,

Aragtida Boolo Boolada Madow | Black Swan


Waxaa tahay digaagad. Haa, adiga. Mulkiilahaagu maalin kasta wuu ku quudiyaa, wuu ku daryeelaa, wuu ku xanaaneeyaa, habeenki markii lagaarana wuxuu ku geeyaa meel amaan ah, si uu kaga ilaaliyo in bahaladu ku qaataan. Ma ogid sababta uu mulkiilahaagu sidaas oo dhan kugu daryeelayo, shaki ayaa kugu jiray markii hore in qofkaan uu wax xun kuu gaysan doono, balse markii dambe waxaad aamintay in shaqsigani uu ku jecelyahay wax dhib ahina uusan kuu gaysan doonin. Maalin walba oo tagta waxay kuu ahayd cadayn ah inaad noolaan doonto maalinta xigta. Isbuucyo, bilo, iyo sanado qurux badan ayaad soo qaadatay, ilaa markii dambe aad ku dambaysay inaad noqoto – cashada hal qof.

Qiyaas khiyaano intee le’eg ayey dareentay in lagu sameeyay digaagadaasi. In la siiyo maalmo intaas le’eg, 1000 maalmood tusaale, si ugu dambayn ay u noqoto – casho. Haddii aysan digaagadaasi aamini lahayn in mulkiilaheedu uu jecelyahay, ugu yaraan waxay ka bad-baadi lahayd dareenkas ah in la khiyaanay.

Tani waa aragti falsafadeed loo yaqaano boolo boolada madow ama black swan theory. Dhacdo u dhacda si lama filaan ah oo sameyn xad dhaaf ah yeelata, taas oo wax ka bedesha aragti ku’aadan shay. Dadku waayadii hore waxay u malayn jireen in boolo booladu ay cadahay, tixraacyadii hore aaminsanaanta in boolo boolo madow aysan jirin waxaa ka mid ah, erayo ku jiray gabay uu qoray gabyaagi Roomaanka ahaa Juvenal. Isagoo tilmaamaya tayada haweenayda u qalanta guur ayuu yiri, “Shinbir naadir ku ah adduunka, oo aad ugu eg boolo boolo madow.” Xiligaas dadku waxay aaminsanayeen in boolo boolo madow aysan jirin, erayga-na waxaa loo adeegsan jiray dhacdo aan macquul ahayn inay dhacdo. Ilaa laga soo garyey sanadkii 1697-kii oo shaqsi reer Holand ahi uu Australia ku arkay boolo boolo madow. Xilliyadaas, maadaama Yurubiyaanku aysan aad sahmin jirin Australia, casharka ugu muhiimsan ay ka barteen waxaa uu ahaa, haddii shay uusan imika dhicin macnaheedu maaha inuusan mustaqbalka dhici doonin.

Nassim Nicholas Taleb ayaa erayga aad caan uga sii dhigay wuxuuna kaga hadlaya buugiisa Black Swan. Waxaa uu aad uga hadlayaa sababta dunidan casriga ah ay tahay meel fudud inay ka dhacaan dhacdooyin black swan ah. Nassim wuxuu u kala saaraya dhacdooyinka 2 qaybood, mid uu ugu yeerayo mediocristan iyo mid kale oo uu ugu yeerayo extremistan.

Mediocristan waa dhacdo aanan wax badan ka badalayn celceliska tiro, ama haddii aan si kale u dhigo, aanan saameyn badan keenayn. Si si fiican aan ugu sii fahano, aan soo qaadano 100 qof oo celceliska dheerarkoodu yahay 182 mitir. Yacni, qof walba waxaa uu dheerarkiisu noqonayaa 182 sentimitir. Haddana aan soo qaadano qofka ugu dheer adduunka oo dheerarkiisa aan dhahno yahay 272 sentimitir, oo aan ku darno celceliska 100kii qof ee aan haysanay. Celceliska uu kusoo kordhinayo shaqsigaasi 100ka qof waxay noqonaysaa ku dhawaad 1.5 boqolkiiba oo kaliya. Maahan mid sidaas u weyn sax. Qofka adduunka ugu dheer celceliska 100 qof oo meel dhexaad ahi dheerarkooda waxba sidaas u badan kuma soo kordhinayo, ama saameyn sidaas u badan kuma sameynayo. Nassim waxa uu ugu yeeray nidaamkan mediocristan.

