Juun 2016-kii, ciyaaryahanka xulka qaranka Argentina Lionel Messi, ayaa sheegay inuu ka fariisanayo ciyaaraha qaramada, kadib gool kulaad uu ka qasaariyey xulkiisa Argentina ciyaar final ah oo ay la dheelaysay xulka Chile. Waxaana gool kulaadyo 4 iyo 2 ah lagu garaacay Argentina lagana qaaday Copa America. Kahor wakhtigaas, Messi wuxuu dheelay labo ciyaar final oo Copa America ah, 2007 iyo 2015, iyo hal ciyaar final Koob Adduun ah 2014. Markii la joogo kooxda, guushu waxay u muuqatay mid ka sahlan markii la joogo xulka. “Si adag ayaan iskugu dayey inaad koob u qaado xulkayga,” ayuu dhahay, “laakiin ma dhicin. Mana samayn karo!” Messi waxa uu ku qasbanaaday in uu aqbalo in tani tahay wax ka baxsan awoodiisa. Xiriirka kubadda cagta Argentina waxa uu ahaa mid dhaqaale ahaan iyo maamul ahaanba liita. Mana jirin cid garabkiisa joogtay markii uu u baahnaa taageero. Dhaleeceyntu waxay ahayd mid joogto ah oo ka imaanaysa dhinac walba, guul-darradu waxay soo noqnoqonaysay iyadoo marba marka kale ay ka xanuun badan tahay, riyaduna waxay u muuqanaysay mid rumaynteedu ay ceel ku siid dhacayso. Se markuu iska daayey isku daygii iyo rabitaankii saadka ahaa ee uu ku doonayey inuu xulkiisa koob la qaado, nasiibku wuxuu noqday mid dhinaca kale aada. Waa kan 18-ka December 2022, kaddib 6 sano markii gool kulaadka uu qasaariyay 2016-kii, wuxuu ku guulaystay Koobka Adduunka..
Buugga The Subtle Art of Not Giving a F** ee uu qoray Mark Manson, wuxuu kaga hadlayaa in aynan isku dayin. Wuxuu aaminsan yahay Manson in isku daygeena badan ee shay aan helno ay yareyneyso fursadeena inaan shaygaas helno. Aldous Huxley ayaa mar waxaa uu yiri, “In badan eed isku daydo inaad shay qabato, waa in badan ay yaraaneyso suurta-galnimada in shaygaas aad ka guul gaartid,” halka Soomaaliduna ay tiraahdo, “wax badso wax beel bay dhashaa.” Badankeen markaynu rabno inaan ka guul gaarno hadaf, waxaan helnaa natiijo ka duwan middii aan rabnay. Markay halkaas joogto waa inaan nafteena su’aalna, oon is weydiinaa maxaa qaldan? Jawaabta ugu fiican een helayno waxay noqoneysaa, inaan si adag iskugu daynay. Si aan u helno wixii aan rabno, ama aan hadafkeena u gaarno, waa inaan samaynaa ka soo horjeedka middaas — in aynan si adag iskugu dayin. Waxaa lagu magacaabaa fikraddan The Backwards Law, Af-Soomaali ahaana aynu ka dhignay Sharciga Dib-u-Noqoshada. Inaynu dib uga noqono yoolalka aan leenahay oo aan u oggolaanno wax walba in si dabiici ah ay u dhacaan. Faylasuufka Allan Watts ayaa mar waxaa uu yiri, “Haddii biyo aad ku dhex dhacdid oo aadan aqoon sida loo dabaasho, iskuna daydo inaad biyaha kor sabayso oo aadan quusin, iyadoo ay ka buuxdo cabsida ah inaad aadan aqoon sida loo dabaasho, mar walbo ood si adag iskugu daydo inaad biyaha kor sabayso, waa mar walbo oo ay sahlanaanayso inaad quusato.” Sida kaliya ood ku badbaadi karto markaasna waa sharciga dib-u-noqoshada — inaadan si adag iskugu dayin inaad is badbaadiso.
