Doontii Theseus
Sheeko quraafaad yadii giriiga, Theseus waxaa uu ahaa boqor halyeey ah iyo aasaasahii Athens. Waxaa jirtay in boqor la oran jiray Minos (Maynas) uu ku qasbay in dad ka ree Athens, ay soo diraan toddoba gabdhood iyo toddoba wiil oo dhallinyaro qaab ciqaab ahaaan ah sanad kasta, kuwaas oo uu cuni doono Minotaur (Maynatoor) oo ahaa noole leh jir nin iyo madax dibi. Theseus waxaa uu si iskiis ah usoo raacay doonta waday rakaabka dhalinyarada, si uu usoo badbaadiyo oo uu u dilo Minotaur. Theseus waxuu uu ku guulaystay inuu dilo Minotuar waxaa uuna ka xoreeyey dhalinyarada Athens canshuurtii sanadlaha ahayd ee uu kusoo rogay Minos.
Kadib u soo laabashadoodii Athens, doontii ay saarnaayeen Theseus iyo dhalinyaradii waxa uu saforkiidi u noqday mid musiibo ah, oo marwalba waxaa ka xumaanayey qayb kamid ah doonta. Si safarkooda uu u siisocodo, waxay ku qasbanaadeen in marwalba al wax-yaada ay doontu ka samaysan tahay mar-ba qayb labadalo, ilaa ay gaareen heer qayb walba oo alwaxyaadi doonta kamid ahaa lagu badalo qayb kale. Tanina waxay dhalisay su’aal falsafadeed ah, tani ma doontii Theseus baa mise waa dooni gabi ahaan ba cusub, hadii aysan ahayn ilaa waqtigee ayey ka istaagtay inay ahaato doontii Thesues? Ka waran hadii alwaaxayadii hore ee laga badalay la soo uririyo oo doon labaad laga sameeyo. Yaa ah doontii asalka ahayd ee Thesues?
Su’aashani waxay noqotay halxiraale caan ah oo ku saabsan aqoonsiga iyo isbeddelka, iyadoo la eegayo in shey uu sidiisi si ahaanayo hadii dhamaan qaybaha oo ka kooban yahay oo dhan la baddelo waqti kadib.
Dhalanteed-ka Nafta
Tijaabadu ma khusayso oo keliya walxaha maadiga ah sida ‘doomaha’, laakiin waxay sidoo kale khuseysaa noolaha. Maalin dhawayd waxaan helay sawir layga qaaday anigoo yar, sawirka ayaan qaaday kadibna waxaanan hor istaagay muraayad, waxaanan iri, mmhh majirto meel haba yaratee aan isaga egnahay qofkaan, hadii aan laydhihi lahayn waa adiga, waxaan is weydiin lahaa qofka uu yahay shaqsigan aan arkayo. Kaliya waxaa is badalay maaha muqaalka – fikradaheena , dareemadanada, iyo aduun aragayaga xitaa way kala duwan yihiin. Hadii waxwalba aan ku kala duwanahy qofka aan sawirkiisa arkayo, su’aashu waxay tahay anigu kumaan ahay? Si lamid ah se adiga qudhaadu kumaa tahay?
