Doonista Inaan La Jirin


Hurdadu way wanaagsan tahay

Dhimashada ayaa ka sii fiican

Laakiin dabcan waxa ugu wanaagsan

Waa in aan la dhalan gebi ahaanba.

Kuwani waa tuducyada ugu dambeeya ee ku jira gabay uu qoray Heinrich Heine, gabyaagii Jarmalka ee qarnigii 19aad, kaas oo lagu magacaabo “Geerida iyo walaalkeed Hurdo.” Wuxuu ku sheegayaa in hurdada iyo geeridu ay isu eg yihiin, oo mar kasta oo aan seexanno ay tahay sida in aan dhadhaminay qayb yar oo geerida ka mid ah. Marka aan hurudno, waxaan in yar oo kooban dareemaynaa sida ay u egtahay marka aynan gebi ahaanba jirin.

Hurdadu waxay ina siisaa degganaansho ku meel gaar ah, oo aan kaga fooganayno buuqa iyo murugada maalinta. Markaad madaxaaga barkin saarto, waxaad ka xoroobeysaa wax kasta oo qalbigaaga dhib ku hayey – saacado kooban ba ha noqotee.

Dhimashada dhinaca kale, waa kama dambays. Sidaas darteedna, suurtagal ma aha in la dareemo sida ay u egtahay. Balse waxaad hubin kartaa in dhibaatooyinkaagu aysan ku raaci doonin. Marka aad geeriyootid, waxaad si kama dambays ah xor uga noqotay xanuun walba oo aad nolosha kula halgamaysay.

Geeridu, in kasta oo noloshaadu dhammaanayso, haddana waxaa jiri doona raad kaa hari doona. Dadkii aad jeclayd waxay dareemi doonaan xanuun, waxayna tabi doonaan maqnaantaada. Inkasta oo aad tagtay, haddana waxaad si lama filaan ah ugu sii dhex noolaanaysaa qalbiyada dadkii kuu dhawaa. Qayb adiga ka mid ah ayaa weli kusii dhex noolaanaysa sheekooyinka ay dadka kale sheegaan iyo murugada ay dareemi doonaan marka ay adiga kaa fekerayaan.

Balse waxaa jira doorasho saddexaad, oo aan sida hurdada ku meel gaar ahayn, ama aan uga tagayn dadka kale qalbiyadooda dhaawac sida dhimashada. Waana doonista in aan la jirin.

Doonista in aan la jirin waa dareen ka xoog badan geerida. In aadan jirin waxay la micno tahay in la tirtiro raad kasta, xusuus kasta, iyo calaamad kasta oo aad aduunka kaga tagtay. Waa in aanay waligaa cidina ku tabteen, cidina kuu murugooteen, cidina ku xusuusateen. Dhammaan guulahaaga, riyooyinkaaga, iyo xitaa khaladaadkaaga ay baaba’aan.

Haddii uu qofku dhinto, weli waxaa jira xusuus uu ka tagay oo ku saabsan cidda uu ahaa. Laakiin in aadan jirin waa in aadan weligaa dhalan. Waxay tirtiraysaa gebi ahaan wax walba oo adiga kugu saabsan.

Inkasta oo dareenkani u muuqdo mid culus, haddana ma aha mid waara. Wuxuu kuu iman karaa marka noloshu kadeed ku dareento. Waxaa laga yaabaa inuu ku soo wajaho marka uu kaa burburo xiriir aad muddo dheer waday, ama qof kuu dhow uu geeriyoodo. Ama waxaa laga yaabaa inay tahay maalin ka mid ah maalmaha adag ee nolosha, wax walbana ay u muuqdaan kuwo aad culays ku dareento. Dhibaatooyinku kor ayay sii aadayaan marba marka ka dambaysa, ilaa heer ay gaaraan inaad xakameyn weydo. Waxaad hortaada ku arkaysaa taxane dhibaatooyin weerar kugu ah, oo maskaxdaadu ay xamili weydo, waxaadna sawiranaysaa in inaad si tartiib ah uga guurto ay ka wanaagsan tahay inaad si toos ah u wajahdo.

