Isbeddello yaryar, natiijo weyn: Atomic Habits


Hordhac

Marka laga hadlayo guusha, dadka badankood waxay diiradda saaraan dhinac qaldan. Waxay awoodooda iyo tamartoodaba isugu geeyaan yoolka udanbeeya hadafkooda, halkii ay diiradda saari lahaayeen safarka ay qaadaneyso si yoolkaas loo gaaro. Waxay aaminaan in go’aanadooda waaweyn ay gaarsiin doonaan halka udanbeysa.

Si kastaba, taasi waa mid xaqiiqda ka fog. Run ahaantii, hadii maalin walba 1% isbadal horumar ah aad samayso, waxaad ka natiijo fiicnaan doonto 37 jeer sidii aad ahaan jirtay. Taas cagsigeedna, hadii hoos udhac samayso 1% maalin walba, waxaad hoos uga dhici doontaa meeshii aad joogtay kudhawaad eber. Si kale hadii loo dhigo, isbedelka weyn waxa sameeya waa caadooyinka yaryarka ah.

Kani waa buuga Atomic Habits oo uu qoray James Clear. Wuxuu xooga ku saaraya sida ficillada yaryar ee maalin laha ahi ay saameyn xoog leh ugu yeelan karaan nolosheena. Wuxuu leeyahay, samaynta caadooyinka yaryar kuma baraarugno maxaa yeelay saamayntooda isla markiiba lama arko. Waxay qaadan kartaa bilo ama xitaa sanad, lakiin natiijadu waxay noqon kartaa mid aad u weyn.

Tusaale, cunida xabad biitsa ah hal-habeen, kaama dhigi doonto qof aan caafimad qabin. Lakiin hadii aad habeen walbo casho ahaan u cunto, waxaa hubaal ah in miisankagu muddo sanad ah uu aad ukordho. Si lamid ah, aadista hal maalin jiimka kaama dhigi doona qof jirkisu dhisan yahay. Taas badalked, waa samaynta caadooyin yaryar oo maalinle ah waxa soo saaraya natiijooyin waaweyn.

Natiijooyinka nolosha waxaa halbeeg u ah oo cabiraya caadadda. Tusaale ahaan, dhaqaalaha qof uu haysto waxaa si fudud u cabiraya caadooyinkisa dhaqaale. Si lamid ah, caafimadka qofka waxa si fudud u cabiraya caadooyinkiisa maalinlaha ah ee jimicsiga iyo cuntada.

Hadii aad rabto inaad ogaato meesha aad ku danbayn doonto nolosha, si fudud u raac xariiqadda caadooyinkaaga maalilaha ah. Waxaad arki doontaa meesha ay ku geyneyso xariiqadaasi.

Caadooyinka xun waxay noo saamayn karaan si la mid ah sida kuwa wanaagsan inoo dhisi karaan. Tani waa sababta ay muhiim u tahay inaan fahano sidii aan u qaabayn lahayn caadooyinkeena maalinlaha ah.

Muhiimada ayaa ah in is bedel yar aan ku samayno hab-dhaqankeena, kuwaasoo marka lagu celceliyo samayntooda noqdaan caadooyin keenaya natiijooyin waaweyn.

Sida ay caadadu u samaysmato

Marka ay timaado bedelista caadada, dadka badankooda waxay ku noqotaa caqabad, maxaa yeelay dadka badankood markay badalayaan caadada waxay umaraan hab qaldan.

Si aan u bedelno caado, waa in aan marka hore fahannaa sida caadadu u samaysmato.

James Clear wuxuu aaminsan yahay in caado walba ay ka kooban tahay afar wareegto oo kala ah: tilmaan, rabitaan, fal-celin, iyo abaal-marin.

Caadadu waxay ku bilaabataa tilmaan — shay kugu tilmaamaya si ay caadadu u dhacdo. Tusaale: marka aad subixii kacdo, shayga ku tilmaamaya inaad ilkaha cadaysato wuxuu noqon karaa inaad quraacato ama kafee cabto. Taasi waxay kugu hagaysaa rabitaan ah inaad ilkaha nadiif sato. Fal-celintaadu waxay noqoneysaa inaad kacdo ood cadaysato. Abaalmarintana waa inaad dareento firfircooni iyo inaad diyaar u tahay inaad maalintaada bilowdo.

Afartan wareegto waxaa lagu dabaqi karaa caadooyin badan oon maalin walba sameyno, waxayna u dhacaan qaab automatic ah oo aan u baahnayn in marwalba laga fikiro tallaabada xigta.

Maadaama aan hadda ogaanay habka caadadu u samaysmato, waxaan awoodnaa inaan samayno caado wanaagsan inagoo marayno 4-tan hab ee soo socoto.

1. Ka dhig mid muuqata

Dareenka ugu awoodda badan bini’aadamka waa aragtideena. Tilmaamaha aragtideenu waa dhiirigalinta ugu saraysa ee ka danbeysa dhaqamadeena. Sidaa darteed, isbeddel yar oo ku yimaada waxa aan aragno wuxuu keeni karaa isbeddelo weyn oo ku yimaada waxa aan samayno.

