,

Dareen Habaabin: Xaqiiqda Qarsoon


Habaabinta ama Manipulation-ka waxa afka qalaad lagu yiraahdo, waxa uu ka jiri karaa meelo badan oo nolosheena ah, balse waa shay ay adag tahay in lagu baraarugo. Kambaniyadu waxay u adeegsadaan habaabinta si ay inooga iibiyaan alaabo badan, ama ay inoo dareensiiyaan hab gaar ah. Influencer-du waxay sidoo kale u isticmaalaan si ay u haystaan taageerayaashooda.

Si la mid ah, marar badan ayaa dad aan ixtiraam weyn u hayno inagu khasbaan inaan samayno waxyaabo aynaan doonayn inaan samayno, inagoonan ku baraarugsanayn in la ina dareen habaabinayo.

Dhowr sano kahor, shirkadda Facebook ayaa samaysay daraasad ay ku dareen habaabinayeen isticmaalayaasheeda. Ku dhawaad 689,000 oo isticmaale ayaa si ula kac ah loo beddelay post-yada ay ku arki doonaan Facebook-ga. Qaar kamid ah waxaa laga saaray dhamaan qoraalada negative ah ama kuwa taban, halka kuwa kalana laga saaray inay arkaan dhamaan qoraalada positive ah ama kuwa togan.

Qiyaastii isbuuc kadib, marka la eegay waxyaabaha ay soo post gareeyeen dadkani, waxaa soo baxday in dadka arki jiray post-yada negative-ka ah ay soo post gareeyeen post-yo negative ah, halka kuwa arki jiray post-yada positive-ka ahna ay soo post gareeyeen post-yo positive ah.

Daraasadan muranka badan dhalisay, nasiib darro waxay na tusaysaa sida fudud ee dareenadeena loo habaabin karo. Hadafkuna dabcan ma ahayn daraasad oo kaliya, balse in isticmaalayaashu ay helaan waxa ay doonayaan si barnaamijka ay u joogteeyaan isticmaalka, maxaa yeelay in badan oo aad isticmaasho waa in badan oo ay xayeysiin badan saartaan, dakhlina badan ka helaan.

Laga yaabee inaynaan fahamsanayn, laakin waxaa iska cad inaan xiriir wanaagsan aynaan la lahayn barnaamijyadan baraha bulshada. Inta badan si cad uma bandhigi karno aragtideena, balse si fudud ayaa aragti dad kale la inoogu habaabin karaa.

Gaslighting-ku waa mid kamid ah farsamooyinka ugu caansan ee ay adeegsadaan dadka dareen-habaabiyayaasha ah. Erayga waxaa markii ugu horreysay loo adeegsaday ruwaayad sanadkii 1938-kii. Ruwaayadda dhexdeeda, nin ayaa xaaskiisa u isticmaalaya farsamo uu ku dareen habaabinayo, si uu lacag dhaxal ah uga xado. Wuxuu si qarsoodi ah marna u dheeraynayaa, marna u khafiifinayaa iftiinka nalka gas ku shaqeeya si uu xaaskiisa uga dhaadhiciyo in waxaasi yihiin khiyaali maskaxdeeda ka sawiranaysa, oo aysan maskax ahaan fayoobayn.

Maanta, erayga waxaa loo adeegsadaa in lagu tilmaamo nooc kamid ah xadgudub nafsi ah, oo dadka lagu dhibaateeyo loogana dhigo inay rumaystaan inay waalan yihiin. Dadka gaslighters-ka ah waxay xaqiiqda jirta u dabrayaan qofka, wuxuuna qofku bilaabayaa inuu su’aalo wax cad oo uu ogyahay inay run yihiin.

Internet-ka dhexdiisa, erayga wuxuu noqday mid caan ah, laakin wali dad badan ma fahamsana macnihiisa qotada dheer iyo sida uu qof walba oo naga mid ah u saamayn karo.