Markaan ka fekerno doonista in aan la jirin, badanaa waxaan la xiriirinaa fikradaha “in noloshu aysan macno lahayn” ama “noloshu aad u xanuun badan tahay.” Balse doonista in aan la jirin way ka duwan tahay fikradahan. Dadka dareemaya sidan ma doonayaan inay dhintaan – waxay doonayaan in aysan jirin.

Doonistani ma aha mid ku saleysan fikir caqli-gal ah oo ku saabsan nolosha – waan ognahay inaysan macquul ahayn. Balse waa dareen nafsiyadeed oo qoto dheer.

Inkasta oo aan inta badan laga hadlin mowduucan, haddana waxaa qasab ah in dadka intooda badan ay mar noloshooda ka mid ah dareemeen. Waa dareen aamusnaan ku yimaada, waxaana laga yaabaa in qofku uusan cidna la wadaagin.

Mararka qaar, dareenka wuxuu noqon karaa mid aad u xoog badan, oo sida mowjad culus qofka daboosha. Laakiin muxuu dareenkani u yahay mid aad u xoog badan? Ma waxaa laga yaabaa inaanan si buuxda u fahamsanayn waxa uu yahay, ama aynn haysan erayo ku habboon oo aan ku cabbirno?

Erayga “doonis” waxaa lagu qeexaa rabitaan xooggan oo loo qabo waxa aanu qofku hayn. Kasoo qaad tusaale: doonista caannimada ama hantida. Ama doonista in dadku ku jeclaadaan, ama aad qurux badnaato. Doonista caynkan ah waxay ka xoog badan yihiin rabitaannada maalinlaha ah sida cuntada ama biyaha. Marka aad si dhab ah wax u dooneyso, waxay u muuqanayaan wax kuu dhow balse aadan gacan gaarsiin karin. Waxay mar walba ka muuqanayaan hortaada, haddana way kaa sii durkayaan — taasina waxay doonista ka dhigaysaa mid aad u xoog badan.

Doonista in aan la jirin iyadu waa mid aad u xanuun badan. Waxyaabaha sida maalka iyo magacu waa suurtagal, laakiin doonista in aan la jirin ma aha suurtagal. Haddii aad daawaneyso muuqaalkan, waxay ka dhigan tahay in aad jirto oo aad nooshahay. Xitaa dhimashadu ma beddeli karto xaqiiqdaas. Sidaas darteed, doonista in aan la jirin waa mid aan waligeed la gaari doonin.

Dadku inta badan kama hadlaan dareenka noocan ah, sababtoo ah waxa uu la mid yahay fikradda is-dilka. Laakiin isku mid ma aha. Doonista in aan la jirin ma laha wado loo maro ama natiijo cad oo ka soo baxaysa sida is-dilka oo kale. Suurtagal ma aha in aadan jirin, laakiin is-dilku, nasiib darro waa mid dhici kara.

Inkastoo doonista in aan la jirin aysan dhicin, haddana wuxuu dareenka noocan ah kugu noqon karaa mid aad kugu culus. Haddii aad si joogto ah uga fikirto ama aad u milicsato, wuxuu saameyn karaa caafimaadka maskaxdaada. Wuxuu ku dareensiin doonaa murugo, niyad-jab, iyo xaalad adag oo aadan ka bixi karin.

Dadka qaar, dareenka in aysan waligood jirin wuxuu u noqdaa mid ay uga baxsadaan culayska nolosha. Wuxuu siiyaa nasasho ku meel gaar ah, isagoo ka caawinaya inay ka fogaadaan dhibaatooyinkooda. Marka aad ku fikirto sida adduunku ahaan lahaa adiga la’aantaa, waxaad ogaanaysaa in badan oo ka mid ah waxyaabaha aad kuu welwel gelinaya aysan runtii muhiim ahayn. Ka hor inta aadan dhalan, haddii nasiibku si yar isu beddeli lahaa, maanta halkan ma aadan joogteen – waxyaalaha ku dhibaya oo dhanna wax muhiim ah kuuma lahaateen.

Oraahda faylasuuf René Descartes ee “Waan fekeraa, sidaas darteed waan jiraa”, waxaa loo arkaa mid ka mid ah weeraha ugu qoto dheer falsafadda. Waxay faahfaahinaysaa fikradda in jiritaanku yahay waxa kaliya ee aan sida dhabta ah u hubno.

