Maxaa random ah?


Hordhac

Dooro lambar random ah oo u dhexeeya 1 ilaa 10.

7? Lagayabaa inaan qaldanahay oo aadan 7 dooran. Balse fursadda dad-ka daawanaya muqaal-kan ay nambarkaas ku dooran karaan, waa saddex meelood hal meel. Maqaal lasoo galiyey barta bulshada reddit ayaa muujinaya, in 8500 oo arday la weydiiyey inay doortaan lambar random ah oo u dhexeeya 1 ilaa 10. Lambarka ugu badan ee la doortay sida aad qiyaaseyso,waa 7.

Dadka badi doorashadooda nambarka 7aad, sababa kala duwan ayaa loo tixgeliyaa. Waxaa ka mid in dadku badi aaminsanyihiin in lambarkaas yahay lambarkooda bakhtiyaa nasiibka. Qaar waxay ku doorayaan aqoontooda ku aadan waxyaalaha kal duwan ee aduunka, sida 7da maalmood ee isbuuca, ama 7da khaaradood ee aduunka, ama 7da midab ee qaanso roobaadka. Waxaa sido kale laga yaabaa in jawaabtu ay kujirto maqaal 1956-kii la daabacay oo uu qoray saykoolojiste George Miller oo lagu magacaabo “The Magical Number Seven, Plus or Minus Two”. Maqaalkan, miller waxa uu sahmiyey xadka awoodda garashada aadanaha, gaar ahaan awoodda aan u leenahay in aan shey ku hayno xasuusteena muddo gaaban gudaheed. Waxa uu ogaaday in dadku si caadi ah u xasuusan karaan 7shay halkii marba. Miller waxa uu ku andacoonayaa in aanay doorashadaas numberka 7aad ahayn wax iska dhacay, ee uu inta badan khuseeyo nolosheenna .

Dhowr daraasado cilmi nafsi ah oo la sameeyey waxay muujinayaan, in dadku si gaar ah ay ugu janjeeraan hal nambar oo gaar ah, gaar ahaan markii la weydiiyo in si aan kala sooc lahayn ay udoortaan. Hab dhaqankan waxa uu ina tusinayaa in dooroshooyinkeena ay saameyso xiriirka inagala dhexeeya waxa aan dooraneyno halkii ay ahaan lahayd tiro ramdom ah.

Tani waxay muujinmeysa in lambar walba ood doorato noocuu doono ha noqdee, ay ku xiran tahay un xiriirka kaala dhexeeya lambarkaas. Waxa sidoo kale ina tuseysaa in aadanuhu uusan ku wanaagsanyn marka ay timaado samaynta tiro random ah. Tasoo dhalineysa su’aasha, majiraan horta wax la yiraahdo random?

Waa maxay Randomness?

Random waa shey aan la saadaalin karin ama aan lahayn qaab toos ah oo uu ku socdo. Markii ladhaho sheygaasi waa random waa in aysan suurtagal ahayn in la ogaado natiijada soo bixi doonta. Tusaale ahaan marka aad shilin kor u tuurto waxaad haysataa suurto gal nimo ah inay kusoo bixi doonaan labo dhinac midkood, xarash ama madax. Tuurasho kastana way ka madax banaan tahay tii ka horeysay. Lakiin dhab ahaantii shilinku ma yahay random. Su’aasha lafteeda ayaa laga yaabaa inay u muuqato mid random ah, balse si kastaba aan ka jawaabno.

Shilunku ma random baa?

Hadii kor utuurto shilin, fursada in uu madax kuusoo baxo waa 50% sax, balse haddii aad og tahay Jihada uu ujeedo shilinka wax yar ka hor inta uusan gacantaada ka bixin, waxaa lagayabaa inaad awoodo inaad sameyso sadaal wanaagsan, sida 58%. Intaa waxaa dheer, Haddii aad ogaato miisaanka, xajmiga, xagasha, booska iyo xawaaraha ay uu oga baxayo shilinku gacantaada, waxaan u isticmaali karnaa xogtaas xeerka fiisigiska, sida cufisjiidka, iska caabinta hawada iyo Isliska si si wanaagsan aad ugu saadaaliso natiijada kusoo bixi doontaa. Sidoo kale hadii aad ogtahay booska atam kasta ee shilinka iyo hawada ku hareeraysan waxaad xitaa abuuri kartaa kombiyuutar kuu saadaalinaya natiijo saxan marwba ood tuurto.