Aan dhahno tusaale: waxaad rabtaa inaad samayso caado ah inaad practice ku sameyso gitaar. Way adkaan doonta inaad practice gareyso gitaarka haddii uu ku xiran yahay sanduuq yaala qol kale. Taas badalkeed, waxaad dhigi kartaa meel aad si fudud uga arki karto.

Si la mid ah, haddii aad doonayso inaad jimicsi samayso, waxaad dhigi kartaa dharka jimicsiga meel marka aad hurdada kasoo kacdo aad si fudud uga arki karto. Samaynta tilmaamo muuqaal ah waxay caadadii siin doontaa dareen soojiidasho.

2. Ka dhig mid soo jiidasho leh

Maalin kasta, algorithm-yada baraha bulshada iyo telefishinada waxay si joogto ah noogu quudiyaan xayaysiino kala duwan oo soo jiidasho leh. Haddii ay noqon lahayd dhar, cunto, alaabaha guryaha — iyo wax kasta oo inasoo jiidanaya.

Si la mid ah, bulshada dhexdeeda waxa ka dhex jira waxyaabo badan oo xaqiiqda ka fog oo aan abuurayno si dadka kale aan u soo jiidano. Waxaan sawiradeena ku darnaa kalaro iyo iftiin aan nolosha caadiga ah ka jirin, ujeeddaduna tahay inaan abuurno products soo jiita macaamiisha.

Isla sidaas oo kale ayaan u isticmaali karnaa caadooyinkeena. Maxaa yeelay, in badan oo shey uu soo jiidasho leeyahay — waa in badan oo aan caadayno qabashadiisa.

In badan waad aragtay: markaad samayso shay lagu raaxeysan karo, sida cunista cunto aad jeceshahay, maskaxdu waxay soo daysaa hormoon loo yaqaan dopamine, kaasoo nagu dhiga inaan dareenno raynrayn.

Dabcan, hawl walba oo ina dareensiisa raynrayn maaha mid inoo wanaagsan. Tusaale ahaan, dadka caadaystay waxyaabaha sida balwadda, cunnada xun, iyo daawashada aflaamta xun — waxay ku dareemaan raynrayn marka ay howshaas qabanayaan, laakiin dabcan caadooyinkaas waxay saameyn ku yeelanayaan caafimaadkooda iyo xiriirkooda.

Taasi waa sababta ay muhiim u tahay inaan ka faa’iideysano aqoonteena marka ay noqoto inaan sameyno caadooyin wanaagsan oo caafimaad qaba.

Tusaalaha ugu wanaagsan ee aan soo qaadan karno waa Ronan Byrne, arday barta injineernimada oo ku nool Ireland. Wuxuu dareensanaa inuu u baahan yahay inuu sameeyo jimicsi badan, laakiin ma uusan doonayn inuu sameeyo, maxaa yeelay waxay u muuqatay mid aan soo jiidasho lahayn.

Si uu uga dhigo mid soo jiidasho leh, wuxuu sameeyay inuu baaskiilka jimicsiga ku xiro laptop-kiisa. Wuxuuna qoray koodh u ogolaanaya Netflix inuu daawado haddii uu baaskiil ku wado xawaare gaar ah — maadaama uu jeclaa daawashada Netflix.

Ronan waxaa ku qasbanaatay in haddii uu rabo inuu Netflix daawado, ay tahay inuu jimicsi sameeyo.

In kasta oo Ronan uu lahaa aqoon uu ku jabsado baaskiilka jimicsiga, uma baahnid inaad noqoto injineer si aad uga faa’iidaysato tilmaantan caadooyinkaaga gaarka ah.

Kaliya inaad soo dejisato aflaamta aad jeceshahay si aad u daawato marka aad baaskiil saaran tahay, ama inaad u sheegto naftaada inaad ku abaal marin doonto inay samayso hawl ay jeceshahay haddii aad maanta gaartid yool gaar ah, ayaa ka mid ah siyaabaha aad uga dhigi karto caadooyinkaaga kuwo soo jiidasho leh.

3. Ka dhig mid fudud

Aadanaha ahaan, qaar badan oo naga mid ah waxay ku dhiirtaan inay qabtaan howlaha fudud. Inta badan, marka ay howshu u baahan tahay tamar badan, waa inta badan oo ay yaraanayso suurtagalnimada inaan qabanno.

Balse waxaa jira tallaabooyin badan oo caadooyinka adag aad uga dhigi karto kuwo fudud. Tusaale: haddii aad doonayso inaad samaysato caado ah inaad subax kasta jimicsato, waxaad ka bilaabi kartaa adigoo yaraynta — tusaale, subaxda ugu horreysa kaliya hal jimicsi bilow. Kadib way kuu fududaanaysaa inaad sii waddo oo aad wax ku dartid.

