Jabaqda geed dhacay
Haddii geed ku yaal kayn uu dhulka ku dhaco balse aysan cidina maqal, ma wax cod ayuu sameeyey? Sidee ku ogaatay? Tani waa su’aal falsafadeed lagu sahmiyo fikrado kala duwan oo la xariira aragtida in codku yahay cod kaliya marka uu qof maqlo, iyo intee in le’eg ayaynu si dhab ah u ogaan karnaa waxyaalaha aynan arag ama maqal. Waxaa su’aashan ay u badan tahay inuu dhiirigaliyey Faylasuuf Irish ah oo noolaa qarnigii 18-aad oo lagu magacaabo George Berkeley, kasoo caan ku ahaa aragtida immaterialism. Su’aasha waxaa markii ugu horaysay la waydiiyey majalad lagu magacaabo The Chautauquan sanadka marka uu ahaa 1883-kii. Waxa ay ku jawaabeen “Maya, codku waa wax aynu maqalno marka hawada ama waxkale dhaqaaqaan oo ay gaaraan dhagahayaga.”
Majalad kale oo caan ka ah Maraykanka oo lagu magacaabo Scientific American ayaa la waydiiyay “Haddii geed ku yaal jaziirad cidlo ah uu dhulka ku dhici lahaa, ma wax cod ah ayuu samayn lahaa?” Waxay ku jawaabeen, “Codku waa gariir dhex mara hawada kuwaas oo marka dhagaheenu ku dhacaan maskaxdu u fasirto cod ahaan, hadii aysan jirin dheg maqasha markaas, wax cod ah ma jiri doono.”
Marka jawaabaayeen labadan majaladoodba waxay tixgeliyeen hal dhinac jawaabta su’aashani yeelan karto, balse waxaan dhihi karnaa, jawaabta su’aashan waxay ku xiran tahay sida aan u qeexno waxa uu codku yahay. Haddii aan u qeexno in codku yahay dareenkanaga gariirka hawada, markaas wax cod ah majiri doono hadeynan maqal. Balse haddii aan u qeexno codku inuu yahay hirar hawo ah oo abuurmaya marka geedku ku dhaco dhulka markaas, cod wuu jiraa hadii cidi maqasho iyo hadii kaleba. Lakiin sida aad u qeexayso kaliya ma kufilantahay si jawaab saxan oo la isku raacsan yahay loo helo. Jawaabtu waa maya, ma garanayno in cod uu isku mid yahay marka qof uu maqlayo iyo marka kale.
Albert Einstein ayaa mar saxiibkii Niel Bohr waydiiyey in uu aaminsan yahay “in dayaxu uusan jirin marka aysan cidina eegayn,” Bohr wuxuu ku jawaabay – si kasta uu Einstein u dadaalo. ma uu xaqiijin karo jiritaanka dayaxa. Tani waxay su’aasha u bedeshay sir aan la cadayn karin lana dafari karin. Waa sida maskax dhalo ku jirta oo kale.
Maskax dhalo kujirta
Maskax kujirta dhalo waa tijaabo fikradeed loo isticmaalo in lagu sharaxo xiligan casriga ah fikrada shakiga, oo uu alifay filasoof René Descartes, tasoo ka hadlaysa in aan ka shakino wax walba oon u malayno inaan ognahay, ilaa aan helno wax si dhab ah aan u hubno. Tijaabadan, waxaa lagu weydinayaa inaad sawirato inaad tahay maskax kujirta dhalo ku xiriirsan kombiyuutar casri ah, oo awood u leh inuu si dhamaystiran kaaga dhigo khibrad maskaxdeed oo caadi ah – si lamid sida maskaxda caadiga ah u dareemayso walxaha dibada ah. Doodu waxay noqoneysaa, haddii aadan ogaan karin ama aadan xaqiijin karin inaad tahay maskax dhalo kujirta, markaas ma diidi kartid suurtogalnimada in dhamaan waxyaalaha aad aaminsantahay ee ku saabsan dunida dibadda ahi yihiin been.