Descartes iyo faylasuufyada kale ee la midka ah waxay diiradda saaraan jiritaanka nafta (self). Maadaama aad hubin karto inaad fekerayso, waxaad ogtahay in maskaxdu jirto. Dhammaan waxyaalaha kale ee adduunka waa laga shakin karaa, laakiin jiritaanku ma aha mid la dafiri karo.

Waxa kaliya ee aad si dhab ah u hubto waa jiritaankaaga. Inkasta oo dad badanki aysan si joogto ah wax walba uga shakiyan sida Descartes oo kale, haddana mar walba waxaan dareenaa in jiritaanku yahay mid muuqda oo la fahmi karo. Oraahda “waan fekeraa, sidaas darteed waan jiraa” waxay u muuqataa mid si dabiiciya uga mid ah nolol maalmeedkeena.

Markaad si qoto dheer u fekerto, sida Descartes u tilmaamay, waxaad xaqiijinaysaa jiritaankaaga. Laakiin mararka qaar, qofku wuu ku daalaa xaqiijinta joogtada ah ee jiritaankiisa — gaar ahaan marka noloshu u muuqato mid culus, cidlo ah, ama aan lahayn macne muuqda. Fekerka joogtada ah ee nafta, su’aalaha la xiriira sababta aad u jirto, iyo culayska la socdo jiritaanka laftiisa, waxay mararka qaar keenaan doonis ah in laga baxsado jiritaankaas — in la joojiyo fekerka, iyo in gebi ahaanba la baaba’o.

Haddii weedha “Waan fekeraa” ee Descartes ay caddayn u tahay jiritaanka qofka, markaa doonista in aan la jirin waxaa loo arki karaa doonista in aan la fekerin – ama haddii si kale loo dhigo, inaad ka nasato culayska maskaxeed iyo midka nafsi ee la socda fekerka qotoda dheer ee uu leeyahay jiritaanku. Oraahda Descartes waxay noqon kartaa bilow ama saldhig laga fahmi karo, sababta ay dadka qaar u dareemaan daal ama niyad-jab ku saabsan jiritaankooda. Inaad u fekerayso si qoto dheer mararka qaar waxay kaa dhigi kartaa inaad ka shakiso qiimaha nolosha – taasoo kuu horseedi karta rabitaan aan la fahmi karin, sida midka ah “in aan la jirin.”

Noloshu waxay mararka qaar u ekaan kartaa mid aad u culus, mana jirto meel looga baxsado. Mararka qaar, inaad nooshahay keliya ayaa daal kugu filan – ma aha oo kaliya inaad shaqo adag qabatay, balse ma jirto nasiino dhab ah oo laga helo jiritaanka. Noloshu way socotaa, adiguna meelna kagama baxsan kartid.

Dareenkani wuu sii xoogeysan karaa marka aad joogto meel dadku ku badan yihiin, sida xaflad ama meel qoys ku kulmayaan. Waxaad waqti la qaadanaysaa dad aadan si fiican u aqoon, waxaadna isku dayeysaa inaad ka dhex muuqato oo aad firfircooni is geliso. Qofka dabeecad ahaan xishooda ama kaligii jecel, xaaladda caynkan ah waxay ku noqon kartaa mid aad u dhib badan. Xilligaas, doonista in aan la jirin ayaa si deggan ku soo galaysa maskaxdaada, waxayna kaa dhigi kartaa inaad jeclaan lahayd inaad hal mar qarsoonto ama aad baaba’do.

Wax walba oo aan ka soo hadalnay waa waxyaabaha aasaasiga ah ee uu leeyahay jiritaanka. Waa waxa lagaa doonayo maalin walba marka aad la macaamilayso qoyskaaga, ama aad tagayso dugsiga ama shaqada. Ma aha oo kaliya sida dad kale kuu arkaan, sidoo kale waa wax badan oo ku saabsan sida aad naftaada u aragto. Waa codka ka soo yeeraya gudahaaga – fikradahaaga iyo wacyigaaga nafeed. Mararka qaar, daalka aynu dareemayno kama imaanayo dadka kale – wuxuu ka yimaadaa gudahaaga.