Randomness-ka Kombiyuutarka

Inkastoo oo uu kombiyuutarku awoodo ama uu kaga fiican yahay bini’aadamka soobandhigida tiro random ah ma dhihi karnaa qudhiisa waxa uu soo bandhigo waa random.

Haddii aad Google-ka ku qorto Random Number Generator, waxaad arki doontaa bogag kala duwan oo si sahlan iskugu dayaya inay kusoo bandhigaan lambar random ah.

Marka doorato bedka usareeya iyo kan u hooseeya ee tiro. Wax uu kusoo saari doonaa lambar. Haddii aad ku celceliso 100, 1,000 ama 10,000 oo jeer, ma arki doontid tirooyin isku xigxiga oo si u habeysan. Waxa uu kuu soosaari doonaa tirooyin aan kala sooc lahayn oo random ah. Inkasta oo uu umuuqdo ama magacoodu yahay random, natiijada ay soosarayaan gebi ahaanba maahan random. Kombiyuutaradu waa mashiino caqli badan oo samayn kara oo keliya wixii lagu amro isagoo raacaya tilmaamo gaar ah. Sida laga soo xigtay barnaamij laga siidayey BBC-da sanadka 2011, qaar kamid ah bogaga soo bandhiga lambarada random ah sida kuwa Google oo kale, waxay isticmaalaan hab lagu magacaabo “Middle Squares”.

Haddii aad rabto in laguu soo bandhigo lambar random ah, waxaa laga bilaabayaa tiro lagu magacaabo seed number. Tiradan waxa ay doonto ayey noqon kartaa, mana jirto sabab gaar ah oo lagu dooranayo. Tusaale hadii aad dooneyso in laguu soobandhigo tiro random ah oo ka kooban 4 lamabar seed numberkana uu yahay 1234. Tiradan ayaa la jibaari doonaa kadibna lambarka kusoo bixi doona ayaa 4ta dhexda ku jirta laga qaadanayaa. Sidaas ayaad ku heystaa lambar random ah. Talaabada inta mar eed doonto ayaad ku celineysaa marwalbana waxa kusoo muuqnaya lambar cusub oo random ah. Balse tani gebi ahaanba maahan random. Waa wax lagu magacaabo pseudorandomness. Aragtida xog ama walxo u muuqda inay yihiin rando , ay dhab ahaant yihiiin kuwo hore la go’aamiyey. Haddii aad taqaano lambar seed-ka ah ee laga bilaabay, tirada laga sooqaday bartamaha iyo inta mar ee talaabada lagu celceliyey. Waxaad si buuxda u ogaan kartaa markasta numberka soo bixi doona. Waxyaalahan oodhan waxay inoo horseedayaan inaan isweydiino su’aalo muhiim ah oo ay kamid tahay: Iyadoo ay xadidantahay aqoonta bini’aadamka, sideen ku ogaan karnaa in shey gabi ahaanba yahay random.