Waxaa jirta qayb ka mid ah tababbarka Ciidanka Badda oo loo yaqaan “drown-proofing.” Qofka gacmihiisa gadaal ayaa loo xiriyaa, lugihiisa waa la isku xirayaa, kadibna waxaa lagu tuurayaa barkaad dheer oo ay biyo ka buuxaan. Waxaa lagaa doonayaa inaad muddo 5 daqiiqo ah aad meeshaas ku jirto. Way adag tahay marka adigoo lugahaaga iyo gacmahaaba ay xiran yihiin aad meeshaas 5 daqiiqo ku jirto, balse dad sameeyay ayaa jira, waana inta fahansan sharciga dib u noqoshada. In badan eed si adag iskugu daydo inaad biyaha kor sabayso waa in badan ee ay macquul tahay inaad quusto, balse haddii aad u oggolaato naftaada inay quusto, kadibna markaad hoos tagto aad kor is soo qaaddo si aad neef u qaadato, haddana markale aad naftaada u oggolaato inay quusto, kadib aad ku celceliso muddo 5 daqiiqo, waad samaynaysaa. Kaas ayaana ah sharciga dib uga noqoshada.
Dadka badankood waxay u malaynayaan jidka u dhexeeya hadafka iyo gaaristiisa, ay tahay inaad si adag iskugu daydo. Ka soo qaad inaad dagsatay yool aad ku noqonayso maalqabeen, maxaa yeelay waxaad aaminsan tahay inay lacagtu ku farxad galinayso. Yoolka in lacagtu ka dhigeyso mid faraxsan waxay noqon doontaa mid aan waligeed la gaari doonin, oo xitaa kaa sii dhigaysa mid aan faraxsanayn. Waatan Mark Manson uu leeyahay: “In badan eed si ba’an u doonayso inaad taajir noqoto, waa in badan eed dareemayso inaad faqiir tahay, iyadoon loo eegayn inta lacag eed haysato.”
Ujeedku ma aha marka inaan yoolal deysan oo yoolalkeennaas cayrsan. Waan ogahay in hadaf walba uu dadaal u baahan yahay. Haddii aad rabto inaad jirkaaga dhisato, waa qasab inaad joogtayso aadista gymka, sidoo kale aad ka fikirto wixii aad cuni lahayd iyo xilligii aad seexan lahayd. Laakiin waxaa qasab ah inaan si adag iskugu dayin. Inaan si adag iskugu daynaa waxay kuu horseedaysaa inaad wixii si degdeg ah ku rabto, inaad is weydiisid meeqo bilood bay igu qaadanaysaa inaan jirkayga dhisto.
Waxay sidoo kale kugu horseedaysaa inaad naftaada dadka kale la barbar dhigto, inaad dhahdo: sideen hebelka aan Instagram-ka ku arkay jirkiisa oo kale ku yeelan karaa? Waxyaabo sidaas oo kale ah, ama aad rabto inay dadku kugu jeclaadaan. Marnabana macquul kuu noqon mayso markaa inaad hesho wixii aad rabtay. Xitaa waxaa qasab ah in dhankaad rabtay ma aha ee in dhinaca kale ay wax aadaan. Balse haddii aan iska ilowno inaan jirkeena ku dhisanno, haddii aan joogtayno aadista gymka, waqtina aan siino in waxani imanayaan, oo aan ogaano waxani safar dheer tahay waqti badanna qaadaneyso, inaanan nafteena la barbar dhigin sida dadka kale jirkoodu u egyahay — waxaa qasab ah inaan yoolkeenna xaqiijinayno. Dib u noqoshada yoolkuna waa kaas.
Is waydii su’aalo badan ee kusaabsan rabitaanka sidaad kugaari lahayd yoolal kaaga, ma waxaaan si’adag iskugu dayeynaa inay dadku inay jeclaadaan, ma si adag baynu iskugu dayeynaa dadku inay ina dhagaystaan, ma si adag baynu iskugu dayeynaa inay dadku ina aaminan, ma si adag baynu iskugu dayaynaa inay dadku ina xushmeeyaan, ma si adag baynu iskugu dayaynaa inay dadku inagu kalsoonaadaan. waxyaabahan oo dhan hadii aan si adag iskugu dayno waxan helaynaa natiijada aan rabnay badalkeed.
