2014-kii, saykoolajist Timothy Wilson iyo cilmi-baarayaal kale ayaa soo ururiyey boqolaal arday iyo xubno ka tirsan bulshada, si ay uga qaybqaataan daraasad uu ugu magac daray “Muddada Fikirka”. Dadka waxaa mid mid loogu geynaayay qol cidlo ah, iyagoo loo sheegay inay iska dhigaan alaabtooda — sida telefoonnada gacanta iyo qalimada. Waxaa loo sheegay in ay kaliya isku maaweeliyaan fikradahooda muddo 6 ilaa 15 daqiiqo ah.
Kadib, qof walba markuu dhammeeyo waqtigii loo qabtay, waxaa la waydiiyay khibradooda ku saabsan dhowrkii daqiiqo ee ay qolkaas ku jireen. Qiyaastii 50% dadku ma aysan jeclaysan arrinkaasi, iyagoo ku tilmaamay inay ahayd xilli caajis badan.
Kadib cilmi-baarayaashu waxay go’aansadeen inay daraasadda ka qaadaan tillaabo dheeraad ah. Muddo 15 daqiiqo ah ayaa ka qaybgalayaasha waxaa lagu geeyey qol shaybaar ah oo uu yaallo batan; haddii ay taabtaan, ay dareemayaan shock. Waxaa loo sheegay in haddii ay doonaan ay abatanka taaban karaan oo ay naftooda shock-gareyn karaan, haddii kalena ay iska fikiri karaan.
Natiijadu waxay noqotay mid layaab leh: 67% ragga iyo 25% dumarka waxay doorteen inay naftooda shock-gareeyaan halkii ay kaliya isaga fikiri lahaayeen qol cidlo ah.
Maanta, xilligan casriga ah, way adag tahay inaan inta kaligeen meel cidla ah fadhiisano aan u oggolaanno maskaxdeena inay fikirto. Tusaalaha ugu fiican wuxuu noqon karaa: isku day inaad meel cidla fadhiisato, iyadoo telefoonkaagu jeebka ku jiro — waxaa qasab ah inaadan samayn karin. Dhibaataduna dabcan adiga ma aha. Barnaamijyadan tirada badan ee telefoonkeena ku jira, notifications-ka daqiiqad kasta inoosoo dhacaya, muuqaallada aan dhammaadka lahayn ee inaga mashquulinaya, wararka xiisaha leh ee iska soo daba dhacaya, iyo algorithm-ka baraha bulshada ee loo qaabeeyey inay ina tusaan muuqaallada iyo qoraallada aan xiiseynayno — dhammaantood waxay ka dhigayaan mid aad u adag in aan inta kaligeen meel fadhiisano aan u ogalaano maskaxdeena inaya fikirto.
Balse maxaan uga baahan nahay inaan inta meel cidla tagno aan maskaxdeena siinaa waqti ay ku fikirto?
Waan ku faraxsanahay inaad su’aashaas i waydiisay. Haddii maskaxdeena aan mashquulino oo aanan siin waqti ay ku fikirto, waxaan xarrineynaa qaybteena hal-abuurka. Tusaalaha nool ee tani waa JK Rowling, qoraaga taxanaha Harry Potter — dhammaan fikradaha buugeeda waxay qortay iyadoo saaran tareen afar saacadood oo Manchester ilaa London ah. Haddii ay soo qaadan lahayd telefoonkeeda si ay baraha bulshada u gedgediso ama ay dhagaysan lahayd heesta ay jeceshahay — Harry Potter ma uusan dhalan lahayn.
Inta badan waxaan maqalnaa abwaano sheegaya in heesahooda ugu saamaynta badan ay qoraan xilli habeenkii ah oo ay dadku kala seexdaan, wax mashquulinaya aysan jirin. Ama dadka Injineerada Software-ku ay oo helaan xalka barnaamijyadooda marka ay sii seexanayaan. Ama xitaa adiga qudhaadu aad heshid fikrado muhiim ah marka aad musqusha ku jirto. Waxyaabahan waxay inoo tilmaamayaan muhiimada ay leedahay marka aynu maskaxdeena siino xilli firaaqo ah oo ay ku fikirto.