Inkasta oo aan dadka kale ka baxsan karno, maskaxdeena kama baxsan karno. Ma jiro batoon aad taabanayso oo daminaya dhammaan fikradahaaga. Waqti kasta iyo meel kasta ayey kula socdaan. Sidaas darteedna, doonista in aan la jirin ma aha oo kaliya inaadan rabin inaad dad kale ag joogto, balse waa inaadan rabin inaad ahaato qofka aad tahay.

Dhammaan waxyaalahan way kasii daraan marka ay noloshu noqoto mid culays badan, walaac badan, ama xanuun badan. La tacaalidda murugada qof aad weyday, xidhiidh kaa burburay, ama shaqo lagaa eryay – oo ay weheliso culayska aad ku dareemayso gudashada waajibaadka qoyska – waxay kaa dhigi karaan inaad d areento inaad doonayso in hal mar baaba’do, si dhammaan culayska waxyaabahaas oo dhan ay daaqadda uga baxaan.

Ma aha oo kaliya inaadan rabin inaad halkaa sii joogto; waxaad jeclaan lahayd inay ahaan lahayd inaadan weligaa halkan imaan. Waa doonis qoto dheer oo aad ku dooneyso degganaansho, xasillooni iyo aamusnaan – oo xitaa fikradahaagu aysan ku dhibin.

Iyadoo ay jirto in doonista inaan la jirin aysan macquul ahayn, haddana dareenku wuu ina soo wajihi karaa – wakhti yar ha noqotee. Inaad aqbasho xaalad walba oo ku soo wajahda adigoo ogaanaya in wax walba ay ku meel gaar yihiin, sidoo kale inaad eegto kaliya waqtiga xaadirka, iyo inaad practice-gareyso jimicsiyada maskaxda ayaa kaa caawin kara inaad yareyso buuqa gudaha ka imaanaya.

Dadka qaar ayaa isticmaala maandooriye si ay uga baxsadaan culayska nolosha ama ay ku helaan dareenka sida ay u egtahay inaanay waligood jirin. Waxaa laga yaabaa in bilowga uu ka basxsado culayskaas, laakiin ma aha mid sii waara, waxayna qofka ka dhigi kartaa in culays badan uu dareemo marba marka ka dambeysa.

Mararka qaar ma ogin sida aan ugu xanniban nahay fikradahayaga iyo inta ay le’eg tahay culayska aan maskaxdeena ku hayno. Waxay noqonaysaa wax aad u adag in kaligaa meel joogto, marka waxa kaliya ee aad rabto ay tahay inaad fikradahaaga ka baxsato.

Mararka qaarna, sababta aan culays badan gudaha uga dareemayno waa inaan qiimaha nafteena ku xirnay sida ay dad kale inoo jeclaadaan ama ay inoogu aqbalaan.

Balse xal waan heli karnaa – waa haddii aan ogaano in wax walba noloshan ay si joogto ah isu beddelayaan. Dadku mar walba siyaabo kala duwan ayey isugu soo dhawaanayaan ama ay u kala fogaadaan. Mararka qaar, dhibaatada ina haysata waa inaan mar walba dib u sameyno qaladkii aan mar hore samaynay, ama aan doonno wax isku mid ah, ama aan ahaanno qofka aynan jeclaysan ee aynan doonayaan inaan ahaanno.

Balse haddii aan aaminsanaano in waxyaabaha aan macquulka ahayn xitaa ay jirto fursad ay ku dhici karaan, markaa waxaan awood u yeelanaynaa inaan horey u socono oo aan helno awood aynu ku aqbalno nafteena.

Is-eedayntu waxay dhacdaa marka aynu dadka kale u oggolaanno inay go’aamiyaan aayaheena. Mar walba waxaa jiri doona iskahorimaad u dhexeeya waxa aan doonayno iyo waxa ay dadku rabaan. Haddii aad taas aqbasho, waxaad sidoo kale awood u leedahay inaad naftaada aqbasho.

Aqbalidda in doonistu ay keeni karto xanuun, ayaa ah tallaabo aad ku aqbalayso qofka aad tahay – waxayna kaa caawinaysaa inaad ka gudubto dareenka ah inaadan doonayn inaad jirto.