dayaxa.


Tan iyo bilowgii bini’aadamka, aadanuhu waxa uu ku dadaalayey inuu wax badan ka ogaado Dayaxa. Ka bilow in laga sameeyo sheeko xariirooyin iyo khuraafaad-yo ilaa looga gud-bay sheekooyin faneed ka sayniska, dayaxayagu waxa uu ahaa mid marwalba dadka ku dhiirrigelinayay in ay isbeddel ku sameeyaan safarka hawada sare. Riyadaas ahayd in dayaxa lagu dul socdo, ayaa xaqiiqo noqotay kadib markii cirbixiyeenada NASA ay dhamaystireen mid ka mid ah guulahii ugu waaweynaa ee aadanahu ebed gaaray. [VID 01] Si kastaba, waxaa laga joogaa 50 sano markii aan aragnay Neil Armstrong oo dayaxa ka dul taagaya calanka Maraykan-ka. Kadib waqtigaas xiisahii loo qabay u safrida dayaxa waxay noqotay mid si tartiib ah u baaba’da. Laakiin hadda waxaa jira tartan cusub oo hawada sare ah oo ku aadan Dayaxa. Sanadihii la soo dhaafay, wakaaladaha waaweyn ee hawada sare iyo shirkado gaar loo leeyahay ayaa dib u soo cusboonaysiiyay xiisaha sahaminta dayaxa waxayna leeyihiin qorshayaal waaweyn oo ku aadan dayaxa, waxa uuna u muuqdaa mid rajo leh, sidaa darteed waxaa uu muhiim ah in aan wax badan ka barano sida dayaxu muhiim ugu yahay meerahena iyo dad-ka ku dul noolba.

Giriigii hore waxay horumar ka samayeen fahamka caalamka qarnigii lixaad, laakiin may ahayn mid sidaa usii balaaran ilaa laga soogareyey qarnigii 17aad oo la ikhtiraacay telescope-ka. Markaas, aadanuhu waxuu awooday in si dhow uu u eego Dayaxa, taas oo dhiirigelisay sheekooyin badan oo isku dayaya inay sharaxaan dusha sare ee dayaxa.

Qorayaasha sida Frances Godwin ayaa bilaabay inay qoraan sheekooyin mala’awaal ah si ay ugu dhiirigeliyaan dadka in Dayaxa ay u arkaan inuu yahay shay mudan in dadka lagu bogaadiyo.

Markay dadku bilaabeen inay waxbadan ka bartaan koonka qoraayashu waxay bilaabeen inay qoraan sheekoyin mala awaalo ah oo ku saabsan sawirashada sida nolosha dhabta ah ku noqon karto dayaxa.

Konstantin Tsiolkovsky(Joolkofiskii), oo ahaa saynis yahankii abid ugu horeeyay ee dhanka gantaalada, ayaa dhankiisa qoray buug la yiraahdo On the Moon. Waxaa uu tilmaayaa sida qof ka uu dareemayo marka uu ku dul istaago dayaxa cuf isjiidid kisa hoose awgeed.

Sheekooyinka noocan oo kale ah waxay ku dhiiri galiyeen cirbixiyeenada in mala awaaladaas ay u rogaan xaqiiqo, waxaana laga yaabaa inay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee aan u samaynay horumarka safarka dayaxa.

Markii la yiraahdo u safrida hawada sare waxay si rasmiya u bilaabatay kadib dagaalkii labaad ee aduunka. Wadamadda sida Maraykan iyo Midowgii Soofiyeet ayaa bilaabay horumarin dhanka safarka hawada sare, waxayna noqotay tartaran u dhaxeeya labadooda. Bishii oktoobar 4 teeda, 1957 kii, midowga Soofiyeet waxay si guul ah hawada sare ugu dirtay dayax gacmeedkii ugu horreeyay Sputnik. Dayax gacmeedku waxa uu ahaa mid dhulka ku wareegaya oo leh afar anteeno dhaadheer kaasoo soo gudbiya codad isdaba joog ah. Aduunkii oo dhan ayaa ka yaabay waxa uu Sofiyeetku samaynayo. se maraykan ku waxuu uu tartanka u ahaa bilow .