Dooddan waxay soojeedinaysaa in haddii aad wax ka ogtahay dunida dibada ah sida hadii aad ogtahay in barafku yahay cadaan, aad ogtahay inaadan ahayn maskax dhalo ku jirta. Balse maadama aadan hubin inaad tahay maskax dhalo kujirta, aanad waxba ka ogayn dunida dibada ah oo ka baxsan maskaxdaada. Inkastoo ay jiraan faylasuufyo badan oo iskudayey inay ka doodaan fikradan, hadana wali waxay sii ahaaneysa aragti fikradeed nagu xujeyneysa inaan ka fikirno sida dareemadeenu inoo khiyaanayn karaan iyo haddii aan si buuxda uhubno in aduunka an aragno uu dhabyahay, ma garanayo dhab ahaantii inuu dhabyahay iyo inkale sida Schrödinger uusan u ogaan karin bisadu inay dhimatay iyo inkale
Bisadda Schrödinger
Bisadda Schrödinger waa tijaabo fikradeed mala awaal ah oo loogu talagalay in lagu tilmaamo cilad ku jirta hab sharxid lagu magacaabo Copenhagen interpretation, oo ka mid ah hababka ugu caansan ee lagu sharaxo fiisikada quantum-ka.
Habkan, waxaa uu tilmaamayaa in nidaamyada fiisikada quantum-ka sida qurubyada yaryar ay ku jiraan xaalad isdhexyaac ah oo la yiraahdo “superposition” tasoo ah in aan la ogaan karin in qurub uu burburi doono ama uusan burburi doonin ilaa la arko mahee.
Erwin Schrödinger waxa uu sooqaatay tijaabadan si’uu u dhaliilo hab sharaaxaadas. Sawiro in bisad nool la dhex galiyo kartoon oo ay weheliyaan dubbe, sun iyo walax shucaac ah oo leh fursad 50% inay ku burburto iyo 50% in aysan burburin. Walax dani haddii ay burburto waxay sababi doontaa in dubaha uu ku soodhaco dhalada sunta ah tasoo horseedi doonta in bisadu dhimato.
Kahor intay aynan eegin kartoonka, bisadu waxay kujirtaa xaalad superposition ah in ay dhimatay iyo inay nooshahay isla halwaqti. Fikrada in bisadu ay tahay midnool hadana dhimatay ayaa Schrodinger ula muuqatay mid aan macquul ahayn. Wuxuu u adeegsaday tijaabadan su’uu oga doodo in sharaxaada Copenhegen ay tahay mid aan dhamaystirnayn ama ciladeysan marka lagu dabaqo fiisikada quantumka. Xaalada isku dhafka ah ee bisada Schrödinger ayaa nagu qasbaysa in aynan kaliya dib u eegin dabeecadda ay leedahay xaqiiqda balse sidoo kale heerka uu gaarsiisan yahay aqoonteena. Haddii qof goobjooge ah loo baahan yahay si loo go’aamiyo wax dhabta ee ka dhacaya meel, macnaheedu ma waa in qof uusan si buuxda u fahmi karin shay, ilaa ay si toos ah ula kulmaan. Waxaan ka hadlayo waa Maryam
Qolka Maryam
Maryam waa Saynisyahanad cajiib ah taasoo, sabab kasta ha lahatee, lagu qasbay in aduunka kala socoto qol madow iyo cadaan ah. Waxaa qolka yaala telefishin ay kala soconeysa caalamka lakiin aan tusayn wax midab ah, kaliya madow iyo cadaan. Si kastaba, In kasta oo aysan waligeed arkin midab, hadana waxay taqanaa waxkasta oo ku saabsan midabada. Waxay fahamsan tahay sida unugyada nuurka ee rod iyo cones ay u shaqeeyaan. Sida iftiinku ugu socda qaybta dhabarka isha retina uguna gudbo maskaxda. Waxaa kale oo ay taqanaa sida hirarka kala duwan ee iftiinku u sameeyaan midabo kala duwan. Si kooban, Maryan waa khabiir midab, balse aan waligeed arag wax midab ah.
