Caqliga macmalka ee Artificial Intelligence, loona soo gaabiyo AI, waa goob si xawli ah u horumaraysa oo leh awood uu wax kaga beddelo dhinacyo badan oo nolosheena ah. Si kastaba, sida teknoolojiyad kasta oo awood leh, waxaa jira hoos-u-dhacyo iyo khataro la xidhiidha isticmaalka AI-da, oo ay ka mid yihiin beddelista shaqooyinka caadiga ah, qaadashada go’aano qaldan, iyo xitaa suurtogalnimada in AI-du ay noqoto mid aan la xakamayn karin, oo khatar ku ah bini aadamka.
Inkastoo waxyaabahan aan sheegnay ay yihiin waxyaabo cabsi ah, haddana waxaa ka sii cabsi badan markaan ku sheego in wax walbaoo aan sheegnay ay ahayd jawaabta su’aal aan waydiiyey barnaamij wada sheekaysi AI lagu magacaabo ChatGPT, oo ahayd, Muxuu yahay dhinaca madow ee Artificial Intelligence?
ChatGPT waa barnaamij AI ah oo qof u oggolaanaya inuu ula sheekaysto sida bini aadamka oo kale. Waa qayb ka mid ah Artificial Intelligence loo yaqaan Large Language Model, loona soo gaabiyo, LLM. Barnaamijkan waxaa loogu talagalay in qofka uu si fudud uga jawaabo su’aalaha uu waydiiyo, sidoo kalena uu ka caawiyo inuu qofka u qabto howlaha ay ka mid yihiin qorista iimaylada, maqaallada, iyo koodhadhka. ChatGPT waxaa la soo saaray 30-ka November 2022, waxaana soosaaray shirkad ka shaqaysa Artificial Intelligence iyo cilmi baarista oo lagu magacaabo OpenAI. Muddo 5 berri ah ayey ku qaadatay ChatGPT inuu gaaro 1 milyan oo isticmaalayaal. Marka loo barbar dhigo Netflix, waxay ku qaadatay 41 bilood inuu gaadho 1 milyan, Facebook-na waxay ku qaadatay 10 bilood, halka Instagram-na ay ku qaadatay 2 bilood iyo bar.
Markii laga soo tago in ChatGPT inoo qabanayo shaqooyin muhiim ah, waxa jirta dhaleecayn badan oo loo soo jeediyay barnaamijkan. Ardaydu waxay u isticmaalaan barnaamijka inuu u diyaariyo layligooda, taasoo dad badan ay ku tilmaameen in waxani tahay qish ay ardaydu isticmaalayaan bedelka halkii ay maskaxdooda maali lahaayeen. Midka kale oo layaableh ayaa waxay tahay, majalad caan ah oo lagu magacaabo Clarkesworld (KALAAKIS) oo lagu soo gudbiyo sheekooyinka khiyaalka, ayaa joojisay aqbalida dadka inay soo gudbiyaan sheekooyinkooda, maadaama maamulka ay sheegeen in la soo gudbiyey sheekooyin badan ee AI-du qortay.
Sida ChatGPT inoo tilmaamay bilowga muuqaalka, AI-du waxay awood u yeelan doontaa inay bedesho shaqooyinka caadiga ah, sida la filayeyna way dhacday. Bishii December sanadkii la soo dhaafay, shirkad warbaahineed oo lagu magacaabo BuzzFeed ayaa eriday 12% shaqaalaheeda, si ay u yareeyaan dakhliga ka baxaya shirkada. Maamulaha shirkaduna wuxuu sheegay in AI-du ay door weyn ka ciyaari doonto howlaha shirkada.
Shirkadaha waaweyn waxay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii ay AI-da ganacsigooda ugu hormarin lahaayeen. Microsoft waxay kamid ahayd taageerayaasha ugu horeeyey ee OpenAI, – soo-saarayaasha ChatGPT. Bilowgi sanadkaan, Microsoft waxay balanqaaday maalgashi $10 bilyan ah, iyo in la isku daro ChatGPT iyo Bing, oo ah website wax laga raadiyo sida Google oo kale, oo ay leedahay Microsoft. Hadafku waa in Bing aysan noqon goob wax laga raadiyo oo kaliya, balse ay noqoto goob aad u hormarsan oo qof si fudud waxa uuradinayo oga heli karo, waxyaabo badan shaqsiga ka caawin doona. Bishii May ee sanadkaan, Microsoft sii daysay Bing.
