Hadaf-ka yaga aan joogsiga lahayn ee raadinta horumarku, waxaa uu ina baday inaan waqti, dadaal iyo huritaan badan ku bixino, sidii an u heli lahayn wixii aan nolosha ka rabno. Bulshadu waxay inta badan guusha ku cabirtaa inay tahay haysashada hanti iyo maqaam, iyadoo ay taasi sabab u tahay aamin sanaanta in waxyaalahnani lagama maarmaan u yihniin farxadda. Ha sayeeshee, waxaa jirta falsafada lid ku ah dhamaan aragtida aan ka haysano sida aan u heli lahayn nolol farxad leh, oo bixineysa hab soojiidasho leh, si aan uga fikirno waxa runtii muhiim u ah nolosheena.
Tani waa falsafadda Cynicism, falsafad giriigi hore ah, oo qaabeyneysa hab-ka aan u fikirayno, sida aan wax isaga weydiineyno calaamka nagu hareeraysan, sida aan u xalineyno mushaakiladda iyo waliba dariiqa aynu marayno dhaqan ahaan. Waa falsafad ku saleysan wanaagga iyo in noloshu ay ku jirto dabeecadda, iyadoo ka fogeynaysa raadinta hantida, awoodda, iyo darajooyinka bulshada.
Erayga Cynic waxaa uu ka yimid erayadda giriig ah ee “kynikos” oo micnaheedu tahay ”sida-eyga” iyo “kyôn” oo micnaheedu tahay “ey”. Falsafaddani waxay xili hore ka bilaabatay giriigi hore. Waxaa aasaasay filasoof lagu magacaabi jiray Antisthenes oo mid kamid ahaa ardaydii Socrates.
Antisthenes waxaa uu dhashay sanadkii 446 Nebi Ciise Kahor. Dhallinyarnimadiisii waxa uu lugayn jiray masaafo dhan sagaal kiiloomitir, si uu wax uga barto Socrates. Waxa uu xitaa joogay dhimashadii Socrates markii lagu xukumayey dil toogasho ah maadama lagu eedeeyay inuu musuqmaasuqay maskaxda dhalin-yaradda Athens.
Si kastaba, shaqsiga ugu caansan ee lagu garan og yahay falsafadani waa Diogenes of Sinope kasoo ku noolaa hoy dhoobo kasameysan oo ku yiilay waddooyinka Athens. Diogenes waxaa uu aragtida cynicism ku sifeeyey hab dhaqankiisa muranka dhaliyey ee u heelanaanta aan leexleexa lahayn ee mabaadi’da qalafsanaanta, danayn la’aanta, iyo isku filnaanshaha.
Sabab-ta loogu magacaabay cynics-ka ey asal ahaan cid hubta majirto lakin waxaa lashegaa in ay tahay, In filasoofkii ugu horeeyey ee falsadan Antisthenes in wax kubari jiray dad-ka meel magaceeda lagu turjumay “Meesha ey-ga cad”
Bugiisa A History Of Cynicism, Donald Dudley waxaa uu sidoo kale soo xigtay tariikhyahan jarmal ah Christian August Brandis, oo oranaya.
waxaa jirta afar siyaabo oo Cynics-ka ay magacaan u yeesheen, mar-ka kowaad magacoodu waxa uu ka turjumayaa qaab nololeedkooda danayn la’aanta – ma daneeyaan gabi ahaan ba raaxadda, waxay sida eeyaha u arkayaan danayn la’aan-ta wanaag, waxay qiimeeyaan inaysan dan ka lahayn caadooyinka bulshada, inay si furan wax u cunaan una muujiyaan kalgacal, inay ku socdaan kabo la’aan, iyo inay seexdaan meelaha sida banaanadda ama dhinacyada waddooyinka. Sababta labaad waa in eeyuhu aanay xishoon, maaha is hooseysiiin balse waa is sareysiin. Sababta saddexaad waa in eygu yahay waardiye fican , oo ilaashada mabda’a falsafadooda. Sababta afaraad waa in eygu kala saari karo saxiib-ka iyo cadow-ga, sidaa darteed waxay u aqoonsadaan saxiib kan xiiseeya falsafadda wayna soo dhaweeyaan, kuwa aan xiiseyna way ka cabsiyaan oo ay ku ciyaan sidda eeyaha oo kale.