Haddana aan sameyno tijaabo taas la mid ah balse halkii aan dheerarka ku samayn lahayn, aan ku badalno hantida. Aan soo qaadano 100 qof oo celceliska hantidoodu ay tahay aan dhahno $19 Million, taasoo ka dhigaysa qofkiiba inuu haysto $190,000. Kaddibna aan ku darno dhaqaalaha uu haysto ninka adduunka ugu hantida badan, aan dhahno Elon Musk tusaale. Isbeddalka uu halkaa qof ku sameynayo celceliska dhaqaalaha 100ka qof waxay noqonaysaa 99.9%, taasoo ka dhigaysa celceliska uu Elon kusoo kordhinayo 100kaas qof mid aad u badan. Nassim waxaa uu ugu yeerayaa nidaamkan extremistan. Wuxuu leeyahay dhacdooyinka extremistan-ka ahi waa dhacdo aanan la qiyaasi karin, sameyn weynna ku yeelanaysa xaaladda markaas taagan. Dheerirka, miisanka, inta kalori oo qofku isticmaalayo maalinti, waxyaabahani oo dhan waa mediocristan. Waa waxyaabo la qiyaasi karo, macno malahan inta qof uu dheerarkiisu yahay ama miisankiisu yahay, marna macquul maahan inuu dhaafo xadka loogu talagalay, ma filaysid tusaale inaad aragtid qof miisankiisu yahay 1000 kiilo. Taariikhda bini’aadamka, qofki ugu miisanka badnaa waxaa uu ahaa 635 KG. Balse marka ay noqoto extremistan, cid qiyaasi kartaa majirto.

Dhibaatada ay leedahay dhacdada Extremistan-ka ahi waa in aan la qiyaasi karin goorta ay dhici doonto iyo sameyn ay yeelan doonto. Aan dhahno tusaale, waxaan soo saarnay filim, qof qiyaasi karta majirto ilaa intu uu filimkaasi gadmi karro, qaar way guulaystan qaar-na way qasaaraan. Taas waxaan kala dhex bixi karnaa inaan si fiican u fikirno xirfadda aan dooran lahayn si aan ugu shaqayno berri. Nassim wuxuu dhahay mid kamid ah talooyinka ugu fiican ee ebid la’siiyey waxaa isiyey shaqsi aan isku fasal ahayn xiligi dugsiga sare, waxaa uu ii sheegay inaan ka shaqeeyo shaqooyinka aan la qiyaasi karin faa’iidada kaga soo bixi doona. Shaqooyinka qaar waa kuwo aanan u baahnayn in waqti sidaas u badan lagu galiyo, balse faa’iidooyinkoodu ay yihiin kuwo badan. Haddii duubto podcast ama aad leedahay website ecommerce-ah, uma baahnid inaad waqtigaaga galiso si aad lacag u samayso, adigoo dalxiis kumaqan ama adigoo hurda ayaad lacag samayn kartaa. Joe Rogan tusaale, mar walba oo uu hal podcast duubo, si uu lacag u sameeyo uma baahna inuu podcast-iga dib u duubo, muqaalkas ayaa mar walba oo la daawado lacag samaynaya.

Tusaale kale aan soo qaadano qoraayaasha. Mid kamid ah buugaagta loogu iibsi badan yahay caalamka, Harry Potter, qoraagiisa J.K. Rowling, uma baahna mar walba oo ay lacag samaynayso in buugga ay dib u qorto, kaliya waa la dabaacayaa un. Shaqooyinka caynkan ah si aad uga faa’iido u samayso, kuma xirna tirada howshaada, balse waxay ku xiran tahay tayada howshaada. Taasi waa sababta shaqooyinka aan la qiyaasi karin faa’iidadooda ay u yihiin kuwa soo jiidashada leh, markii loo barbar dhigo shaqooyin waxa kasoo galaya la qiyaasi karo. Markaa tahay shaqaale dhisme, wade taraag, qareen, dhakhtar, macalin ama makaanik, si aad lacag u samayso waa inaad waqtigaaga galiso shaqadaas, taasoo micnaheedu yahay in wax lacag ah aysan ku soo galayn marka aadan shaqaynayn. Si kale haddii aan u dhahno, faa’iidada kuma xirna tayada howshaada, balse waxay ku xiran tahay tirada howshaada.

Lagayabaa marka inaad iifahanto, inaan kugula talinayo inaad doorato xirfadaha aan la qiyaasi karin faa’iidado, maxaa yeelay waa kuwo soo jiidasho leh, waqti iyo tamar badan aadan galinayn faa’iido badanna leh – sax, balse maya maahan, waa taas kasoo horjeedkeeda. Nassim wuxuu leeyahay waxa ka dhigaya talada yarka aan isku fasalka ahayn midii iigu wanaagsanayd, waa inaysan ahayn talo fiican.

Shaqooyinka aan faa’iidadooda la qiyaasi karin haddii ay yihiin shaqo wanaagsan, qof walba ayaa samayn lahaa. J.K. Rowling waa qoraa guulaystay, balse meeqo qoraa oo aan guulaysan ayaa jirra? Cid hadal haysa waligaa ma maqashay? Waa maya. Waligaa ma aragtay qof qasaaray oo documentary laga samaynayo? Jawaabtu waa maya. Waxaan aragnaa inta yar ee guulaystay oo kaliya.

Shaqooyinka aan la qiyaasi karin faa’iidadooda, waa “guulaystaha ayaa qaata faa’iidada oo dhan.” Lagayabaa inaad iga diidid oo dhahdid, dadka guulaystay sida billionaire-da, qoraayaasha, ciyaartoyda, YouTuberada. Dadkaas oo dhan si adag ayey u shaqeeyeen, wax walba oo haystaana waa miraha geedkii ay beerteen, laakiin xaqiiqdu sidaas maahan, wayna adagtahay in la dhaho inta ay haystaan waa miraha geedkii ay beerteen, maxaa yeelay xitaa haddii aad imika samayso wax walba oo uu Elon Musk sameeyey, cid kuu balanqaadi karta majirto inaad u guulaysato sida uu u guulaystay.

