galiyan inaad ku qanacsananto nolosha aad imika kunoshahay, waxwalba ood nolosha karabtayna aay tahay waxa aad imika haysato.
Gunaanad
Stoicism waa hab wax ku’ool ah loo wajo dhibaatooyinka, waa ogaanshaha in dhibku ay marnaba laga marmaan utahay nolosheena. Waa inaynan ka cararin dhibatada ama aynan isku dayin inaan ladagaalano. Inaynan cayrsan nolosha aynu umalayneyno inya tahay nolosha farxada leh inago u malaynaya inay taasi tahay yoolka xalin doona dhibaatoyinka nolosheena kajira. Stoicism waa inaan sida ay tahay aan u aqbalno dhibka oon isku dayno inaan wax ka barano, Waxay nabaraysaa in farxadeena aynu dul dhigin waxyaalo maadi ah, kuwaas oon marwalba weyn karno. Stoicism waa falsafada xiliyada adag, waa buundo aynu kaga gudbi karno ka welwelida waxyaabaha awooda kabaxsan, hadii aan sikale udhigana waa sida dhabta ah ee loonoolaado.