Fikirka ugu weyn ee falsafada Cynicsm waa in aadanuhu uu yahay makhluuqa fakara, hadafkeena ugu weyn ee noloshuna ay tahay inaan adeegsano awoodeena aan ku fakirno si aan u kala saarno xaqa iyo baadilka, si aan ugu noolaano nolol wanaagsan oo akhlaaq leh, raacno sharciyada dabiiciga ah, iyo inaad ku noolaato nolol fudud adigoo iska indha tiraya xeerar-ka bulsho oo aan waafaqsanayn mabaadi’dan.
Cynics-yadii hore waxay caan ku ahaayeen diidmada sumcadda, awoodda, lacagta, iyo hantida, waxayna si cad u diideen waxyaabo badan oo ay dadka Giriigga ah aad u qiimeeyn jireen.
Mabaadida ugu muhiimsan ee cynicism waxaa lagu qeexaa si la mid ah Stoics-ka, in hadafka ugu dambeeya ee nolosha ay tahay in la gaaro eudaimonia oo lagu turjumo barqaawo ama farxad. Xaaladan waxaa lagu garaa wanaagga, naxariista, u adkeysiga walaaca, awood u lahaanshaha hadalka si xor ah, isku filnaansho, iyo inaan dan ka lahayn waxyaabaha ka baxsan awoodadda. Intaa waxaa dheer, in ku noolaanshaha dabeecaddu ay muhiim u ah gaaritaanka eudaimonia,(udhaaymooniya) si kastaba islaweynida oo ku lug lahaan karta qaadashadda go’aano qaldan oo horseedaya shucuur xun, rabitaan waxyeello leh iyo dabeecado wax duminaya, ayaa meesha ka saaraya in lagaaro yoolkan.
Cynics sidoo kale waxay rumaysnaayeen in diididda hantida, sumcadda, iyo awoodda ay naga xoreeyneyso saameyntooda taban, sidoo kalana gacan ka geysaneyso inaan si haboon u fikirno oo aan go’aan wanaagsan qaadano.
Dhinac kale oo muhiim u ah falsafaddani waa ‘parrhesia,'(paariisha) ama daacadnimadda taasoo ah in si xor ah oo daacadnimo kujirto loo sheego runta xitaa ay dhib kugu noqon karto. Cynics-ku waxay rumaysnaayeen in haddii sidan loo noolaado, qofku uu heli doono farxad.
Diognese of sinope waa shaqsiga ugu caasan falsafadan, waxaa aad loogu yaqiinay qaab nololeedkiisa aan caadiga ahayn, caqli badnidisa iyo ku majaajiloonta xeerar-ka iyo habab-ka bulshadii wagaas. Diogenes waxa uu qaatay faqriga iyo fududeysiga ilaa heer aad u daran, waxaa uu aaminsanaa in hantida maadiga ah iyo heerar-ka bulsho ay caqabad ku yihiin ku noolaanshaha nolol wanaagsan oo xor ah. Waxaa uu ku nool hoy dhoobo ka samaysan oo ku yiilay wadooyinka athens, waxaa uuna diiday nolosha raaxadda leh oo ay dadka badankood raacdeeyan. Waxaa la sheegaa in maalin cad uu ku socday wadooyin athens isagoo sita faynuus oo raadinaya qof daacad ah balse uusan helin, tasoo caan kadhigtay oraahda “Daigoness oo raadinaya qof daacad ah.”
