Haddii aad jidka ka hesho boorso ay ku jirto $50, maxaad samayn lahayd? Ma waxaad raadin lahayd mulkiilihi boorsada lahaa oo waad u celin lahayd, mise waad iska qaadan lahayd? Jawaabtaada su’aashan, waxay go’aamin doontaa jawaabtaada su’aal kale oo muhiim ah: Bini’aadamku ma si dabiici ah ayey u wanaagsan yihiin, mise si dabiici ah ayey u xun yihiin? Dad badan ayaa laga yaabaa inay dhahaan aadanuhu si dabiici ah ayey u xun yihiin, wax walba oo anshax ah oo aan samayno waxay ka imaataa sida diintu inoo farto, caadooyin ama heshiisyo bulshada dhexdeeda ah, halka qaar kale oo badan ay ku andacoonayaan in dadku ay kala garanayaan xaqa iyo baadilka, kuwa kale ayaa iyana laga yaabaa inay bixiyaan jawaab ku dhacda meel u dhaxaysa labadan daraf.
Balse kala duwanaansho badan owgii, sidee ku ogaan karnaa jawaabta saxda ah?
Saykoolojiste Jonathan Haidt wuxuu aaminsan yahay in jawaabtu ay tahay in aadanuhu uu si dabiici ah u xun yahay, wuxuuna soo saaray aragti uu ugu magac daray “sayniska cusub ee anshaxa.” Balse inta aynan faahfaahin waxa ay tahay, hal mar aan qeexno waxa anshaxu yahay.
Anshax ama morality waxa afka qalaad lagu yiraahdo, waa mabaadi’ khuseeya kala soocidda xaqa iyo baadilka, ama dhaqanka wanaagsan iyo kuwa xun. Waa fikrado, dhaqamo iyo ficilo ay kooxi dagsatay, kuna qanacsan yihiin in qof walba oo kooxda kamid ah uu raaco, si dhammaantood ay nabad ugu wada noolaadaan. Inkastoo markii sidaas loo qeexo uu anshaxu u ekaanayo sharciga, haddana iskumid ma aha. Qofka hadii uu sharciga jabiyo dhibaato ayaa uga imaneysa, balse anshaxa wax dhib ah kama imaanayo. Tusaale, qishka imtixaanku waa dembi, laakiin khiyaanada lammaanaha sharciyan dembi ma aha, oo ciqaab ku mutaysan maysid noocay doonto ha ahaatee. Si kastaba, labadoodaba waxay u badan tahay in loo tixgeliyo inay yihiin kuwo aan anshax ahayn.
Aan u laabanno marka waxa uu yahay “sayniska cusub ee anshaxa.” Aragtida Jonathan Haidt waxa lagu soo koobi karaa inuu aaminsan yahay in bini’aadamku uusan anshax lahayn oo uu kaliya anshaxa barto marka ay bulshadu ama diintu nagu soo rogto. Haidt waxa uu kor ugu qaadayaa aragtidiisa isaga oo isticmaalaya tusaalayaal tijaabo nafsiyeed muran badan dhaliyey, oo ay kamid yihiin Tijaabadii Xabsiga Stanford ama Tijaabadii Milgram Shock. In case aadan aqoon u lahayn tijaabooyinkan, labaduba waxay ku lug lahaayeen tijaabooyin anshaxeed muran badan dhaliyey, si loo go’aamiyo sida dadku u dhaqmi doonaan markii la joogo xaalado anshax ah. Tijaabadii Milgram Shock, waxa lagu caddeeyey in dadka intooda badan ay si ula kac ah qof kale ugu geysan doonaan dhaawac jireed oo daran, iyagoo adeegsanaya shoog koronto, ilaa inta aan iyaga shaqsi ahaan lagula xisaabtamayn cawaaqib xumada ka dhalan karta.