In ta baraha bulshada ku dhex jirtay, waxaa macquul ah in muqaalkan uu mar kaa hor yimaaday, waa yar waydiinaya gabar su’aal ah, ma tahay qofkii aad 2015 ahayd, [muqalka] Inkastoo lagayaabo in adiga ay kuula muuqato su’aal iska caadi ah, aniga waxay iila muuqataa su’aal falsafadeed ay adag tahay in laga jawaabo. Jidhku si joogto ah ayuu dib ugu sameeyaa unugyada, saynisku waxa uu inoo sheegaa in 7 sano oo kasta dhamaan unug-yada jirka bini’aadamka ay gabi ahaanba isu badalana unugyo kale, sida doontii Theseus jirka bini aadamku wuxuu noqdaa mid gabi ahaanba ka duwan qaabkii asalka ahaa, sidaas darteed hadii aadan ahayn qofkii aad 7sano kahor ahayd, kuma ayaad tahay? ma jirtaa wax la yiraahdo shaqsi mise waa khiyaal, jawaabta – Ma garanayo,
Isdiidada Awoowaha
Markii aan arkay sawirka yaraanteyda, maskaxdaydu waxay samaysay muqaal qiso ah oo ku saabsan xiligi tagay, imika oon halkan ku suganahay iyo mustaqbalka oon meel kale ku sugnaan doono kadibna si lamid ah hadda aan dib ujaleec ku samaynayo nolosha hadda taaganta ah oo tagto noqon doonta, balse waa su’aale. Waqtigu ma xariiqin toosan baa. Waayadii hore dadku waxay u malayn jireen in waqtiga yahay xariiqin, oo xiliga la taagan yahay uu bartame u yahay halka waqtigi la soodhaafay u jiho u fidiyo, mustaqbalkana u jiho kale u fididyo. Balse aragtida isu-dhiganta gaarka ah ee Albert Einstein ayaa gabi ahaan-ba badashay fikrada aynu ka haysanay waqtiga. Arigtada Einstein waxay cadayneysaa in waqtigu aanu ahayn wax guud oo uunka ka wada dhaxeeyaa. Waxyaabaha laga dhanbashay aragtidan waxa ka mid ah “Gaabis-gooreedka” Si fudud haddaynu u dhigno, waa in laba qof oo laba meelood kala jooga aanu waqtigu isku si u soo wada marayn, hal dhacdana isku si aanay u wada arkahayn. Sida ay aragtidani qabto, hadii cirmareen uu ku safro 95% xawaaraha ilayska meel masaafo ahaan inoo jirta 9.5 iftiin sanadeed, waxaa dad-ka la socda cirmareen-kaasi la kulmi doonaan gaabis gooreed, oo saacadda midka socodka ku jira ayaa ka gaabineysa saacadda midka dhulka ku nagaanaya. Si kale hadii aan u dhigo, marka rakaabku ay garaan meeshi ay usocdeen da’dooda waxaa ku darsami doonto saddex sano, balse dadka dhulka jooga waxaa ku darsami doonta 10-sano, Waxaan dhihi karnaa waxay dadkaasi ku safreen waqtiga.
Maadama aragtidu ay si fudud u faahfaahineyso sida macquul ku noqon karto u safarka mustaqbalka, hadana ma reebeyso macquul galka u safarka waqtiga gadaale, waa na arin cilmi ahaan ay suuro gal tahay balse waxaa ku gadaaman is-diidooyin ay adag tahay in jawaab saxan loohelo. Aan dhahno tusaale Hitler ayaa ah awoowgaa. Waxaad aqrisay tariikh-da madow ee uu awowgaa dunida ogaa tagay, waxaad-na isweydiisay sidii aad ku xalin lahayd. Waqtigaaga inta ugu badanaa ayaad ku bixisay inaad fahanto waqtiga iyo sida uu u shaqeeyo. Kadibna waxaad xalisay mas’alado badan ee ku gadaaman waqtiga, ugu danbayna waxaad dhistay mashiin ku ogalanaaya inaad waqtiga gadaal u celiso. Waxaad u safartay bartamha sanadki 1900, kadibna si fudud ayaad ku dishay awoowgaa. Hambalyo waxaad badbaadisay nafta malaayiin qofood. balsee.. Su’aal ayaa halkan taagan. Awoowga waxaad dishay ka hor inta aanu aabaha dhalin, sidaa darteed, adigu ma aadan dhalan, mashiinka waqtigana lama dhisin. Marka, yaa dilay awoowgaa? Jawaabta, markale, ma garanayo.