Maalin maalmaha kamid ah shaashada telefishinkeeda ayey cilad ku timid, waxaynaka dhex aragtay tufaax midabkiisu yahay casaan. Su’aashu waxay tahay, ma kula tahay in araga midabkaas ay wax ku kordhineyso aqoonteeda ku saabsan midaba. La kulankeeda midabka miyey muujineysa wax dheeri ah oo ay Maryam ka baran weyday aqoonteeda midaba oodhan? Tijaabo fikradedkan waxay qeexaysa waxa ay faylasuufyadu ugu yeedhaan ” Knowledge Argument”, fikrada in xaaladaha maskaxda aan si buuxda loo fahmi karin iyadoo aan la helin khibrad toos ah. Tusaale ahaan, waa macquul inaad qof arraga la’ aad u sharaxdo waxa arraagu uu yahay, laakiin khibradda tooska ah ee aragtida waa mid gebi ahaanba ka duwan. Si kastaba, dad ayaa ku dooda in haddii Maryam ay leedahay aqoon dhameystiran oo ku saabsan midabbada, ay si buuxdo u fahmi karto iyadoo oo aan u baahanayn inay aragto. Dhibaatadu waxay tahay, dhab ahaantii ma’ogin aqoon dhamaystiran ay jirto iyo inkale.
Qolka Shiinaha
Balse, kawaran mashiinada caqliga macmalka ah, iyaga si dhab ah wax ma u fahmi karaan ama maleeyihiin maskax. Faylasuuf John Searle ayaa sanadkii1980kii isku dayey inuu ka jawaabo su’aashas isagoo soo bandhigay tijaabo fikradeed lagu magacaabo “Chinese Room”.
Qiyaas in qof kaliya ku hadla af-ingiriisi la galiyey qol ay yiilaan buug hage ah oo ay lasocdaa kumaanan xarfo shiinees ah. Qof qolka banaankiisa jooga ayaa albaabka hoostiisa kaga dhiibaya qofka gudaha kujira weer af-shiinees ku qoran. Qofka gudaha kujira waxba kama fahmayo weedhan, lakiin buugga hagaha ah waxaa uu u tilmaamayaa in haddi weedho si iskugu aadan loosoo dhiibo uu isna ku jawaabo weedho kale oo shiinees ah oo uu ka xulanayo kumanaanka xaraf ee qolka u dhex yiila. Qofka fahmaya luuqada shiinaha wuxuu helayaa jumlad dhameystiran oo uu si buuxda u fahmayo. Balse qofka gudaha kujira, waxba kama fahmayo waxa loosoo dhiibay iyo waxa dhiibayo toona, kaliya waxaa raacayaa tilmaamaha uu buugga hagaha ahi uusiinayo. Faylasuuf Cyril waxaa uu halkan inagu tusayaa in xitaa haddii jawaabta saxda ah aan helno aysan lamid ahayn in faham sax ah ay jirto. Sida uu qabo Cyril habkani waa sida mashiinada caqliga macmalka ahi u shaqeeyaan. mashiinku ma fakaro, waxna ma fahmo; wuxuu ku shaqeeyaa barnaamijyo soo saaraya jawaabata saxda ah iyagoo raacaya tilmaamo gaar ah, balse ay ka maqantahay xaalad maskadeed oo joogta. Balse Su’aasha ah in mashiinada caqliga macmalku ay yeelan karaan maskax ama si dhab ah wax u fahmi karaan, waa su’aal wali saynisyahanada iyo faylasuufyadu ka doodaan. inkasta oo AI-du ay si wanaagsan iskudayayaan in ay yeeshaan hab dhaqanka aadanaha, hadana ma cadda in dhab ahaantiii ay wax fahmi karaan ama kaliya raacaan tilmaamo gaar oo lagu tababaray.
Gabagabo
mowducaan iyo kuwa ka horeeyey een kaasoo hadalnayba, waxay mujiinayaan xariiqda u dhaxeysa waxa aan garanayo iyo waxa dhab ahaantii aynan si buuxda u garanayn. Balse inaan ka fikirno mowduucyadan oon su’aalo iskaweydiino waxay ina xasuusineysaa in aqoonteena sida waxwalba u shaqeeyaan aysan dhameystirnayn balse ay ku xirantahay waayo aragnimadeena, sida aan wax u aragno, iyo waxyaalaha aan aaminsanahay. Marwalba oon iskudeyno in shay si qotodheer u barano waxaa marwalba jiri doonta jawaabo qarsoodi ah oo inaga qarsan. Dhamaadka barta ugu danbeysa ee dhamaan su’aalahanni ina geynayaan waa in had iyo jeer gaarayno gabogabo ah, dhab ahaantii ma garanayo.