Balse waakanaa — Facebook, YouTube, Instagram, TikTok, Snapchat, Netflix, oo ay ku jiraan muuqaallo, aflaam, iyo warar aan dhammaad lahayn. YouTubers-ku waxay muuqaaladooda ka dhigaan kuwo ilaa heer aadan ka daali karin. Influencers-ka Instagram-ku waxay soo dhigaan sawirro ay ku muujiyaan heerka sare ee noloshooda, si ay adiga kuu dareensiiyaan in nolol hoose aad ku jirto.
Waxaa qasab ah inaad Facebook-ga ku aragto warar been abuur iyo marin habaabin ah. Algorithm-ka waxaa loo qaabeeyey inuu barto dhaqankaaga, dabeecaddaada, iyo waxyaabaha aad xiisayso. Waana sababta ay adiga kuugu adag tahay inaad telefoonkaaga daqiiqad ka maqnaato.
Waxaa jirta oraah dhahaysa: “Wararka beenta ahi waxay ku faafaan si ka dhaqso badan wararka runta ah.” Internet-ka ayaana sahlay in wararka beenta ah ay si sahlan ku faafaan. Marka aan haysano aalado sida Facebook oo kale ah, oo aan ku soo geli karno wax aan rabno, way fududaanaysaa in aan aragno dad aan ka fiirsan saameynta xun ee hadalkoodu keeni karo.
Dadka badankooda uma muuqato saameynta xun ee wararka beenta ah — maxaa yeelay: in badan oo ay sheegaan warar been ah waa in badan oo ay helaan daawadayaal. in badan oo ay helaan daawadayaalna waa in badan oo ay helaan lacag ah. Kaliya maaha dadka soo gudbiya ee xitaa shirkadaha iska leh aaladahani waxay danaynayaan faa’iido dhaqaale.
Tusaale ahaan, 2019-kii, dowladda Sri Lanka waxay mamnuucday Facebook iyo WhatsApp, iyagoo lagu eedeeyay in lagu faafinayo rabshado iyo nacayb ka dhan ah Muslimiinta. Sidoo kale, Facebook waxaa lagu eedeeyay inay oggolaadeen faafinta warar lagu beeninayo xasuuqii milatariga Myanmar uu u geystay Muslimiinta Rohingya, iyo waxyaabo kale oo ka sii daran.
Waxaa jirta oraah kale oo dhahaysa: “Hadii waalidkaa markaad yarayd ay kuu sheegi jireen in wax walba ood telefeshinka ka aragto aysan run ahayn, hadda usheeg iyaga in wax walba oo ay facebook-ga ka arkaan aysan run ahayn”
Oraahyadani waxay caddeyneysaa in wararka beenta ah ee baraha bulshadu aysan kaliya innaga saamayn xun nagu yeelan, balse xitaa waalidiinteena.
Balwadda baraha bulshada waxay noqotay dhibaato hor leh oo dunida kusoo korortay. Badankeen markii aan samaysanaynay barnaamijyadan, waxaan u samaysanay in aan kula xiriirno waalidkeena ama saaxiibadeena, waqtiyada aan firaaqada nahayna aan iskugu madadaalino. Balse marba marka ka dambeysa, waxay noqonaysay shay balwad ah oo aynan iska jari karin.
Mid ka mid ah saameynta ugu xun ee balwadda baraha bulshadu inoo geyso waa dhibaataynta caafimaadka maskaxdeena. Daraasado ayaa muujinaya in isticmaalka badan ee baraha bulshada uu keeno xanuunada sida: niyad jabka, walaaca, iyo kallinimada. Sidoo kale, baraha bulshadu waxay noo oggolaadaan in aan nolosheena la barbardhigno dad kale — taasoo hoos u dhigaysa qanacsanaanta aan ka qabno nafteena. Waxaan arkaynaa oo kaliya dhinaca iftiimaya ee dadka wax ku soo gudbiya baraha bulshada, taasina waxay saameyn xun ku yeelan kartaa maskaxdeena.