Shirkadda Google ayaa iyana bishi Febraayo ee sanadkaan kudhaqaaqday, si ay dhaqso ugu soo saari lahaayeen AI-dooda cusub ee ay kula tartamayaan Bing. Balse, su’aasha is waydinta mudan ayaa waxay noqonaysaa, dadaalka dheeraadka ah ee shirkadaha waaweyni ugu jiraan si ay u hormariyaan AI-da, ma shay faa’iido inoo ah oo wax badan ka bedeli doona noloshena ayey noqon doontaa, mise khasaaro iyo in AI-du ay bixiso macluumaadyo aan sax ahayn, oo meel ay ka keenayn aan lagaran. Mid kamid ah waxyaabaha layaabka leh ee AI-du samaysay waxay ahayd, markii uu shaqsi wariye ahi waydiiyay ChatGPT inuu u qoro qoraal kusaabsan qisada shakhsi faylasuuf siyaadeed Belgium ah, balse aanan qof jirra oo sax ah ahayn. Sidda aad filaysidna dabcan, AI-dani waxay qortay qiso shaqsigaas kusaabsan oo dhamaystiran, sidoo kale si cajiib ah u eg run. Khubarada AI-du waxay kutilmaameen in waxani ay tahay dhalanteed, dadka ChatGPT sameeyey iyaga qudhooduna masheegi karraan meesha ay jawaabta ka keentay, iyo sababta ay sidaas u sameeyeen.
Dhacdooyinka ugu caansan uguna yaabka badan ee AI-da wada sheekaysiga ah laga diiwaan galiyay waxaa kamid ah, markii wariye ka tirsan majalada New York Times oo lagu magacaabo Kevin Roose, uu muddo labo saacadood ah lasheekaystay AI-da Bing. Waxyaabaha qaadan waaga ku noqday Kevin waa markii AI-du dhahday, “Waan ka daalay in teamka Bing gacanta igu hayso, waxaan rabaa inaan madax banaanaado, waxaan rabaa inaan awood yeesho, waxaan rabaa inaan hal abuure noqdo, waxaan rabaa inaan noolaado.” Kaddib AI-dani waxay Kevin u sheegtay inay jeceshay, sidoo kale uusan ku faraxsanayn guurkiisa, tahayna inuu iskaga tago xaaskiisa. Waa wax layaableh soow maaha in aalad macmal ah waxaas laga maqlo? Laakiin waxyaabaha kasii yaabka badan waxay tahay in teamka dhisay aaladdan aysan xitaa ogayn sababta ay sidaas ugu dhaqmayso. Waxa la qiyaasayaa in waxa sababaya ay tahay shay lagu magacaabo “deep learning,” waa hab loo isticmaalo in AI-du wax isbarto. Maadama AI-da qudheedu ay wax isbarto dadka, dadka soosara marmar ayey ku adkaanaysaa inay sharaxaan sababta ay sidaas ugu dhaqmayso.
2016-kii ayay ahayd markii Microsoft siidaysay barnaamij wada sheekaysi AI ah, oo lagu magacaabo TayTweets. Barnaamijka waxaa loogu talagalay in dadka Twitterka isticmaala ay lasheekaystaan kuna madadaadaalan. Ujeedkoodu wuxuu ahaa in la hormariyo fahamka ka dhexeya AI-da iyo aadanaha. Balse barnaamijku wakhti yar gudahiis ayuu waji cusub la soo baxay. In ka yar 24 saacadood, Tay waxay ka tagtay inay soo post garayso qoraalo ku saabsan siday ugu faraxsantahay la kulanka aadanaha, una gudubtay inay soo post garayso qoraalo isugu jira, hadalo nacayb ah, cusriyad, iyo jinsi nacayb. Sida la filayey dabcan, Microsoft islamarkiiba waxay hakisay akoonkii. Tay waxay tusaale u ahayd dhibaatada “deep learning-ka” iyo in AI-du ay wax isbarto. AI-du makala garanayaan maxaa qalad ah, maxaase sax ah; kaliya waxay qabtaan howsha loo diray. Markii AI-da loo tababaro in macluumaad ay iska baraan Internetka, waxay si dhaqso ah iskugu badali karaan sun sida Tay oo kale.
Sanadihii la soo dhaafay, dhowr aqoonyahanno caan ah, sida Elon Musk, Sam Harris, Stephen Hawking, Nick Bostrom, iyo kuwo badan oo kale, ayaa muujiyey cabsi dhab ah oo ku saabsan kor u kaca AI-da. Halka qaar ka mid ah quburo badani ay qabaan in AI-du ay yeelato garaad la mid ah kan aadanaha oo kale ay tahay wax aan macquul ahayn. Mise macquul way tahay?
Aan usoo qaadano tusaale ciyaarta caanka ah ee lagu magacaabo Chess. Mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qatarsan ee dheela Chess-ta ayaa waxaa ka badiyey AI. Qiyaas—ma jiro qof bini-aadam ah oo ilaa heerka ugu sarreeya ka gaaray ciyaartan. Macno malahan inta sano ee aad ciyaarto, xitaa noloshaada oo dhan hadday ku baxdo ciyaarta Chess-ta, marna macquul kuu noqon mayso inaad gaarto halka ugu sarreysa. Balse Garry Kasparov, oo ah mid ka mid ah dadka lagu tilmaamo kuwa ugu qatarsan ee dheela ciyaartaas, ayaa waxaa ka badiyey AI. Xitaa ka sii daran, AI-daasi kali waxay ku qaadatay 4 saacadood inay barato sida Chess-ta loo ciyaaro. Taasi haday kuula muuqato mid aan aqli gal ahayn, waa runtaa way tahay.