Isdiidada Sorites
Mowduucan ku safarka waqtiga waan ku wareeray, waanan isku laabay. Maxaan u doonayaa inaan jawaab ugu helo shay aanan macquul ahayn ayaan oga baxay, markaygi horeba xisaabta ma aanan jeclayn. Waxaan aaday xeebta-ka si aan madaxa ugu soo degsado, kadib na banaanka hore ee xeebta ayaan iska fariistay . Cabaar markan joogay ayaan waxaan damcay inaan is madadaaliyo, kadibna waxaan go’aan ku gaaray inaan dhiso taalo ciid ah. U kaadi.. taallo ciid ah?, maxaa ka dhigaya “taallo ciid ah” inay tahay taallo ciid ah? aan dhahno tusaale taallada ciida ah een dhisay waxay ka kooban tahay 1,000,000 oo xabo oo ciid ah, ka dib na aan ka saarno hal xabo, wali ma sii ahaaneysaa taallo ciid ah, Haa, OK.. Kawaran sidaan u wado hadii aan ka saaro 999,998 xabo, wali ma sii ahaaneysaa taallo ciid ah. Haday jawaabtu maya tahay, ilaa iyo meeqo xabo ayaan u baahanhy inaan ka saaro si’ay isaga badesho taalo ciid ah? Ma garenysid. Ani xitaa..
Tigidhka Lootariga
Si kastaba..Kawaran hadii aad iibsato tigid bakhtiyaa nasiib ah, tigidhada la iibsanayo waa Halmilyan oo xabo, hal mid oo qura ayaana ku guulaysan doona abaal marin weyn. Fursada ku guleysiga tigid-ka aad ayey u yartahay. Markii la eego fursadaan, waa macquul in la aamino inaynan guulaystaha noqon doonin, fursada aad ku qasaari qarto waa 99.9999%. markey halkaa joogto, waxaa qasab ah in aad aamineyso in in tigid walba oo meesha yaala uu qasaari doono, lakiin waan ognahay in taasi aanay run ahayn. Hal tigidh ayaa hubaal ah inuu guulaysan doono. Waxaan galnay isdiidooyin. Waxaaan rumaysan-nahay in tigidh walba oo meesha yaala uu qasaari doono, haddana waxaan ognahay in mid uu guulaysan doono. Sideen isu qabansiin karnaa?
Tani waxay ku tusaysaa runtu inaanay ahayn shey dhamaystiran, Waxay ku xiran tahay macnaha, aqoonta iyo arigtada aad dunida ka haysato, maxaa yeelay waxa kaliya eed hubin karto ayaa ah, inaaysan jirin wax aad hubin karto.
Waxa kaliya ee aan ogahay waa inaanan waxba ogayn
Faylasuuf-kii Giriiga ee Socrates ayaa waxaa uu yiri oraahda caanka ah ee “Waxa kaliya ee aan ogahay waa inaanan waxba ogayn” . Waxaa uu socrates ula jeedo waa in aysan jirin marnaba wax si dhab ah aam ogaan karno. Waxaan yeelan karnaa arigtiyo iyo fikrado aan aaminsanahy, laakiin marnaba ma ogaan in karno ay hubaal sax yihiin. Oraahdani waxay nagu dhiiragalineysa inaan su’aal-no sheyga ay tahay inaan si dhab u fahano, iyo inaynan sheegan inaan aqoon leenahay eed unuglaato in marwalba wax aad cusub barato.
Isac Newton ayaa su’aal iska weydiiyey sababta tufaax geed ka soo go’ay uu dhulka ugu soodhacay, kadib na waxay u horseeday in uu ikhtiraaco Xeerka Cufisjiidadka oo wax badan ka badashay fiisigiska casriga ah
Inta muqaalka aan ku gudu jiray waxaan marwalba ku celcelinayey oraahda ma garanayo. Taasi waxay marka horeba ka timid su’aalo aan isweydiiyay balse hal jawaab oo qudha ay adag tahay in lasiiyo. Waa is-diidooyin kala duwan oo ila waqti dheer na xujeynayey lakiin ilaa hadda aynan xal u helin. Waana is-ka caadi marar qaar waad helaysa jawaabta, marna waad weynaysaa lakiin tan ugu muhiimsan ayaa ah inaad doonayso in aad balaariso heerka aqoontaada, sidaas darteed, wax is weydii aad wax ogaatidee.