Inta badan, carruurta kusoo korra guryaha aan jawigoodu degganayn, oo ay ku habsadeen waxyaabaha ay kamid yihiin xadgudubka, balwadda, dagaalka, iyo waxyaabo kale oo badan, ayaa badanaa la kulma gaslighting, iyagoo waliba da’ ahaan aad u yar. Carruurtan marka ay arkaan waalidiintooda oo iskhilaafsan, waxay weydiiyaan waalidiintooda haddii wax dhibaato ah jirto. Laakiin waalidku waxay u sheegaan carruurta in wax dhibaato ah aysan jirin, wax walbana yihiin waxa ay maskaxdooda ka sawiranayaan.

Waalidku waxay ujeedkoodu noqon karaa in aanay si kas ah u doonayn inay caruurtooda dareen habaabiyaan, balse ay rabaan inay ka ilaaliyaan xaqiiqooyinka qaraar ee dhexdooda ka dhacaya. Nasiib darro, ilmahaas wuxuu bilaabayaa inuu su’aalo xaqiiqooyinka dhacaya iyo dareemadiisa, isagoo aad u yar. Wuxuu ku korayaa isagoo ka shakisan awoodda dareemadiisa.

Gaslighting-ka noocyadiisa way badan yihiin, waxaana kamid ah waxa dadka qaar ugu yeeraan “structural gaslighting” – kaas oo lagu kaddiyo koox ama dad badan, iyadoo la yiraahdo aragtidoodu waa qalad ama waa qallooc. Inta badan waxaa adeegsada hoggaamiyayaasha iyo siyaasiyiinta.

Adolf Hitler waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah dareen-habaabiyayaashii ugu waaweynaa caalamka. Kadib markii laga adkaaday Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, Jarmalku waxa ay kaliya rabeen dagaal kale. Bilowgii, qof kasta oo waqtigaas noolaa wuxuu moodayay in dagaal labaad uu noqon doono doqonnimo galaafan doonta malaayiin naf, iyadoon wax faa’iido ah la helin.

Balse Hitler, isagoo adeegsanaya aftahannimadiisa, wuxuu awooday inuu kasbado kalsoonida dadka Jarmalka. Wuxuu ku qanciyay in qorshihiisa uu shaqaynayo. Kadib markii uu la wareegay Rhineland, Czechoslovakia, iyo Austria, Jarmalku waxay bilaabeen inay rumaystaan. Si qorshihiisa u shaqeeyo, Hitler wuxuu amray in dhamaan idaacadaha Jarmalka ay ku celceliyaan inaysan ku guul daraysan dagaalkii koowaad ee adduunka, balse si khasab ah la iskaga dhigay inay is dhiibaan.

Eedda khasaaraha dagaalkaas oo dhan wuxuu dusha ka saaray Yuhuudda. Wuxuu sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin, isagoo ku andacoonaya inay sabab u yihiin magdhowgii badnaa ee Jarmalku ku khasbanaaday inuu bixiyo dagaalka kadib. Wuxuu ku guulaystay inuu ka dhaadhiciyo inta badan shacabka Jarmalka in Yuhuuddu ay yihiin sharka dhabta ah.

Naasigii Jarmalku wuxuu awooday inuu dareen-habaabiyo muwaadiniintiisa, taasoo sabab u ahayd aragtidiisa kalitalisnimada ah. Meel walba waxaa lagu xardhay borobogaandada Naasiyiinta – hadday tahay fanka, dhaqaalaha, waxbarashada, isboortiga, goobaha shaqada – xitaa dugsiyada, ardayda waxaa lagu barayay borobogaandada Naasiyiinta, si mustaqbalka ay u noqdaan askar daacad u ah Hitler.

