,

Doonis Xor ah: Dhab Mise Dhalanteed


Hordhac

Kani waa Jeffrey Dahmer, gacan ku dhiigle Maraykan ah oo dilay, kufsaday, jarjaray, kadibna hilib-kooda cunay 17 rag dhalinyaro iyo caruur isugu jira, intii u dhaxaysay 1978-kii ilaa 1991-kii. Waxyaabaha la yaab ka leh ee ay dadku ka argagaxeen waxa uu ahaa, in qof marka banaanka laga arko u muuqda inuu yahay qof caadi ah, uu geysan karo falal aad fool xun oo lid ku ah insaanimadda.

Inta uu xukunkiisa socday ayuu mar uu maxkamadda soo hor istaagay wuxuu dhahay, “Igama ahan kiis aan isku dayayo in la igu xoreeyo. Marna ma doonayo xoriyad. Waxay iga tahay kiis aan ugu sheegayo aduunka inaan sameeyey wixii aan sameeyey. Igama ahayn sabab nacayb, cidna ma necbayn. Waan ogaa inaan xanuusanaa ama aan xumaa, ama labadaba. Hadda waxaan aaminsanahay inaan xanuusanaa. Waan ogahay inta uu le’eg yahay dhibka aan geystay. Waxaan isku dayay in aan sameeyo intii karaan kayga ah si aan u saxo xadhiga ka dib, si kasta oo aan u sameeyo, kama noqon karo dhibaatadii foosha xumayd ee aan gaystay.”

Waxaa macquul ah in oraahdan ay kugu abuurto su’aal ah, maxay tahay xanuun-ka ku qasbaya dilaayaashu inay geystaan falal caynkan ah? Waxbadan kama aqaano shaqsiyan maskaxda psychopath-ka iyo sida ay u shaqayso. Balse kawaran hadii aan ku dhaho, Dahmer ficiladiisa oo dhan xor uma ahayn, ama ma uusan lahayn waxa afka qalaad lagu yiraahdo free-will. Doonis xor ah. In wax-walba uu sameeyay ay ahaayeen wax xakamayntiisa ka baxsaneed oo horey loo go’aamiyay.

Ama xitaa kaliya maahan Dahmar’e, insaanka oo dhan uusan xor u ahayn ficiladiisa, oo dhammaanteen aan nahay kooxo atomyo ah oo ka falceliya kicin gaar (certain stimuli) ah oo horay loo go’aamiyey.

Waa maxay Determinism

Tani waa aragti falsafadeed loo yaqaano Determinism, aaminsanaanta in dhammaan dhacdooyinka oo ay ku jiraan ficillida aadanaha, ay go’aamisay sababo loo arko inay ka baxsan yihiin doonistooda. Waxay ka dhigantahay in qof marka uu tallaabo qaado ama uu doorasho sameeyo, go’aanka uu gaaray uusan isagu si rasmiya u gaarin, ee ay tahay doorasho hore ay u go’aamiyeen dhamaan dhacdooyinka dhacay tan iyo bilowga waqtiga ilaa xiligan la joogo. Waxay ahayeen silsilado taxan oo meel ka soo bilowday ilaa ay halkan imaadaan.

Dooddan waxay soojeedinaysaa in dhamaanteen aan nahay badeeco deegaankeenu soosaartay. Waxaa saamayn inagu yeesha waalidiinteena, waxbarashadeena, cidda aynu la kulano, shaqadayada, buugaagta aan akhrino, filimada aynu daawano. Doorashooyinka aad samayso maaha wax shaqsiyan aad adigu maagtay, waa un natiijo ka dhalatay wax kasta oo horteena dhacay. Waa sida dubnadda ugu danbaysa ee dhacda marka koox dubnado ah oo saf ku jiray la tuuro.

Tani waxay ka dhigantahay xitaa aan daqiiqad waqtiga dib u celino, wax walba waxay u dhici doonaan isla sidi ay u dhaceen. Biriqdu isla goobti ay ku dhacday ayey ku dhici doontaa, gaarigu isla xiligii ayuu bareegga qaban doonaa, goolhayuhuna isla halkii dhinac ayuu rigoorada u badbaadin doonaa. Dhacdo kasta oo dhacda xiliga aad joogto, iyo dhacdo kasto oo dhici doonta mustaqbalka waxay u dhaceen sababo dhacdo ka horeysay.

