Ilaa muddo bil ah ayaa laga joogaa markii u danbaysay ee aan kanaalkan muqaal soogaliyo. Mudadaaas dhan subax walba oo kamid kombiyuutar-ka ayaan soo hor fariisanayey si’aan u diyaariyo muqaalka xiga, laakiin marwalba oon is dhaho aad muqaal-ka scriptigiisa qortid waxaan ka tagayey iyadoo calaamadda qoraalka aay bood boodeyso oonan hal eray qorin. Isbuuc ayaa sidaas ku dhamaaday, kadib waxana is iri malaha mowduuca ka aad doonayso inaad ka hadasho ayaadan xiisaynayn, bal beddelo mowduuca. Balse mowduuc walba oon is dhaho ka hadal, wuxuu noqdaa mid ay igu adkaato inaan horey u sii wado. Taasina waxay igaga tagtay jahwareer badan iyo fikrado taban oon maskaxdeyda kusoo dhacaya.
Maxay tahay u jeedada aan u doonayo inaan YouTuber noqdo?
Ma iska dayaa gabi ahaanba YouTube-ka?
Malaha intaan muqaalo samayn lahaa inaan shaqo caadiya raadsadaa iidhaanta.
Fikradahaasi iyo kuwa kale oo badan oo lamid ah ayaa maskaxdeyda kusoo laabanayey isbuucyadii u danbeeyey. Qaladna ha i fahmin, muqaal samaynta waxay ahayd hiwaayad aan mudo dheer lahaa. Waa shay markaan qabanayo aan farxad ku dareemo. In shaygaas aan jeclahay aan ka tanaasulo waa wax aanu caqligu qaadan karin. Haddana waxaan u baahanahay inaan ogaado sababta aan sidaan u dareemayo. Halkee ayey fikradahan tabani ka imanayaan? Halkey aadeen fikradihii hal abuurka ahaa ee aan lahaa? Ma sheygi aan jeclaa baa isku badalay mid jahwareer igaliya? Maxaan sidaan u dareemayaa?
Waan baaray, waanan ogaaday. Burnout ayaa la yiraahdaa. Waa daal fara badan ood u dareemayso qaab jireed, shucuureed iyo qaab maskaxeed ba. Waa mid kaa hor istaagaya inaad wax soo saar lahaato, wuxuu kaga tagayaa rajo la’aan, jahwareer iyo murugo badan. Waxaa sababaa qofka marka uu si adag oon kala joogsi lahayn u shaqeeyo, isagoo u samaynaya wax walba si howshan sida ugu dhaqsiyaha badan uu ugu dhameeyo.
Markaan intaas ogaaday ayaan dib isu fiiriyey, waana run, mararka qaar inaan wax cuno ayaan iloobaa. Mararka qaarna si bilaa nasiino ah ayaan u shaqeeyaa, anigoo hilmaama inay ahayd inaan bareeg qaato. Yacnii YouTube-ka waa “shaqo xor ah”. Cid kugu daba taagan maleh, waqti lagalo maleh, waqti laga baxo na maleh. Hadii aadan samaysan ama aadan xilli hore ku baraarugina, way adkayn doontaa inaad joogteyso isku dheellitirka shaqada iyo caafimaadka maskaxdaada.
Xilligan la joogo YouTube-ka waa mid ka mid ah shaqooyinka aadka loo jecel yahay. Ku dhawaad 30% carruurta Maraykanka ee u dhaxaysa da’da 8da ilaa12ka, waxay rabaan inay mustaqbalka noqdaan YouTubero. In 3 jibaar ka badan inta doonaysa inay noqoto cirbixiyeenno. Waa shaqo aanan jirin 10 sano ka hor markii dugsiyada nalagu weydiin jiray su’aasha, maxaad doonaysaa inaad noqoto marka aad waynaato?
YouTube-ka dhalinyaro badan ayuu noloshooda bedelay, beddelid kaliya maaha qaar badan ayaa waxa uu ka dhigay celebrities. Waxyaabaha uu uga duwan yahay YouTube-ka dhamaan shaqooyinka kale, waa inuusan kugu xirayn shuruudaha ay shaqooyinkasi u baahan yihiiin. Shahaado jaamacadeed ama dhowr sano oo khibrad ah inaad lahaato, meesha ugu hooseysa ayaad ka bilaabi kartaa, haddii nasiibku dhinaca kale isu rogana waxa uu gebi ahaanba bedeli karaa noloshaada.
Marka aan ka hadlayo nasiibka, dhalinyaro badan oo muuqaalo sameeya ayaan ku baraarugsanayn sida nasiibku uga qayb qaato inaad platform-kaan horumar ka gaarto.
Dhowr bil ka hor waxaan sameeyey muuqaal aan ku sharxayo aragtida Black Swan, inkastoo aanan doonayn inaan gudaha ugalo, hadana qaar kamid ah waxyaabaha ay aragtidaasi ka hadlayso waa in mid ugu weyn ee ka qayb qaadata in qof uu guuleysto ay tahay nasiibka. Micnahaygu maahan inaan leeyahay qof walba oo guulaystay inuusan si adag u shaqayn, ee waxay tahay sababta ugu weyn ee guushooda ka danbaysa waa nasiibka. Waxaa hareerahooda ka abuurmay duruufo ay ka faa’iidaysan karayeen, natiijaduna waxay noqotay mid aad u weyn.
