Jacaylka dhabta ahi muxuu yahay?


Ibnu aadamku in badan ayuu qeexayey jacaylka, waxaa maqalnay ama xitaa nasoo maray qisooyin badan oo kusaabsan jacaylka, heeso badan ayaan u qaaday, gabayo ayaan ka tirinay, sheekooyin ayaan ka qornay, aflaam ayaan ka sameynay, intaasoo marxalado kala duwan een soo marinnay jacaylka wali waxay u eg tahay inaynan fahamsanayn macnaha, waa maxay jacayl?

Marka aan leeyahay sidaas kama hadlayo macnaha ku qoran khaamuska, kaasoo tilmaamaya in jacaylku yahay shucuur iyo dareen awood badan oon qalbigeena ka dareeno, marka aynu aragno ama la kulano qof ina soo jiidanaya muuqal ahaan ama shaqsiyad ahaan. Waxaan ula jeedaa muxuu yahay jacaylka dhabta ah marka laga soo gudbo dareemista inaad wax jeceshahay ee loo soo gudbo sidee wax loo jeclaadaa.

Waxaa jirta farqi u dhexeeya, in lagu jeclaado iyo in aad wax jeclaato. Inta badan waxaan nolosheena ku soo qaadanay in nala jeclaado, waalidiinteen ayey ahayeen kuwa mar walba naga fikiri jiray oo ina baray sida ay u egtahay in nala jeclaado. Waxaan u maleynaynaa marka aan weynaano oo aan la kulano lammaanaha nolosheena, in jacaylku yahay halka meel oo aan kasoo baranay oo kaliya, in lana jeclaado.

Balse way ka duwan tahay marka ay noqoto in aan wax jeclaano. Inaan wax jeclaano waa inaan baranaa shaqsi ahaan cida aynu nahay iyo dabeecadeena gudaha ku jirta, inaan u damqano, u naxariisano qofka aan jecelnahay. Si kale haddii aan u dhigo, jacaylku maaha shucuur, waa xirfad aynu baran karno tahayna inaan barano.

Sababta ugu badan ee keenta inaan ku dhibaatoono jacaylka waa inaynan baranin sidee wax loo jeclaadaa. Meelo badan oo nolosheena ah waxaan baranaa xirfado kala duwan si ay inooga caawiso inaan helno waxa aan u baahanahay. balse marka ay noqoto jacaylka, waxaan u maleynaynaa inay tahay wax dabiici iska ah oo aysan ahayn inaan barano. Dadku way is jeclaadaan, xiriir ayey sameeyaan kadib way is guursadaan iyaga oon wax fikrad ah ka haysan waxa ay sameynayaan, amaba aan haysan khariirad sax ah oo ay qaadaan.

Marka laga soo tago in jacaylka aan kasoo qaadno wax dabiici iska ah, meesha kaliya ee aan ka barano waa aflaamta iyo sheekooyinka jacaylka ah. Marka la dhaho aflaamta iyo dhammaan sheekoyinka jacaylka ah, waxaa laga yaabaa inaadan aad ula yaabin doorka ay nolosheena ka ciyaari karaan. Guud ahaan waxaan u maleynaynaa inay yihiin madadaalo oo kaliya, balse taasi waa faham darro aan ka haysano sheekooyinka jacaylka ah. Sheekoyinka jacaylka ahi ma aha kuwa inasiinaya khariirada saxda ah ee jacaylka, taasoo na dhaxalsiineysa inaynan u dhibatoonin oo kaliya jacaylka, balse dhibaatadeennu aysan u dhigmin midda dadka kale. Waan dhibaatoneynaa, waa niyad jabeynaa, waxaan dareemeynaa in inkaar inaga heysato dhanka jacaylka, maxaa yeelay waxaan la kulannay sheekoyin jacayl oo aan sax ahayn. Sheekooyinka jacaylku waxay si weyn mas’uul uga yihiin inay burburiyaan fursadaheenna inaan helno nolol jacayl oo farxad leh. Tusaale aan u soo qaadano mid kamid ah sheekooyinka ugu caansan ee jacaylka loo qoray, sheekada Romeo iyo Juliet oo uu qoray William Shakespeare, sheeko jacayl oo dhex martay wiil 16 jir ah iyo gabar 13 jir ah oo ku dhammaatay is dil labo dhinac ah. Marka aynu la kulano sheekoyin sidaas ah waxaan u malaynaynaa in jacaylka dhabta ahi uu sidaas yahay, balse waxay ila tahay in taasi tahay waali.