Fiisikada Quantum-ka,

Markii la joogo fiisikada kalaasika ah walxuhu waxay u dhaqmaan hab la sadaalin karo sifooyinkoodana si sax ah ayaa loo cabiri karaa. Tusaale ahaan hadii kubad kor u tuurto, waxa uu gaari doonaa halka ugu sareysa kadibna gacantaada ayuu kusoo noqon doonaa. Waadna ogtahay midaas sababtoo ah marar badan ayaa goob joog u ahayd dhacdooyinkan oo kale. Noloshaada oo dhan waxaad isha ku haysay fiisigiska dhacdooyinka maalinlaha ah. Balse markii lajoogo fiisikada quantumka, qurubyada yaryar sida electron-ka, photon ,ka, iyo neutron-ku, waxay u dhaqmaan hab asal ahaan ka duwan fiisigiska kalaasika ah. Hab dhaqankoodana waxaa maamula waa ixtimaal halkii ay ka ahaan lahaayeen shey horay loo go’aamiyey. Tusaale ahaan hadii aad raadraac ku sameyso electron, mid kamid qurubyada ugu yaryar ee ka kooban yahay atamka. Sida kubadda oo kale oo ku socota waddo cad oo la saadaalin karo, electron-ku ma laha waddo go’an oo ku socda. Waxa uu kajiri karaa meelo kala duwan. Si sax ahna looma ogaan karo meesha electron-ku joogo ilaa la cabiro maahane. Tusaale ahaan, Hadii gidaar laba dalool dhexda kaga taala aad ku tuurto elecron u gudbi doona shaashad. Waxaa laga yaabaa inaad filayso in qurub walba uu mari doono hal dalool ama labada duleel ay kala mari doonaan, iyagoo abuuri doono taxanayaal dhibco ah ka iftiimaya shaashadda. Balse xaqiiqdii, hadii aadan cabirin duleelka uu qurub walba maray, waxay u dhaqmi doonaan sida hir oo kale iyagoo abuuraya naqshad sidii in qurub walba uu labada duleelba isku mar wada maray. Run ahaantii qofna si buuxda uma garanayo sababta qurubyadu sidan u dhaqmaan. Hab dhaqankoodu gebi ahaanba waa random. Fiisikada quantum-ku waa halka ugu caansan dunida ee randomness-ku door wayn ka ciyaaro.

Waxaa laga yabaa in mowduucaan wax macno ah kuu samayn wayo, maadaama mowduuc yara kakan uu yahay. Balse ujeedadu waxay tahay dunida caadiga ee ilmo qabatayda ah wax waliba oo dhac wax horay u go’aamiyey dhacdo ka horeysay balse markii Fiisikada quantum-ka la joogo nidaamyada quantum-ku waxay leeyihiin dabeecad dabiici ah oo random ah oo runtii aan la saadaalin karin.

Diidmada Einstein

Fiisigisyahan Albert Einstein wuxuu si cad u diiday fikrada in dhacdooyinka quantum-ku ay asal ahaan yihiin random. Wuxuu rumaysnaa in ay jiraan doorsoome qarsoon ama hab aan la arki karin oo aynan garanyn se leh sabab dhacdo go’aaminey randomnimadaas. Wuxuu yiri oraahda caanka ah ee “Eebe ma ciyaaro laadhuu” oo ula jeedo in koonku leeyahay xeerar iyo nidaam uu ku socdo, xitaa hadii aynan fahamsanayn qaabka ay usocdaan xeerarkaas. Waxa uu u rumeysnaa in fiisikada quantum-ka sidii loo fahmay waagaas, aanay dhammaystirnayn oo ay ka maqan tahay mabaadi’ qoto dheer, oo u yeelaysa dhacdooyinka quantumka sabab ka danbeysa.

Balse fiisigisyahan lagu magacaabo John Bell ayaa sanadkii 1964-kii soo saaray aragti uu ku cadeynayo inaysan jirin doorsoome qarsoon oo sharaxi kara hab dhaqan fiisikada quantumka qaab aynu u fahmi karno.

Gabagabo

Run ahaantii, aadanuhu si buuxda uma fahamsana fiisikada quantum-ka iyo sababta qurubyadu sidaaas ugu dhaqmayaan. Waa mid ka dhigeysa su’aasha in random uu jiro iyo inkale su’aal qoto dheer oo adag. randomness runtii waa mowduuc muhiim ah. Waxaa ina tusinayaa in waxyaabo aan u maleyno inay random yihiin ay dhab ahaantii jirto wax go’aaminaya random nimadaas, lakiin ogaal la’aantaydu ay ka dhigeyso in waxani random yihiin. Iyo sidoo kale hadii hoos loogu sii daadego waxyaabaha ugu yar ee waxwalba ka kooban yihiin, aan arki karno shay random ah sabab uu dhacayana aynan cadayn. Balse dhamaadka, waxaa laga yaabaa inaynan waligeen ogaan xaqiiqda. Lakiin waxaa hubaal ah in su’ashani nagu xujeyneyso inaan si qoto dheer u eegno su’aalaha sayniska iyo falsafadda, oo aan barano su’aalaha qaar oo inaga qaarsan, aysan mararka qaar yeelan karin jawaab sugan oo cad.