Waxaa laga yabaa inaad ka doodo ood tiraahdo, “hagaag, anigu xor ayaan u ahay doorashooyinkayga. Waxaan go’aansan karaa inaan gacantayda kor u qaado, sidaas darteed waxaan leeyahy doonis xor ah”. Waa runtaa, waad ku doodi kartaa inaad gacantaada kor uqaadi karto xiliga aaa doonto. Balse Deterministigu wuxu ku leeyahay “ Sababta aad gacantaada u dhaqaajisay marka horeba, waxay ahayd inaad dooneysay inaad qof u caddeyso inaad xor u tahay doorashooyinkaaga. “Waxaad isku dayeysaa inaad caddeyso inaad leedahay doonis xor ah, sababtoo ah mowduuca ba anigaa keenay. Hadii aanan mowduucan keeni lahayn gacantaada gacantaada maadan dhaqaajiseen. Maadama ficilkaaga ah inaad gacantaada dhaqaajisay uu ka yimid dhacdo hore, dhacdo horena aadan waxba ka bedeli karin, doorashooyinkaaga horay ayaa loo go’aamiyey.”

Cilmiga Neerfaha iyo Doonista Xorta ah

Khubarada cilmiga neerfahu waxay isku dayeen inay ka jawaabaan su’aalaha doonista xorta ah iyo mas’uuliyadda ficilladeena. Benjamin Libet oo ah khabiir ku takhasuusay cilmiga neerfaha ayaa isticmaalay EEG, si uu u muujiyo in qaybta maskaxda ee ku shaqada leh dhaqdhaqaaqa, la ogaan karo dhaqdhaaqa ay samasyay 300 oo millisecond ka hor inta uusan qofku dareemin inuu doonayo inuu dhaqaaqo. Si kale hadii loo dhigo, maskaxdaadu waxay bilowdaa dhaqdhaqaaqa ka hor intaadan adigu xitaa go’aansan inaad dhaqaaqdo. Daraasad tan lamid ah ayaa iyana adeegsatay fMRI oo ah teknoolojiyad loo adeegsado in lagulo socdo dhaqdhaqaaqa maskaxda, si wax badan ay oga sii ogaadaan dhacdadaan. Inta daraasadan lagu guda jiray, cilmi baarayaashu waxay weydiinayeen ka qaybgalayaasaha inay kala doortaan labo batan, iyagoo kala isticmaalaya labadooda gacmood. Waxaa loo sheegay in marka ay si miyir ah u dareemaan batanka ay doonayaan inay riixaan, ay dhowr ilbiriqsi kadib ficilka sameeyaan. Waxyaabaha ugu weyn ee la ogaaday waxay ahaayeen in dhaqdhaqaaqyo gaar ah ay maskaxdu samayso, ilbiriqsiyo kahor inta aanu qofka si miyir leh u garowsan inuu doonayo inuu go’aan gaaro. Hadii si kale loo dhigana, ka hor inta aadan dareemin ba inaad dooneyso inaad badhanka taabato, maskaxdaada ayaaba hore go’aanka u sii gaartay. Xitaa mashiinku wuxuu saadaalinkaraa batan-ka uu taaban doono ka qaybqaataha ka hor inta uusan dooran. Dhamaan waxyaalahi oo dhan waxa xujeynayaan aaminsaanteena ku aadan jiritaanka doonista xorta ah.

Duni bilaa doonis xor ah

Marka ay halkan joogto, waxaa qasab ah inaad oron doonto, Hadii qof-walbaa uusan xor u ahayn dooroshooyinkiisa, taas soo kama dhigeyso in qofwalba uu samayn doono fal denbi ah, ka dibna uu ku marmarsiyoon doono anigu xor uma ihi doorashyinkeyga. Filasoofka Amerikaanka ah Sam Harris waxaa uu qabaa aragti ka duwan midaas. Sida uu qabo Harris, kala saarka saxa iyo khaladka kuma xirna jiritaanka iyo jiritaan la’aanta doonista xorta ah. Iyadoo aysan doonis xor ah jirin ayaan kala garan karnaa rafaadka iyo raaxaysiga. Tusaale ahaan psychopath-ka jecel waxyeelaynta dadka iyo dhakhtar jecel bed baadintooda, hadii doonista xorta ah ay jirto iyo hadii kalaba, lama dafari karo farqiga u dhaxeeya labadaas qof. Iyadoo ay taasi jirto, hadana qofka dhakhtarka ahi ma uusan dooran dhinacaas wanaaga ah. Noqoshada dhakhtar tusaale ahaan, waxay ku xirantahay dedaal, hibo, karti inaad si adag u shaqayso. Lakiin midkoodna si buuxda gacantaada uguma jiraan. Waxyaalahaas oodhan waxaa horay ugo’aamiyaa nasiibka. Marka horaba waxaad u baahantahy inaad ku dhalato maskax caafimad qabta. Waxaad sidoo kale u baahan tahay fursad waxbarasho oo tayo leh. Waxyaabahas oo dhana doonistaada kuma xirna. Sidaas darteed, sida u qabo Harris cidina ma dooran karto wanaagga iyo xumaanta toona ficilada uu samaynayo.