Hal bil uun ka dib, Soofiyeedku wuu sii waday hawshiisa oo wuxuu hawada sare u diray eey la odhan jiray Laika. Maraykanku waxay markan u muuqdaan kuwo quus taagan, waxay si degdeg ah u soosareen dayax gacmeedkoodu ugu horeeyey diseembar 6, 1957. Gantaalki qaadayey dayax gacmeedka wuxu ku guuleysatay inuu hal mitir ka kaco dhulka, ilaa marki danbe uu kusoo laabto meshii uu ka kacay, tasoo sababtay qarax aad u weyn. Kadib qasaaradaas, madaxweyne Kennedy ayaa bartilmaamsaday in marayku noqdo dowlada ugu horeysa ee dayaxa tagta ka hor inta aysan cidkale tagin. [VID 02] Maarso 25, 1961, Madaxweyne Kennedy wuxuu daaha ka qaaday Apollo Misson oo ah howlgal loogu talagalay in binu’aadamku ku dul dagaan dayaxa kadib na si nabad ah loogu soo celiyo dhulka. Miisaaniyadda Hawlgalka Apollo waxa ay ku kacaysay lacag ka badan boqol bilyan oo doolar-ka maraykan oo lacagta maanta ah. Intu uu socday diyaar garowga ay maraykanku ku tagayaan dayaxa, Soofiyeet-ku waxay sii wateen howlahooda, iyagoo sameeynaya taariikho cusub, waxay u direen haweenaydii ugu horaysay hawada sare, sidoo kale Alexei Leonov cirbixiyeenki soviet-ka, ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo si xor ah ugu dul sabeeya hawada sare. Cadaadisku wuxuu ahaa mid marwalba maraykan ka ku sii socda, iyagana waxa u dagaalamayeen inay cadeeyaan in soofiyeet-ka aysan ka hormarsanayn.

Sideed sano ka dib markii madaxweyne Kennedy uu daaha ka rogay howlgalka Apollo, oo ay lasocoto 7 safar isku dayo kala duwan oo lagu go’aaaminayo sida ay suurtogal ku noqon karto in dayaxa lagu dul deggo, ayaa kii 8aad Apollo 11 uu noqday mid ugu danbayn aadanaha ka dhiga inay ku dul socdaan dayaxa. Saddex cirbixiyeeno oo kala ah Neil Armstrong, Buzz Aldrin, iyo Michael Collins ayaa safar-ka kuwada socday, Neil Armstrong ayaa na noqday qofkii ugu horeeyay ee ku dul socda dayaxa inta lagu guda jiray howlgalkan taariikhiga ah, halka Aldrin uu ku xigsaday.

Mid ka mid ah wax yaalaha la xaqiijiyay inay run yahiin wuxuu ahaa muuqaalka cawlka ah ee dayaxa oo midabada dhulka aad uga duwan, waxa uu ahaa wax Aldrin iyo Armstrong aanay waligood arkin. Dhulku aad ayuu uga weyn yahay marka loo eego Dayaxa, taas micnaheedu waxay tahay in labada cirbixyeen si waadax ah u arki karayeen goobaabada, qariiradaha iyo badaha dhulka, Labadoodaba, waxay u ahayd waayo-aragnimo ruuxi ah, markii ay eegaan meerahii gurigooda ahaa oo u muuqda qiyaastii mid 13 jeer ka weyn dayaxa ay ku dul taagan yihiin. Dusha sare ee dayaxa, labada cirbixiyeen waxay ku qaateen wadar ahaan 21 saacadood, iyaga oo ururinayey muunado carro iyo dhagaxyo ah. Markii saynisyahannadu ay muunadaha dib ugu baareen dhulka, waxay barteen in lakabka sare ee dayaxu ka kooban yahay dhagaxyo si lamid ah laga helo dhulka. Boorka dayaxa iyo dhagxaanta waxay xitaa u keeni karaan bini’aadamka inay xasaasiyad ka qaadaan. Mid kamid ah cilmi-baarayasha oo arurinayey dhagxaanta ayaa xasaasiyad ka qaaday tasoo ku sababtay xumad, qufac iyo inuu ilmeeyo.