Sheekoyinka jacayl ee ku dhisan fikrada romanticsimka waxay ku barayaan waxay tahay, in jacaylku yahay wax sahlan, waxa kaliya ee aad u baahan tahayna ay tahay inaad raadiso qofkaagii saxda ahaa, marka aad heshidna ay wax walba sida aad rabtay noqon doonaan. Balse taasi macquul ma noqon karto, majirto wax la yiraahdo “qofkaagii saxda ahaa.” Qof walboo inaga mid ahi waxaa uu leeyahay meelo uu ku xun yahay iyo meelo uu ku wanaagsan yahay.

Marka ay labo qof meel ku wada kulmayaan, qof walba wuxuu la soo baxaa shakhsiyadiisa ugu wanaagsan. Qof walba wuxuu soo xirta dharkiisa kan ugu qurxan, barfuumka kan ugu qaalisan ayuu soo marsadaa, inagoo gadaal marina shucuurteena iyo dabeecadeena inoo qorsoon, dabeecada marka aynu gurigeena joogno. Dabeecadda aynu kula dhaqano dadka aynu guriga kula noolnahay. Hadii aan ka qarino qofka aan jecelnahay cida aynu nahay shucuur ahaan, hadhow waxay noqoneysaa inuu qofku uu dareemo in qofkan uu yahay qof is bedelay. Uma baahid in lammaanahaaga uu noqdo qof meel walba ku wanaagsan oo dhameystiran. Si kale hadii aan u dhahano, “qofkaagii saxda ahaa” waxaan u baahanahay waxa ay tahay in lammaanahaaga uu si deggan inooga digo meelaha uusan ku wanaagsaneyn si hadhow dhaawac aysan inoogu noqon. Waa inaan dhahno meeshaas ayaan ku xumahay, dabeecadeydu dhankaas ayey ka qalafsantahay, adiga halkee ku xuntahay halkeese ku wanaagsan tahay, markaas waxaad sawir guud ka haysataa qofka aad mustaqbalka la wadaageysid.

Waa waxyaabaha aadan inta badan ku arag sheekoyinka jacaylka iyo lammaanayaasha baraha bulshada. Waxaan inta badan baraha bulshada ku arkeynaa lammaanayaal soo bandhigaya dhinaca wanaagsan ee noloshooda. Wax fikrad kama haysano noloshooda gaarka ah, kaliya waxaan aragnaa dhinacaas iftiimeysa oo kaliya, inagana way inagu adkaaneysaa in nolosheena aynu noloshaas la barbardhigno. Balse waa inaynu marwalba xasuusnaano in waxa aan baraha bulshada ku aragnaa aysan inoo sheegin sheekada labadeeda dhinac. Inagu waa inaynan nolosheena la barbardhigin nolol hal dhinac ah oo aan ogaano in sheeko walba ay labo dhinac leedahay.

Labada qof ee is jecel mararka qaar waxaa jirta caqabad yar oo soo dhex gasha, taasoo sababta inay xal u helin waayeen, kadibna uu xiriirkoodu ama wada noolaanshahoodu uu noqdo mid aan muran iyo qaylo aan ka dhammaaneyn, ugu dambeyna uu ku wajahdo in xiriirkas uu burburo. Waxa ugu weyn ee keenayana waa inaysan garanayn sida saxda ah ee loo xaliyo dhibkaas. Dadka badankood waxay aaminsan yihiin, marka aad qof jeceshahay waa inaad aqrisato qofka kale maskaxdiisa waxa ka dhex guuxaya isagoonan afka kaga sheegin. Tusaale, hadii qofka aad is jeceshihiin uu ka carooday ficil aad samaysay, balse adigu aadan is lahayn ficilkaas ayuu qofkaas ka xuman karaa, waxa laga yaabaa qofkaas inuusan waxba ku sheegin oo kaa aamuso, kaliya uu shucuurtiisa bedelo kuna dareensiiyo inay wax khaldanyihiin. Hadii aad weydiiso waxa qofkaas maskaxdiisa ku jirana lagama yaabo inuu ku sheego, maxaa yeelay wuxuu aaminsan yahay in qasab tahay in qofka aad jeceshahay maskaxdiisa waxa ku jira aad aqrisato, halkaasna waxa ku dhumaya qaybta ugu muhiimsan ee laga helo xiriirka labada qof ka dhexeeyo, oo ah wadahadal iyo wada sheekaysi.