Fahamka waxyaalahi oo dhani waxay inaga caawin doonta inaynan cidina ku nicin ficiladooda, maxaa yeelay maha inay iyagu doorteen un waa nasiibka ayaa xun. Qofna ma dooran waalidiintisa, hidihiisa, deegaankiisa ama sida ay maskaxdiisu u shaqayso, waxyaalahan oodhan waxa go’aamiya xaalad gacantisa ka baxsan. Sidaa darteed sida uu qabo Harris, waxaan barankarnaa inaynan qofna si adag ugu ciqaabin danbiyadooda ee diirada saarno sida aan u xalin lahayn waxyaalaha dhibaatada keenaya marka horaba. Harris wuxuu aaminsan yahay in mustaqbalka, laga yaabo inaan awoodno inaan “daaweyno” waxyaabaha sida psychopath-ka. Lakiin waa hadii aan qirno in doonista xorta ah aysan jirin.

Fatalism

Marka dadka loo sheego inaysan jirin doonis xor ah, qaar badan ayaa markiiba ku dhaca dabinka aragtida fatalism. Fatalism waa aaminsanaanta in gebi ahaanba aadanuhu uusan awoodin in sameeyo wax ka duwan waxa uu sameeyo. Wax walba ay yihiin wax horay loo go’aamiyey, wax ay ka bedeli karaana aysan jirin. Sidaa darteedna uusan awoodin inuu saamayn ku yeesho natiijada ka dhalata fikradahooda iyo ficiladooda. Kadib dadku waxay bilaabaan inay niyad jabaan. Waxay ka istaagaan inay ahaadaan dad wanaagsan, Inay raacaan qiyamka anshaxa, iyo guud ahaan inay ku raaxaystaan noloshooda. Balse Maahan inaan dabinkaas ku dhacno. Determinism dhinaca kale waa waxay xooga saaraysaa in go’aanadaada iyo ficiladaadu ay qayb ka yihiin silsiladaha dhacdooyinka mustaqbalka. Haddii aad si joogto ah u sameyso doorashooyin wanaagsan, waxaad saadaalin kartaa inay kuu hoorseedi doonto natiijo wanaagsan.

Illusionism

Determinism waa aragti ay shaqsi ahaan adag tahay in laga doodo, lakiin in la aamino ay sidoo kale adagtahay. Hadii aan aamino inayan xor u ahayn doorashooyinkayaga, maxaan ka yeelaana dareemadeena inoo shegaya inaan xor u nahay doorooshinkeena. Dadka intooda badan diidmadooda ugu ee adag ku aadan determinism, waa xaqiiqda ah in markaan doorano inaan u dhaqano si gaar ah aan dareemayno inaan xor u ahayn doorashadaas. Hanoqoto doorashooyin noloshayada wax ka bedelaya sida gaadhista go’aan guur ama doorashooyin iska yar sida doorashada inaad cunto moos halkii aad tufaax cuni lahayd. Balse kawaran hadii inagoo og in doonista xorta ahi ay tahay dhalanteed, aan aamino inay jirto. Tani waa aragtida Illusionism, fikrada inkastoo doonista xorti ahi ay dhalanteed tahay inaan aamino ay tahay mid inoo wanaagsan, maxaa yeelay sida ay qabto aragtidan hadii lawajaho kala doorasho wanaaga iyo runta, inaan wanaaga doorano ayey faaido inoogu jirtaa. Sida Robert Kane uu yiri, “Haddi aan qaadi wayno masuuliyada waxa aan sameyno, markaas waxaan weyneynaa wax aad muhiim ugu ah nafteena. Waxa nolosheena macnaha u yeelaya.“