Kadib markii tartan-ka sofiyeet-ka iyo maraykan ku uu dhamaaday, xiisihii sahaminta dheeraad-ka ahaa ee dayaxa ayaa meesha ka baxay. Si kastaba sannadihii ugu dambeeyay mawduuca saldhigga dayaxa waxaa uu noqday qodob lagaga doodo bulshada sayniska dhexdeedo.

Dhisida saldhig dayaxa ah waa talaabo xiiso leh hadana adag. Ujeedooyinka saldhig yadani waa u adeeggidda arimo badan oo muhiim ah oo ay kamid yihiin cilmi baaris-yo saynis, hawlgallada meeraha Mars, iyo helitaanka khayraadyo sida biyaha barafka ee dayaxa oo cirbixiyeenada ka caawinaya inay heelaan biyo joogto ah.

Saldhiga dayaxu waxuu lahaan doonaa meelo lagu noolaado, oo cirbixiyeenadda ka ilaalinaya xaalada khatarta ah ee dayaxa, sheybaaro lagu sameynayo tijaabooyin iyo nidaam tamar la’isku halayn karo sida soolarka iyo xitaa suurtogalnimadd in lahelo tamarta nukliyeerka si loo helo sahay tamar joogto ah.

Iyadoo ay jirto dhamaan qorshoyaashaas, ayaa hadana waxaa ku gadaaman caqabado, maadama dayaxu uusan lahayd atmosphere ka difaaca dhagaxyada hawada sare iyo kulka qorraxda, in lahelo qalab adag oo difaaca cirbixiyeenada waa shey runtii aad qaali u ah hadana ay adag tahay in lahelo. Sidoo kale in waqti dheer lagu noolaado meel cuf isjiikeedu hooseyo waxay keeni kartaa dhibaato cafimaad, se saynis yahanadu waxay ku howlan yihiin sidii ay caqabadaas xal ugu heli lahaayeen.

Dayaxa yagu waxuu samayn badan ku leeyahay dhulka aynu kunool nahay. Cufis-jiidadkiisu waxaa uu sababaa mawjadaha badaha, kasoo abuura hirar sareeya iyo kuwo hooseeya oo joogto, kuwaas oo lagama maarmaan u ah nolosha badda iyo hab-nololeed-ka xeebaha. Sidoo kale dayaxu waxa door muhiim ah ka ciyaara ilaalinta wareega dhulka uu ku wareego udub dhexaadkiisa, taasina waxay gacan ka geysaneysaa xasilinta is bedelka cimilada iyo saadasha hawada, Dayax la’aantiis, dhulku waxa uu la lahaan lahaa cimilo aad u daran, iyo xiliyo aad u kala duwan, taas oo si qoto dheer u saamaynaysa hab-nololeedyada deegaanka iyo nolosha bini’aadamka.

Dayaxa-yagu samayn badan oo togan ayuu kuleeyahay nolosha dhulka, waana mid marwalba inaga dhiira galinaya inaan wax badan ka barano caalamka nagu hareeraysan. Marwalba oon galno waa cusub oo aan ku sahminayno hawada sare, dayaxu waxaa u taagan yahay inuu inagu hago raadinta cilmi cusub. Hadii aynu dul istaagno ama aynu dhulka ka eegnaba, dayaxu waxaa uu noqon doonaa dunidaas yar ee iftimeeysaa oo run ahantii inala socoto, meel walba oo aan tagno.