Haddii aad aragtay ama xitaa aad akhriday buugga 1984 ee uu qoray George Orwell, waad fahmi kartaa waxyaabaha aan ka hadlayno oo dhan. Buuggaasi wuxuu muujinayaa mid kamid ah farsamooyinka ay adeegsadaan dadka dareen-habaabiyeyaasha ah. Waxay kuu sheegayaan hal shay marar badan, ilaa aad ka shakido awoodda garaadkaaga oo aad ugu dambeyn rumaysato iyaga. Dareen-habaabinta noocan ah ee ka timaadda hoggaamiyeyaasha waa midda ugu daran — kuma eka oo keliya in lagu jahawareeriyo, balse waxay si qoto dheer u dhaawacdaa maskaxda iyo nolosha dadka.

Nasiib darro, ma aha siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha oo kaliya kuwa adeegsada dareen-habaabinta; shirkaduhuna sidoo kale way adeegsadaan. Waxay isticmaalaan xeelado si ay inooga iibiyaan waxyaabo aynaan dhab ahaantii u baahnayn. Si joogto ah ayaa naloo tusaa xayaysiimo dareenkeenna la falgalaya — tusaale ahaan, waxaan arkaynaa qoys si wadajir ah kooko u cabaya, si ay inoo tusaan in wadajirka qoyska uu ku xiran yahay cabitaankaas. Kuwa kale waxay ina tusaan in aanan soo jiidasho lahayn haddii aynaan isticmaalin alaabtooda — gaar ahaan xayeysiisyada alaabta la isku qurxiyo, oo inoo sheegaya in bilicdeennu ku xirantahay isticmaalka sheygaas.

Inkasta oo aysan si toos ah u oranayn, hadana si qoto dheer ayay u la falgalayaan dareenkeenna — haddii aan si kale u dhahno, waxay inagu dareen habaabinayaan si khafiif ah. Qoraaga reer Nigeria ah Chimamanda Ngozi Adichie ayaa mar tidhi: “Tusi dadka hal shey marar badan, taas ayaa ah waxa ay noqon doonaan.” Shirkadahan waxay dadka ka iibiyaan sheekooyin ku saabsan sumadooda iyo alaabtooda, marar badan, taas ayaana dadka ka dhigta waxa ay rabeen shirkaduhu. Taasi waa sababta aan mararka qaar u aragno dad si xad dhaaf ah daacad ugu ah shirkado waaweyn, oo diyaar u ah inay qataan go’aan kasta oo shirkaddu soo saarto.

Inkasta oo gaslighting-ku yahay midka ugu caansan ee ay adeegsadaan dadka dareen-habaabiyeyaasha ahi, haddana ma aha kan kaliya. Xiriirrada romantic-ga ah, habaabiyeyaashu waxay adeegsadaan farsamooyin kale oo ay ku cadaadiyaan qofka ay la joogaan. Waxay yiraahdaan tusaale ahaan: “Haddii aad i jeceshahay, waxaas waad ii samayn lahayd,” taas oo macnaheedu yahay inay isku dayayaan in danbi kaa dhigaan wax aadan ku qanacsanayn samayntiisa. Ama waxay si kale u dhigaan masuuliyad dusha kaa saaran, sida ay yiraahdaan: “Waa masuuliyad ku saaran inaad ii samayso waxa aan rabo — waxaan ahay lamaanahaaga.”

Haddii farsamooyinka kale oo dhan aysan u shaqayn, dadka dareen-habaabiyeyaasha ah waxay adeegsadaan farsamooyin aasaasi ah sida beenta, inay bartilmaameedsadaan meelaha aad ku liidato, ama xitaa inay si toos ah kugu hanjabaan in waxyeello kuu gaysan doonaan haddii aadan samayn waxa ay doonayaan.

Waxaan sidoo kale arrintan ku arki karnaa xiriirka u dhexeeya waalidka iyo ubadka. Tusaale ahaan, waalidka ayaa mararka qaar ilmaha u adeegsada hadallo dareen-habaabineed si uu u helo waxa uu rabo, sida inuu yiraahdo: “Haddii aanan ku dhalin, adigu maadan dunidan imaan lahayn,” ama “Si adag ayaan kuu soo koriyey yaraantaadii, marka waa waajib kugu saaran inaad samayso wax kasta oo aan rabo.” Tani waxay dhacdaa xitaa marka ilmuhu uu weli yar yahay ama uusan dhaqaale ahaan iskiis isku filnayn.