Tijaabada dhexdeeda, ka qayb-gale walba wuxuu qaadanayaa door macallin-nimo oo su’aal weydiinaya arday ku jira qol u dhow. Ardayga dhowr su’aalood ayaa la weydiinayaa, mid walba oo uu galo wuxuu lagu ciqaabi doonaa shoog koronto oo ka bilaabanaya 15 volt, mar walbana kor u kacaysa 15 volt ilaa laga gaarayo 450 volt. Doorka ardaygu wuxuu ahaa jiliin oo koronto rasmi ah ma aha oo waxyeello geysanaysa, waxa tijaabada laga qaadayey waa shaqsiga doorka macallinka ah. Nasiib darro, natiijadu waxay noqotay in 65% ka qayb-galayaashu ay gaarsiiyeen shooga halka ugu dambeysa, iyagoo waliba shaqsiga ardayga ah uu ku baryayo in la sii daayo ama xitaa ka cawdo xaalad wadne ah.
Tijaabada kale ee Tijaabadii Xabsiga Stanford, saykoolojiste Philip Zimbardo ayaa ka dhisay xabsi tijaabo lagu sameynayey gudaha jaamacadiisa. Ujeedada tijaabadu waxay ahayd in Zimbardo uu doonayey inuu ballaariyo tijaabadii Milgram, wuxuu rabay inuu wax badan ka ogaado saameynta duruufaha xaaladeed ee uu leeyahay hab-dhaqanka aadanaha. Wuxuu soo aruuriyee dad isugu jira arday iyo bulshada qaybaha kala duwan. Ka qayb-galayaasha ayaa si aan kala sooc lahayn loogu doortay inay noqdaan ilaalada xabsiga, halka kuwa kalena loo dhiibay doorka maxbuuska. Marka tijaabadii la bilaabay, waqti badan ma qaadan markii group-ka hayey doorka waardiyeyaasha ay bilaabeen inay ku milmaan doorkooda. Waxay bilaabeen inay ciqaabaan, marmarka qaarna xitaa garacaan maxabiista. Dhinaca kale, maxabiista waxay la kulmeen xaalado nafsi ah, oo xitaa qaar badan oo kamid ah ku noqotay in ay la sii dhibaatoodaan waqti badan kadib tijaabada. Si kastaba ha ahaatee, natiijadu waxay noqotay mid nasiib darro ah oo aad u xun. Zimbardo wuu kari waayay niyad wanaag inuu sii wado tijaabada, waxaana lagu qasbay inuu joojiyo.
Natiijoyinka tijaabooyinka noocaan oo kale ah owgii, Haidt waxa uu ku doodayaa in aanu hayno caddayn dhammaystiran oo ah in bini’aadamku uu si dabiici ah u xun yahay. Wuxuu leeyahay, haddii aan samayno wax wanaagsan ama doorasho akhlaakheed waxaan u samaynay si shil ah ama bulshada ayaa inagu khiyaamaysay. Balse su’aashu waxay tahay: Ma saxan yahay?
Balse inta aynan kala dooran Haa iyo Maya, su’aal aan ku weydiiyo. Ma isku tilmaami lahayd inaad tahay qof xun ama si kale aan u dhahee danayste? Ilaa heer, dhammaanteen waxaan leenahay qayb inaga mid ah oo jecel inay wax u samayso sida aan rabno. Waxa laga yaabaa inaan cunno xabad doorasho ah halkii aan qayb ka mid ah saaxiibkeen u gayn lahayn, ama aan dooranno dariiqeena shaqo ee mustaqbalka halkii aan dooran lahayn midda qoyskeena ay nala rabaan. Shaki kuma jiro dhammaanteen inaan mar mar isu aragno inaan noqono qof dantiisa keliya ka fekera, laakin midda muhiimka ah ayaa ah inaynaan mar walba rabitaankaas raacin. Mar walba danaystayaal ma nihin, laakin saykoolojistayaasha sida Haidt oo kale way kaa diidayaan arrinkaas. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay run tahay inaan inta badan danteena oo kaliya ka fekerno, haddana danaysigu maaha awoodda ka dambaysa hab-dhaqankeena.