Dhaqaalaha xiligan casriga ah ayaa sidaas u shaqeeya. Waayadii hore shaqooyinku dhimasho iyo nolol uma aysan dhaxayn, fanaaniintu masraxyada ayey si live ah uga heesi jireen, sidaas ayeyna lacag ku sameyn jireen. Maanta fanaanka hal mar ayuu heesta duubayaa, balaayiin qof oo dunida joogta ayaana dhagaysanaysa. Uma baahna sidii waayadii hore oo kale inuu masrax ka heeso.

Shaqooyinka caynkan waa shaqo fudud oo faa’iido badan, waqti iyo tamar badana aadan galinayn, balse si fudud aadan uga guul gaari karin ama extremistan ah. Qof walba ayaa fanaan noqon kara sax, balse fursadda inaad noqoto fanaan caan ah oo guulaystay waa 0.1% oo kaliya. Waana lamid dhammaan shaqooyinka aan la saadaalin karin oo dhan. Fursadda inaad ka guul gaartid aad bay u yar tahay.

Taasi waxay na tusaysaa aragti yarideena ku aadan aduunkan. Waxaan u malaynayaa bilowga in wax walba oo dunidan ka dhaca aan ognahay, lakiin xaqiiqdu waa in waxa aanan ogayn ay ka badan tahay. Nassim wuxuu ku soo koray Lubnaan, meel uu arkayey in jano oo kale tahay. Waligiis kuma uusan fikirin wadankaaga ayad ka haajiraysa, balse dagaal sokeeye ayaa dhacay, taasoo ka dhigtay dhacdo black swan ah oo aragtidi Nassim iyo Lubnaan oo dhan badashay.

Maalin walba dhacdooyin ayaa dunida ka dhaca kuwaas markii hore loo arkayey kuwa aan macquul ahayn inay dhacaan. Nassim waxa uu dhahay, maskaxda bini aadamku waa mashiin sharaxadda cajiib ku ah, lakiin ay ku adagtahay inuu aqbalo fikradda ah in wax aan la saadaalin karin. Waxaan si adag uga fiirsanayna dhacdooyinka black swan-ka ah, balse marka ay dhacdo, waxaan helnaa sharaxaad ah sida saxda ah ee ahayd in dhacdadaas aan ka hortagno, waxaan iloowna in black swan ay dhici karto, kaddibna way inagu dhacdaa iyadoo badasha aragtideena oo dhan.

Nokia uma aysan malaynin in shirkadaha taleefannada smart phone-ka soo saara ay suuqa kala bixi doonaan. Maraykanku sina uguma uusan fekerin in daaraha New York diyaarado lagu weerari doono. Musibadii ka dhacday Fukushima, Japan 2011-kii, dadka deegaanku marnaba kuma aysan fikirin in dhacdo noocan ahi ku dhici karto.

Dhibaatadu waxay tahay, waxaan fiirinaynaa inta aan naqaano oo kaliya; wax walba oo dhacana waxaan ku dabaqayna intaas. Waxa uu ugu yareeya Nassim arintaan Nerd effect. Qof bartay tusaale ahaan stock market-ka inta u dhaxaysa 1920kii ilaa 1928-kii, wuxuu haystay fikrad fiican oo ku aaddan in wax badan uu ka yaqaano qaabka uu suuqa u shaqeeyo. Laakiin dhaqaale burburkii dhacay 1929-kii ayaa bedelay aragtida qofkaas, oo ka dhigtay in wax walba oo intaasoo sano uu soo ogaadaa aysan run sii ahaan doonin.

Si kastaba, marka ay noqoto black swan, waa shay nolosha aadanaha ku jira oo aynan sinna ku huri karin. Balse haddii aad si fiican u barato, waxay ku noqon kartaa tilmaan kugu hagta inaad qaadato go’aan wanaagsan. Waxay sidoo kale kuu noqon kartaa indho furasho adigoo baranaya ka aadane ahaan meelaha aad ku xuntahay. Maadama dhacdooyinka caalamka ay noqdaan kuwo aan la saadaalin karin, waxaan ugu yaraan xakamayn karnaa samaynta ay inagu yeelanayso, inagoo aqoon badan u yeelanayna deegaanka inagu hareeraysan, taasoo laga yaabo in wax badan ay ka badasho iska indho tirkeena ku aaddan waxyaabaha inagu dhaca.

Sida digaagada bilowga muqaalka aan ka soo hadalnay, sida iyada ay u aragto waxa ku dhacay — waa dhacdo black swan ah. Laakiin markii la fiiriyo aragtidda mulkiilaha digaagada, uma ahan dhacdo black swan ah, waa shay caado ah oo aan lama filaan ku ahayn. Taasi waxay na baraysaa, in mar walba aynan hal meel oo qura wax ka eegin, si hadhow meesha kale oo aynan eegin aysan inoogu noqon lama filaan.