Marka aan leeyahay wadahadal, kama wado-hadal uu xanaaq la socdo, sida in qofka wixii ka khaldan aad u sheegto balse si xanaaq ku jirta aad ugu sheegto. Taasi waxay sii halayneysaa. Waxaan ka wadaa marka aan leeyahay wada hadal, in si deggan aad qofkaas ugu sheegto, “Anigu meeshaas ayaan kaga xumaday mana doonayo inaan si carro leh ku iraahdo, waxaan rabaa inaan si deggan kugu sheego waxaanan doonayaa inaan ka wadahadalno xalna aan u raadino.” Xiriirka labada qof marka la joogo waxa layahay sida ilmo yar oo kale, hadii ilmo aad u yar oo aan sax iyo khalad kala garanayn uu wax haleeyo, kuma qaylaneysid – taas bedelkeed, wixii ayaad isku dayeysaa inaad toosiso. Jacaylkuna waa sidaas oo kale, waxa la doonayaa inaan si deggan oo hoose aan ula hadalno qofka aan jecelnahay, inaan niraahno, “Anigu ilmo yar ayaan ahay marka aan agtaada joogo, haygu qaylinin hana iga aamusin, si deggan waa inaad wax igu sheegtaa.” Hadii wadahadal deggan la wadahelo, labada qofba waa wadadii xiriirkas uu noqon lahaa mid waligiis jirra.

Macnaha jacaylka dhabta ahi wuxuu kusoo ururayaa inay jacaylka dhabta ahi uu yahay kan aad bixiso ee uusan ahayn kan aad heshid. Inaad jacaylka bixisay waa inaad bixisay nafsadaada, shucuurtada, hamigaaga, aqoontaada, waayo-aragnimadaada, iyo wax walboo adiga kugu saabsan. Bixinta qudheeda waa wax aad u cajiibsan, maxaa yeelay waxaad maalgashi ku sameyneysaa qofkaas aad jacaylka siinayso, taas oo dib kugu soo celinaysa inaad heshid mid lamid ah intii aad bixisay.

Abraham Twerski ayaa la weydiiyey waxa jacaylka dhabta ahi uu yahay, wuxuu tusaale u soo qaatay sheekadan. Nin oday ah ayaa u yimid wiil yar oo kalluun cunaya, kadib wuxuu weydiiyey sababta uu kalluunka u cunayo. “Waan jeclahay,” ayuu ku jawaabay. “Waad jeceshahay, sidaas darteed familkiisa ayaad kasoo kaxaysay, waa dishay, waad karsatay kadibna waad cuntay. Ha iishegin inaad kalluunka jeceshahay, isheeg inaad naftaada jeceshahay, maxaa yeelay naftada ayaa ku sheegtay in kalluunka dhadhan wanaagsan yahay, sidaas ayaadna qoyskiisa oga sookaxaysay, u dishay una cuntay.” Inta badan waxa aan ugu yeerno jacayl dhabta ahi waa jacaylka kalluunka. Lamaanayaasha da’da yar marka ay is jecel yihiin, waxa ay raadiyaan oo kaliya qof buuxin kara baahidooda gaarka ah. Qof walba waxa fiirinaya baahiyihiisa, halkii ay si dhab ah ugu jeclaan lahaayeen qof walba waxa uu yahay.

Jacaylku waa qayb lama huraan u ah jiritaanka aadamaha, waa dareen u keeni kara farxad iyo raynrayn aad u ballaadhan nolosheena, laakiin sidoo kale waxay u baahan tahay dulqaad, faham, iyo rabitaan ah in nafsadaada aad qofkan kale siisid. Jacaylka dhabta ahi maahan inaad heshid qofkaaga saxda ah balse aad adigu unoqotid qof kale qofkii saxda ahaa. Hadii aan si adag isku dayno inaan u wajaho wajiyada kala duwan ee jacaylka, waxaan dhisi karnaa xiriir adag oo waara oo kaliya aan kobcinayn nolosheena balse sidoo kale kobcinya nolosha dadka nagu xeeran.

~Kafikir