Tusaale, haddii aad waalid tahay, dhiiranaantaada inaad kacdo habeen xilli danbe si aad u quudiso ilmahaaga maaha waxa adiga dantaada ah, uma hureysid waqtigaaga, maalkaaga ama rabitaanka shaqsi ee ilmahaaga inay adiga dantaada tahay. Si la mid ah, haddii aad kasoo horjeedo ku cunsuriyenta qof haybtiisa, ujeedooyinkaaga waxa lagu sifayn karaa waa waxqabad. Maxaan marka, haddii aadanuhu danayste yahay, ugu doodaynaa qof kale xuquuqdiisa ama aan u soo kacnaa habeen xilli danbe si aan ilmo baahan u quudinno?
Inkastoo ay run tahay in dadka tijaabooyinkaas ku jiray ay u dhaqmeen si danaystenimo ah, iyo xitaa tijaabooyin kale oo kuwaas la mid ah ay soo saareen natiijo isku mid ah, haddana is barbar dhigyadaan oo dhan midda ugu muhiimsan een kala dhixi karno waa in aadanuhu uusan xumayn, sidoo kale-na uusan wanaagsanayn. Taas badalkeed waxa nagu qasbaya inaan si gaar ah u dhaqanno xilli gaar ah—waa filasho la’aan waxyaabaha ka dhalan kara ama in nalagu qasbay. Inkastoo aysan taasi na siinayn jawaab waafi ah oo ku qanci karno, haddana waxay na siinaysaa rajo ah inaanan ku adkaan halka dhinac ee ah in aadanahu si dabiici ah u xun yahay.
Waxay na tusaysaa in anshaxeenu, si kasta oo ay tahay, uu u wanaagsan yahay sida duruufaha nagu hareeraysan oo kale. Dhammaanteen waxaynu ku dhisnay anshaxeena awood aan ku kala saarayno xumaanta iyo samaha, balse waxyaabaha aan samayno xilliyada qaar, waa khad aanan qeexi karin oo u dhexeeya awoodayada shaqsiyeed iyo xaaladda markaa taagan. Muuqaal laga soo qaaday daraasadda Milgram ayaa daaha ka qaaday mid ka mid ah ka qaybgalayaasha, kaas oo markii uu kordhinayey xajmiga shooga korontada u muujiyay walaac qofka dhinaca kale jooga. Wuxuu sameynayey wax uusan rabin inuu sameeyo. Inkastoo walaacaasi uusan ka joojinaynin inuu sameeyo ficilka, balse waxa jirta fursad yar oo rajo ah oo aan ku qancin karno nafteena inuu uusan rabin inuu ficilkaas sameeyo.
Tijaabo kale oo lagu magacaabo Tijaabada Isbitaalka Hofling, dhakhtar xanuunnada dhimirka Charles Hofling ayaa sameeyey tijaabo ku saabsan adeecida, marka loo barbardhigo tijaabadii Milgram. Wuxuu daraasad ku sameeyey kalkaaliyeyaal aan ka warqabin in tijaabo lagu samaynayo. Mid kamid ah cilmi-baarayaasha ayaa taleefan ka wacaya kalkaaliyeyaasha isagoo sheeganaya inuu yahay “Dr. Smith,” wuxuuna ka codsanayaa inay ka eegaan qaanada daawooyinka daawo lagu magacaabo “Astroten.” Marka kalkaaliyuhu uu hubiyo daawada, wuxuu ogaanayaa in inta ugu badan ee daawada laga isticmaali karo maalintii ay tahay 10mg, balse waxaa loo sheegayaa in 20mg oo daawadaas ah ay siiyaan shaqsi lagu magacaabo ‘Mr. Jones.’ Wuxuu Dr. Smith u sheegayaa kalkaaliyaha inuu foomka daawada uu markuu yimaado saxiixi doono.