Cilmi-baaris ayaa caddeyneysa in marka ay noqoto isbarbardhigga nolosha, dumarku ay kaga nugul yihiin ragga. Waxaana badan sheekooyin ku saabsan saamaynta xun ee ay barnaamijyadani ku yeeshaan gabdhaha yaryar. 2017-kii, gabar 14-jir ah oo lagu magacaabo Molly Russell ayaa isdishay. Baraha bulshadu waxay inantan yar ku sababeen in ay depression u dhibaatooto, sidoo kale algorithm-ka ayaa u sahlay in ay aragto sawirro iyo qoraallo dhiirrigelinaya isdilka.
Isticmaalka badan ee baraha bulshadu kaliya ma saamaynayaan caafimaadka maskaxdeena, balse xitaa caafimaadka jirka. Waxaa laga qaadaa xanuuno sida: cadaadiska indhaha, madax xanuun, iyo hurdo la’aan.
Inkasta oo shirkadaha iska leh barnaamijyadani ay marwalba isku dayayaan in aan sii wadno isticmaalka barnaamijyadooda, haddana waxaa jiray dad kale oo gacanta inoogu fiiqayay dhibaatadooda. Shirkad Chinese ah ayaa keentay TikTok, barnaamij muuqaal gaaban oo leh algorithm kuu dooraya waxyaabaha aad daawan lahayd. Mark Zuckerberg isaguna wuxuu keenay Instagram Reels iyo Facebook Reels. YouTube-na waxay keeneen YouTube Shorts.
Layaab malahan inaan aragno dhibaatooyin cusub oo ay waxyaabahan inoo keenaan — midda ugu weynna waa hoos u dhac ku yimaada feejignaanteena (attention).In ay nagu adkaato inaan daawano muuqaal 10 daqiiqo ah.
Waa laga yaabaa marka inaad is waydiinaysid maxaa xal ah? Xalku waxa keeni kara un waa innaga, ‘’Isticmaalaha’’. Tallaabooyin aad adeegsan karto ayaa jira si aad u yarayso isticmaalka badan ee baraha bulshada, sida waxa loo yaqaano ‘’dopamine detox’’ -ka soomidda dopamine-ka, inaad iska xirto dhamaan notifications-ka taleefonkaaga, inaad xakameyso inta daqiiqo ee aad taleefonkaaga isticmasho. Inaad waqtigaaga ku bixiso waxyaabo faa’ido kuu leh intaad taleefonkaaga gedgedin lahayd. Balse midda ugu muhiimsan waa inaan go’aan qaadano. Inaan ogaano waxani tahay dhibaato caalami ah oo aan la dagaali karno, tahayna inaan la dirirno.
Barnaamijyadani dhammaantood waa bilaash, oo isticmaalkooda wax lacag ah kaagama baxdo. Haddana sanad walba waxay sameeyaan lacag aad u fara badan. Sababtuna waa in adiga isticmaalkaaga ay faa’iido ugu jirto.
Markaad baraha bulshada si xad-dhaaf ah u isticmaasho, waxaa laga yaabaa inaad naftaada ku eedeyso inaysan iska xakameyn karin. Laakiin waxaadan ogayn in shirkadahan ay leeyihiin injineerro si gaar ah u tababaran oo u heellan in adiga aad joogtayso isticmaalka barnaamijyadan.
Barnaamijku waa bilaash, balse waa inay iyagu isku dayaan inaad joogtayso isticmaalkiisa.
Maxaa yeelay “haddii badeecadu bilaash tahay oo aadan iibsanin, adiga ayaa ah badeecada” – Richard Serra