Waalid ha noqdo ama qof kale oo xiriir inaga dhaxeeyo, dareen-habaabintu ma aha nooc ka mid ah jacaylka, mana aha wax xiriir caafimaad qaba ku jiri karo. Xiriirka laba qof waa inuu noqdaa mid ku dhisan jacayl, saaxiibtinimo iyo ixtiraam. Labada qof waa in si siman ay diyaar ugu yihiin in midba midka kale raalligeliyo marka qalad dhaco. Laakiin haddii xiriirku noqdo mid hal dhinac ah — haddii hal qof uu had iyo jeer isku dayayo inuu xiriirka sii hayo ama aad dareemayso culays badan oo dhabarka kaa saaran yahay — haddii qofku mar walba kugu hanjabo inuu kaa tagi doono haddii aadan u qaban waxa uu rabo, ogow in taasi tahay calaamad cad oo muujinaysa in qofkaasi uusan u qalmin ixtiraamka iyo jacaylka aad siisay.

Annaga qudheena waa in aan ka taxaddarnaa in aynaan noqon dareen-habaabiyayaal. Waa in aan si gaar ah isha ugu haynaa nafteena iyo sida aan ula macaamilno dadka kale. Mararka qaar, annagoo aan si buuxda u ogayn, ayaa si fudud u noqon karnaa kuwa dadka kale dareen ahaan habaabiya, kaliya si aan u helno waxa aan ka rabno. Bani’aadamku si dabiici ah waa danayste, sidaas darteed ma layaab badna in mararka qaar aan adeegsan karno xeelado aan u aragno wax sahlan. Laakiin marka ay timaaddo lammaanaheenna, saaxiibadeen ama qaraabadeenna, waa in aan si weyn uga fiirsanaa ficilladeenna, si aanan si aan ula kac ahayn ugu geysan dhaawac dadka noo dhow.

Fahamka iyo aqbalidda dhinacaaga xun waa tallaabada ugu horreysa ee tilmaamaysa inaad diyaar u tahay isbeddel. Laakiin haddii aan qaladaadka iska indho tirno oo aan mar walba iska dhigno inaan waxba khaldin, taas waxay muujinaysaa in aynaan diyaar u ahayn in aan isbeddel sameyno.

Aqbalo marka hore in aad yahay aadanaha qalad sameyn kara, balse muhiimadu waa inaad noqoto qof qaladkiisa qiraya oo mar walba isweydiinaya saamaynta ay ficilladiisa iyo hadalladiisu ku yeelan karaan dadka kale. Hadda kadib, ka hor intaadan qof ku qancin inuu sameeyo waxa aad rabto, isweydii haddii iyagu ay ku qanacsan yihiin samaynta arrintaas iyo in kale. Isku day inaad rabitaankaaga dib u dhigto haddii aysan iyagu diyaar u ahayn. Taasi waa waddada kaliya ee aan ku dhisi karno xiriir caafimaad qaba oo dhammaan dhinacyadu ku qanacsan yihiin.

Jacaylka dhabta ah waa bixinta, is-ixtiraamka, is-dhegeysiga iyo isku naxariisiga. Marka aan intaas siino qof kale, waxaan helaynaa si la mid ah.

Dhammaanteen, si uun baynu uga qayb nahay hab-dhaqanka dareen-habaabinta—hadday noqoto xiriirrada gaarka ah, ganacsiyada ama xitaa siyaasadda. Aniga xitaa, inta muuqaalkaan lagu guda jiray, waxaan isku dayay inaan kugu dareen habaabiyo… inaan kuu dhiirrigeliyo inaad noqoto qof wanaagsan—sida ugu wanaagsan ee aad noqon karto. Dabcanna, waxaan rajeynayaa in ay shaqeysay.