Sanadkii 2022, tirakoob la sameeyey waxaa lagu ogaaday in 2.6 Billion oo kanaal oo YouTube-ka ka furan, ay 114 Milyan oo kamid ahi ay si joogta wax kusoo geliyaan. 0.1% oo kaliya ayaana dhaafay 100K oo subs. Shaqo walba oo tartan badani kajiro ayaa na sidaas ah, marwalba oo dadka tartamayaasha bataan, waa marwalba oo ay yaraato fursada aad dadka hore kaga mid noqon kartid. Hadii dad-ka guuleystay aad weydiiso maxay tahay waxa ugu weyn ee guushooda ka danbeeya, waxay kugu jawabayaan inay tahay dadaalka iyo juhdiga adag ee ay soo geliyeen. Taasoo runta xaqiiq ah, balse waxyaaba ka hoos baxsan ayaa ah in aysan ogayn sida nasiibku uga qayb qaadan karo guusha. YouTuber-ka Veritasium (Ferataasiyam) ayaa sameeyey muuqaal uu si fiican ugu sharxayo mowduucaan. Hadii aad ku dhalato tusaale Brundi, wadanka ugu hooseeya aduunka marki loo eego wax soo saarka gudaha, micno malahan si walba oo aad dedaal iyo juhdi ula timaado, macquul ma’ahan inaad u guuleysato sida qof kasoo jeeda wadamadda horumaray. Meeshii saxda ahayd iyo xilligii saxda ahaa oo isugu kaa aadamay, micnaheeda maaha in qof walba oo kasta oo waddadas qaada uu helayo natiijo lamid ah midda aad heshay.
Inagoo tusaalahan adeegsanayna, aan ku fiirino dhanka YouTube-ka. YouTuber-ka ugu Subscribers-ka badan Maraykanka waa Mrbeast oo haysta in ka badan 300 oo Milyan. Soomaaliya-na waa Asad Hagio oo haysta in ka badan 2 Milyan. Marka labadooda la isbarbardhigo, Mrbeast 150 jeer ayuu ka badan yahay Asad Hagio. Waana wax Asad iyo Mrbeast labadood-ba awoodooda ka baxsan. Luuqadda Soomaaliga uma hormarsana sida luuqada Ingiriiska. Sidoo kale Dadka Af-Soomaliga ku hadla qiyaastii kama badan 20-Milyan. Waadna dareemi kartaa meeshaan u socdo, macno malahan si walba oo Asad Hagio uga dadaal iyo karti badan yahay Mrbeast, macquul maahan inuu halkaas gaaro.
Dhanka dhaqaalaha markii laga fiiriyana, macno malahan inta daawasho ee qofka Soomaaliga ah helo, dhaqaalaha uu YouTube ka helayo, maahan wax lala bar-bar dhigi karo dhaqaalaha uu helayo qofka wadamada horumaray jooga ama laga daawado. YouTuber-ka Osman Hossow ayaa muuqaal ka sameeyey mowduucan. Qofkii raba inuu wax badan ka fahmo Description-ka ayaan dhigayaa link-ga muuqaalka halkaas ka daawo.
Qaladna ha i fahmin, markaan leeyahay qofka Soomaaliga ah platform-kan dhaqaale fiican kama samayn karo, micnaheygu maahan inaan ku niyad jabinayo, balse waa taas cagsigeeda. Waxaan doonayaa inaan kugu dhiirigaliyo wax walba ood nolosha ka doonayso sidoo kale na aan ku sheego inaysan jirin cid kuu balan qaadi karta natiijada. Juhdiga iyo dadaalku waa mid gacantaada ku jira laakiin nasiibka, xaaladda dhaqaale ee dalkaaga iyo xaddidaadda inta ay guushadu gaari karto, waa mid ka baxsan awooddaada. Waxa ay kaliya tahay inaad diiradda saarto waa wixii gacantaada ku jira. Hadii aad muqaalo samayso tusaale, inta daawasho iyo subs ee kanaalku heli doono, mahan wax gacantada kujira. Waxa kaliya eed xukumi karto waa tayada muuqaaladaada, inaad hormarin karto xirfadaada muqaal samaynta, marwalbana diyaar u tahay inaad wax cusub barato, iyo midda ugu muhiimsan ee inaad jeceshahay kuna raaxeysato qabashada howshaan. Dabcan marwalba ma noqon doonto mid aad ku raaxeysato; Burnout wuu jiri karaa, inaad ka niyad jabto waa macquul. Iskuna day inaad caafimaadkaaga maskaxeed ka hormariso yoolkaaga. Waa lama huraan inaad sameysato saacado shaqo oo xadidan iyo inaad qaadato nasasho joogto ah. Sidaas darteed, hadii aad dooneysid inaad YouTuber noqoto, kusoco. Hadii ay kuu hagaagto waa sidaad rabtay, hadii kalena ugu yaraan kama shalayn doontid inaadan isku dayin.