Waxaad sidoo kale isticmaali kartaa waxa uu qoruhu ugu yeerayo 2-Minute Rule. Halkii aad naftaada u sheegi lahayd inaad u baahan tahay inaad cashar akhriso, kaliya u sheeg inaad u baahan tahay inaad buugga kala furto ama hal bog oo kaliya akhriso.

Si la mid ah, halkii aad nafta u sheegi lahayd inaad u baahan tahay inaad jimicsi samayso, waxaad u sheegi kartaa inaad doonayso inaad hal wareeg oo push-up kaliya samayso. Marka aad bilowdo, howsha way fududaanaysaa inaad sii waddo.

Waxaad sidoo kale habkaan u isticmaali kartaa si aad u joojiso caado xun. Habka ugu wanaagsan ee caado xun loo joojiyo waa in laga dhigo mid adag qabashadeedu.

Tusaale: haddii aad rabto inaad joojiso caadada inaad taleefanka isticmaasho marka aad howl qabanayso, waxaad samayn kartaa inaad taleefanka qolka kale kaga tagto ama aad dhigto meel ay kaagaga baahan tahay tamar si aad u soo qaadato.

Waxay kuu sahleysaa arrintaasi inaad jarto caadadaas xun, badalkeedna aad waqtigaaga ku bixiso wax waxtar kuu leh.

4. Ka dhig mid lagu qanco

Habka ugu dambeeya waa inaan caadada ka dhigno mid lagu qanci karo. Shirkadaha waaweyn badankood way fahamsan yihiin arrintaan. Tusaale: shirkadaha soo saara daawada cadayga waxay arkeen horumar weyn iyo qanaaco markay productkooda ku dareen geedka reexaan, taas oo dadka ku dareensiin jirtay firfircooni iyo raaxo.

Inkasta oo cadayashada daawadu ay nasiiyaan qanaaco degdeg ah, haddana caadooyinka oo dhan ma aha kuwo sidaas ah.

Tusaale, waxaa laga yaabaa inaad bilowday inaad aaddo gym-ka maalin walba. Ma macquul baa inaad hal subax gudaheed ku aragto natiijo kugu qancisa? Maya. Waxay qaadan kartaa bilo.

Dhinaca kale, caadooyinka keena qanacsanaanta degdegga ah waxay yeelan karaan cawaaqib xumo dib u dhac leh. Tani waa sababta dadka, iyagoo og qatarta uu sigaarku leeyahay, ay weli u sii cabaan.

Cawaaqib xumadiisa — sida in kansar laga qaado — ma aha mid si degdeg ah loo arko; waxaa laga yaabaa inay 20 sano qaadato. Laakiin qofka waxa uu eegayaa qanacsanaanta degdegga ah ee uu hadda helayo.

Waxaa muhiim ah inaan caadoyinkeena ku xirno qanaaco degdeg ah, taasoo sabab u noqonaysa in aan sii wadno.

Tusaale: qoruhu wuxuu ka sheekaynayaa saaxiibadiis oo rabay inay joojiyaan caadada wax ka cunista banaanka habeenkii — si ay u helaan caafimaad iyo in ay lacag kaydsadaan.

Si ay taas u sameeyaan, waxay fureen akoon kayd ah oo ay ugu magac dareen “Safarka Yurub.” Mar kasta oo ay ka baaqsadaan inay banaanka wax ka cunaan, waxay ku ridayaan $50 akoonka.

Inay arkaan lacagtooda oo u keydsan waxay abuurtay dareen qanaaco degdeg ah. Waxayna sidoo kale arkeen faa’iido waqti fog ah — in lacagtaas ay ugu bixi karaan fasax Yurub ah.

Farsamooyinkan oo kale ayaan adeegsan karnaa si caadoyinkeena aan uga dhigno kuwo soo jiidasho leh.

La socodka caadada

Maadaama aan hadda fahamsanahay fikradda buugga, kuma dhamayn karno halkan anagoo aan ka hadlin muhiimadda ay leedahay la socodka caadada.

Farsamada ugu fudud ee aad isticmaali karto si aad ula socoto caadada waa kalandarka aad tick saarayso markaad dhamaystirto caadooyinkaaga maalinlaha ah.

La socodka caadadu ma aha oo kaliya inaad abuurayso cabbir muuqaal ah oo horumarkaaga ku saabsan, balse waxaad sidoo kale abuureysaa caado soo jiidasho leh oo lagu qanci karo.

Dhamaadka maalinta, marka aad tick saarto howshii aad dhamaysay, waxaad dareemi doontaa guul iyo qanacsanaan.

Gunaanad

Buuggan James Clear wuxuu bixinayaa hab wax ku ool ah oo cilmi ahaan salka ku haya horumarka aadanaha. Waa samaynta waxyaalo yaryar oo maalinle ah, kuwaasoo saamayn weyn ku leh noloshaada. Haddii aad hiigsanayso korriin shaqsiyadeed, ama horumar dhinac walba ah, Atomic Habits wuxuu kuu siinayaa wado aad kaga faa’iidaysan karto samaynta isbeddelo yaryar si aad u abuurto natiijo weyn.