Waxay u muuqataa mid is khilaafsan markaynu leenahay dadku in badan oo ay si adag iskugu dayayaan inay cayrsadaan riyooyinkooda, waa in badan oo ay helaan natiijada ay doonayaan mid ka duwan. Balse waa sida uu qabo faylasuuf Jarmal ah Arthur Schopenhauer. Wuxuu aaminsan yahay in rabitaankeenna saa’idka ee shay, ay noo horseedayso inaan dhibaatoono, wax dunida yaala oo baahiddeenna buuxin karana aysan jirin.
Ibnu Aadamku wuxuu si dabiici ah u dareemaa onay wax ka maqan yihiin. Mar walba waxaan dareenaa inay wax inaga maqan yihiin, waxaana u jihaysanaa sidii aan baahiddaas u buuxin lahayn, meeshii aan rabnana aan u gaari lahayn. Balse marka aad gaarto meeshii aad rabtay, waxaad dareemaysaa sidii aad dareemaysay halkii aad shalay joogtay. Haddii aad dabinkaas jiirka ku dhacdana, waxaad noqoneysaa qof mar walba un waxaas cayrsada, heer aad iloowdo sida aad ugu raaxaysan lahayd nolosha aad markaa ku jirto.
Balwaddu waa tusaalaha ugu fiican ee aan u soo qaadan karno, in cayrsashada rabitaan keenu uu meel xun ina gayn karo. Markuu qof balwad isticmaalo, maskaxdu waxay sii daynaysaa hormoon loo yaqaano dopamine, oo uu qofku dareemayo rayrayn. Mar walba oo uu qofku balwad isticmaalo, waa mar walba oo ay maskaxdu dopamine badan soo dayso. Mar walba oo ay maskaxdu dopamine badan soo daysana, waa mar walba uu qofku balwad tii ka badan u isticmaalo, si uu u dareemo rayrayn. Waadna qiyaasi kartaa meesha ay la gaarayso.
Baraha bulshadu waxay sidoo kale si weyn mas’uul uga yihiin dareenkeena qanaaco la’aanta. Waxaan baraha bulshada ku arkaynaa xayeysiino ah inuu soo baxay dhar qurxan, tahayna inaad iibsato, si un aad u dareento in dharka aad haysato aysan kugu filnayn. Shirkadda Apple waxay sanad walba soo saartaa taleefan cusub oo aan waxba ka duwnayn kii hore, si un ay inoo dareensiiyaan in taleefanadeenu aysan ahayn kuwa cusub. Dhiirrigaliyayaashu waxay noo sheegaan inay tahay inaan hadafyadeena iyo waxa aan nolosha ka rabno aan si adag u cayrsanno, sirta guushana ay inoo hayaan, si un aan kooraskooda u iibsanno. Isugeynta waxyaabahaas oo dhamina, waxay na dhaxalsiinayaan jahwareer, niyadjab, iyo qanaaco la’aan.
Sideen ku helli karnaa marka waxaan rabno? Inagoo iska dayna. Inagoo ka quusana, maaha tabar-darro iyo inaynan awoodin, balse waa ixtiraam in koonka aynan gacanta ku haynin. Inagoo ogsoonaana inaan xuduud leenahay, xuduudkaasna ayna dhaafi karin. Maaha inaad dareentid inaad tahay qof bilaa awood ah, balse waxaad tahay qof awood badan, oo waxaad go’aansatay inaad iska dayso wax ka baxsan awooddaada. Alle wuxuu inoo sheegay in qofkii muslim ah oo la yimaada iimaan xooggan iyo camal saalix ah in la siin doono nolol wanaagsan. Taasi micnaheedu maaha in qofka la siinayo maal iyo hanti faro badan, balse waa qanaaco iyo ogaal in xaaladda uu ku jiro tahay tii Rabigiis u dooray.