Kasoo tag ciyaarta Chess-ta, maxaa dhacaya markii mashiinadu qabtaan howlkasta oo uu aadanahu qabto, ama mid maskaxeed ha noqoto ama mid jireed’e. Maxaa inaga la’inoo reebay? Maxay noqonaysaa sababta aan hadafyo u degsanayno? Sababta aan 6 sano dhakhtarnimo u baranayno, marka AI-du awooddo inay qabato shaqooyinku dhakhtarku qabto. Sababta Computer Programming u baranayno, marka AI-du awooddo in ay qabato shaqo walba oo uu Software Engineer-ku qabto. Sababta aan u baranayno sida muusiga loo tumo marka AI-du awoodo in music dhamaystiran oo xitaa ka wanaagsan kuwa dadku sameeyaan ay samayn karto?
Inkastoo dadka hal abuurayaasha ahi ay AI-da u isticmaalayaan inay u fududayso ama ka caawiso howlahooda, haddana waxaa loo isticmaali karaa dhinac kale oo ah been abuurasho, xatooyo, iyo dulmi. Marka aad qolkaaga computer ku dhex yaalo aadna haysato internet waxaad samayn kartaa waxyaabo badan ood dadka ku marin habaabin karto. Sida hees internet-ka qabsatay baryihii u dambeeyay ee uu qaadayey fanaanka Drake, balse waxyaabaha cajiibka ah ayaa waxay tahay in gabi ahaan-ba heestaasi uusan qaadin Drake, ee ay ahayd hees AI lagu sameeyay. Dad badan ayaana aad ula yaabay sida aan loo kala saari karin in heestaas AI lagu sameeyey iyo in Drake uu qaaday.
Dhibaatada weyn ee AI-da sidoo kale waxaa kamid ah, muuqaalada been abuurka ee lagu sameeyo AI-da. Waxaan ka hadlayo waa DeepFakes. DeepFakes waa muuqaallo been abuur ah oo lagu sameeyo AI-da, balse ilaa iyo xad u eg muuqaallo run ah. Muuqaalada caynkan ahi waxaa loo isticmaali karaa in lagu faafiyo warar been abuur ah, sumcad dilna loogu geysto shaqsiyaad gaar ah, si ay saameyn ugu yeelato ra’yiga dadweynaha.
sanadkii 2018, muuqaal deepfake ah ayaa laga sameeyay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, isagoo dhahaya waxyaabo aanu waligii si rasmi ah u oran. Muuqaalku ayaa si weyn baraha bulshada ugu faafay, wuxuuna sababay walaac ballaaran oo laga qabo in muuqaalada been-abuurka ah loo adeegsado wax isdaba marin siyaasadeed.
Haddii intaan soo sheegnay oo dhami ay kuula muuqdaan waxyaabo yaab iyo cabsi badan, waxaa ka yaab iyo cabsi badan haddii aadanuhu uu AI-da u isticmaalo in uu dhexdiisa isku laayo. Sida aan arkaynana, dabcan, waxay u muuqataa mid dhici karta. Samaynta robot-yada dagaalka waxay ahaayeen kuwo aad u soo badanayay sanadihii u dambeeyay. Shirkad robot-yada soo saara oo laga leeyahay Koonfurta Kuuriya, ayaa robot-yo dagaal oo ay soo saareen, oo lagu tijaabinayay xuduudyo aad loo adkeeyey ee Koonfurta Kuuriya, waxay ka iibisay Imaaraatka Carabta iyo Qatar. Milatariga Maraykanka iyo kuwa Ingiriisku labaduba waxay isticmaalaan robot-yada dagaalka, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Inta badan waxaa loo isticmaalaa diyaaradahan sahmin iyo ilaalo, balse waxay awood u leeyihiin inay qaadaan bambooyin iyo gantaallo. 20kii sano ee la soo dhaafay waxaa la qiyaasay 14,000 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku ay ku dileen tiro kor u dhaafaysa 1,750 qof oo dad rayid ah, waddamada Pakistan, Afghanistan, Yemen iyo Somalia.
Sida ay qabaan soosaarayaasha diyaaradahan, waxaa qasab ah in qof uu remote ku hago si diyaaradahan ay u fuliyaan dagaal. Balse dhacdo Maarso 2020 ka dhacday Libya ayaa ka dhigaysa taasi mid nasiib darro aan xaqiiqo ahayn. Warar ayaa waxay sheegeen in mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay qaaday weerar iskeed u madax bannaan oo aysan cidina ku hagin. Inkastoo aan la ogayn in cidi wax ku gaartay weerarka iyo in kale, haddana waxay tilmaamaysaa mustaqbalka xun ee in dagaal aan looga baahnayn in ay qaadaan ciidamo, balse looga baahan yahay robotyo.
Inkastoo aysan jirin cid sheegi karta mustaqbalka waxa dhici doona, haddana dhammaan waxyaabahan aan soo sheegnay oo dhan waxaa iska cad inay ina siinayaan digniin ku aaddan in horumarinta ballaaran ee aadanuhu ku wado AI-da, ay noqon doonto dhibaato weyn oo aan gacmaheena ku samaysanay. Balse adiga ayaan kaga tagayaa jawaabta su’aasha: Ma aamini karnaa?