Sheekooyin iyo odhaahyo badan ayaa loo nisbeeyaa Diogenes, kuwaas oo muujinaya caqligiisa iyo dhaqankiisa aan caadiga ahayn. Tusaale ahaan markii Alexander the Great uu soo booqday isaga oo ku faraxsan lakulanka faylasuuf caan ah, ayaa waxa uu waydiiyay haddii ay jiraan wax uu u qaban karo Diogenes, waxaana ku jawaabay diognesee “ Haa, igaga hor wareeg iftiin-ka qorraxda”
Alexander ayaa haddana yiri, “Haddii aanan ahayn lahayn Alexander, waxaan markaa jeclaan lahaa inaan noqdo Diogenes.” Taas oo Diogenes uu ku jawaabay, “Haddii aanan ahaan lahayn Diogenes, weli waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo Diogenes.”
Inkastoo lagayaabo inuu u muuqdo shaqsi aan wacnayn in laga ag dhawaado hadana waxaa uu oga tagay dhaxal waarta falsafadda ree galbeed-ka . Xoog saaristiisa ku noolaanshaha si waafaqsan dabeecadda, ka hortaga cadooyinka bulsho, iyo raacidda wanaaga ayaa dad badan maanta ka dhigay kuwo macno weyn uyeesha noloshoda.
Run ahantii dunidan casriga ah inaad hesho nolol farxad leh waxay noqotay halgan joogto ah. Waa dagaal maskaxeed. Waxaan sameyneynaa wax walba si aan u gaarno, welina waxaan dareemaynaa murugo. Fikradaha bulshadu waxay si qoto dheer ugu milmeen maskaxdeena, waxaan had jeer maqlaynaa, si aan u faraxsanaano waxan u baahanhy inaan helno shay, sida hanti, maqaam ama ogalaansho aan ka helno dad-ka kale. Inkastoo laga yaabo waxyaalahani in si ku meel gaar ah kaga farxiyaan, haddana Idhagayso, farxadu maahan shay ka yimaada guulaha, sumcadda, awoodda iyo ogalaanshaha dad-ka. Waxay si adag nolosha farxadeedu ugu jirtaa inaad kunoolato nolol fudud oo banaanka ah raacdaynta waxylaaha farxadda inagala tagaya. Had jeer waxaan farxadeena ku xirayna waxyaalaha maadiga ah ee gacanteena kabaxsan.
Daigonese xaqiiqdi, waxa u ku faraxsanaa waxa ugu fudud nolosha sida fikradda ah inaad noshahay, Inaad nooshahay lafteed ayaa ah in mudnaan weyn lasiiyo, maadama dad badan aysan u helin fursad inay dhagaxan weyn korkiisa kusii dul socdaan. Diongness waxa uu ku faraxsanaa inuu ku noolado waqtiga xaadir-ka ah ee uu taagan yahay, maxaa yeelay wuxuu fahamsanaa inuu yahay mid-ka masuulka ah farxadiisa ee aysan ahayn waxyaalaha gacantiisa ka baxsan ee uusan xukumi karin.
Noloshu waa mid aan la saadaalin karin, kaliya waa inaad had iyo jeer sameysaa sida ugu fiican oo aad raacdo hirar-ka nolosha. Dabcan waad u baahan tahay inaad dejisato yoolal aad gaari garto, balse iska hubi inaadan degsan yoolal aan macquul ahayn in la xaqiijiyo, sababtoo ah filashada shey in lahelo aysan macquul ahayn runtii way xanuun badan tahay.
Lao Tzu ayaa waxaa uu dhahay, “Haddii aad niyad-jabsan tahay, waxaad ku nooshahay waayihii hore. Haddii aad welwelsan tahay, waxaad ku nooshahay mustaqbalka. Hadii aad dareemayso xasilooni waxaad ku nooshahay waqtiga xaadirka ah.” sida darted Wixii hore way tageen, mustaqbalkana wali maynan gaarin, waqtigan xaadirka ayaa ah waxa kaliya eed haysato, isaga ku noolow. Kuna faraxsanow.