Ka hor wicitaanka, ma jirin wax waraaqo ah oo ku saabsan Astroten oo sugaya kalkaaliyeyaasha. Kalkaaliyeyaasha sidoo kale lama ogaysiin in Dr. Smith uu soo wici doono, iyaguna ma aysan aqoon cidda Dr. Smith uu yahay. Daawaduna dabcan maaha mid waxyeello u gaysanaysa bukaanka, waa daawo loogu talagalay in daraasad lagu sameeyo. Waxaa jiray sababo badan oo kalkaaliyeyaashu ku diidi kareen codsigan. Kalkaaliye kasta wuu ogaa in bixinta daawo ka badan 2-jeer inta loogu talagalay ay tahay wax uusan horey u maqlin, raacista tilmaamaha dhakhtar qariib ah oo taleefan kasoo wacayna ay tahay wax aan sharciga ku jirin.
Xasuusnow, tijaabada waxaa lagu sameeyay 22 kalkaaliye. Natiijaduna waxay noqotay in 21 kamid ah 22-ka kalkaaliye ay aqbaleen codsiga dhakhtarka taleefanka kasoo wacay. Natiijooyinkani dabcan waa kuwo naxdin leh markaad eegto wixii ka dhalan lahaa haddii Astroten ay daawo dhab ah tahay iyo saameynta xun ee ka dhalan kartay haddii bukaan la siiyo in ka badan inta loogu talagalay.
Tijaabooyinka caynkan oo kale ah waxay ku siin karaan walaac ballaaran, oo aad ka qabto in aadanuhu ay si dabiici ah u xun yihiin. Balse aan dhinac kale wax ka fiirino.
Ujeedada ay kalkaaliyeyaashu sidaa u sameeyeen maaha inaysan lahayn awood ay ku kala gartaan maxaa qalad ah iyo maxaa sax ah. Goobta ay ka shaqaynayaan oo ay weheliso dheelitirnaan la’aanta awoodda uu dhakhtar u leeyahay inuu wax amro ayaa si fudud uga dhigtay damiirkooda mid aan ka taxaddarin arrinkaas. Mid kasta oo kamid ah dhammaan ka qaybgalayaasha tijaabooyinkii aan soo sheegnay oo dhan, oo sameeyey wax khalad ah, waxay u sameeyeen waa inay ku qanciyeen naftooda ama dad kale in waxa ay samaynayaan ay tahay wax wanaagsan, sabab kasta ha la haatee.
Sidaa darteed, maaha arrinku in aadanuhu uu xun yahay ama uu wanaagsan yahay, ee waa in mar walba u hormarayno sidii aan u wanaagsanaan lahayn. Balse taasi waxaa ka sii muhiimsan inaan aqoon buuxda u yeelano waxyaabaha xumaanta horseedi kara.
Mar walba annagoo is leh wax wanaaji, ayaan waxaan samayn karnaa ficillo lagu tilmaami karo inay yihiin kuwo adduunka ugu xun. Fritz Haber tusaale ahaan, wuxuu u malaynayey marka uu sameynayey hubka gaaska inuu yareyn doono dagaallada, sidoo kale uu badbaadin doono nafaf badan. Balse ugu dambayn waxaa loo adeegsaday musiibadii Holocaust.
Taariikhda bini’aadamka waxa ka buuxa tusaalayaal ay dadku kaga marmarsiyoonayaan gaystooda falalka foosha xun, iyagoo isticmaalaya saddex eray oo caan ah: “Waa lay amray.”
Ugu dambayn, in aadanuhu ay yihiin kuwo asal ahaan u wanaagsan ama u xun, waxaa laga yaabaa in aynaan waligeen ogaan. Laakiin waxa kaliya ee aan ognahay waa, in si uun aan dhammaanteen nafteena ugu fikirno, annagoo abuurnay marmarsiiyo ah inaan si wax noqdeen ma ahee si kale ula jeednay, innagoon xitaa aan ula jeedin marka horeba.