Bartamihii sanadka 1942-kii faylasuufkii faransiiska iyo Aljeeriya Albert Camus ayaa waxaa soo saaray buugiisa The Myth of Sisyphus, buugga dhexdiisa waxaa uu kaga hadlayaa mid kamid ah sheeko khuraafaad yadii giriiga, Sysphus ah oo ahaa boqorkii Ephyra – waxaa uu ahaa boqor aad xariif u ah oo waxaa uu sameeyey khiyaanooyin. Labo jeer waxaa uu khiyaameeyey dhimashada marka koowaad waxaa qabtay Thanatos(Thanatoos). Marka labaadna waxaa uu khiyaamay Persephone (barsafanii), oo waxaa ka dhaadhiciyey in nolosha dib loogu celiyo. khiyaanadiisa badan owgeed Sysphus waxaa ciqaab looga dhigay hawl u muuqata mid fudud: Inuu buur ku riixo dhagax weyn ilaa u ka gaarsiinayo halka ugu sareysa, balse dhibataada jirta ayaa waxay ahayd in dhagaxa si sixir ah uu hoos ugu soolaban doono marwalba oo uu sysphus isku dayo inuu dhagaxa gaarsiiyo halka ugu saraysa. Hadii sikale aan u dhahana waxaa lagu imtixaamay howl aan dhamaad lahayn si marar badan uu ugu celceliyo inuu isku dayo inuu dhagaxa gaarsiiyo halka ugu saraysa, waloow aysan taasi macquul ahayn. Wuxuu Albert Camus qoraalkiisa kusoo gababaynayaa mid kamid ah oraahyada ugu caansan falsafadda, “Waa in la qiyaasaa Sisyphus oo faraxsan.”
Balsee.. sidee? Sidee macquul u tahay in qof loodiray shaqo aan ujeed iyo macno toona lahayn sidoo kale-na aan dhamaad lahayn uu u faraxsanaado? Camu waxaa uu aaminsan yahay in hadii xitaa la i noodiro howl macno iyo dhamaad toona aan lahayn, aan faraxsanaan karno inagoo aqbalayna xaaladas sidoo kale na aan yeelan karno awood aan ku dooran karno sida aan oga falcelinayno xaaladas. Sisyphus waxaa lagaliyey xaalad cakiran waxaa uu qasbanaaaday inuu sameeyo wax aan waligeed shaqayn doonin. Inaga hadii nolosheena la xariirino tan Sysphus si lamid ah waxan leenahay dhagaxyo badan oo kasoo daadaga buurta marwalba oon isku dayno inaan korsaarno, Xiliga iskoolka waxaan waqti badan ku bixinaa inaan darajo sare keeno taasoo noobalan qaadaysa mustaqbal wanagsan, kadib waxaan waqti, dadaal iyo qarash badan ku bixinaa jaamacad si lamid ah inoo balan qaadaysa shaqo iyo mustaqbal fiican, kadib-na markaan dhamayno hadii aan nasib leenahay waxaan helaynaa shaqo aan nasiib daro fulineynayn balantii aan intaas usoo dadaaleynay, waxaan ogaaneynaa macno malahan si walbo oon nolosha farxad uga raadino macquul maahan inaan helno. Sida Sisyphus oo kale, waxaan u egnahay in nalagu xukumay in aan ku celcelinno isla hawlo aan macno lahayn. Kadib waxaa lagayabaa inaad is waydiisid, waa maxay ujeedada aan usamaynayo waxani oodhan? Cilmi baaris ayaa waxay muujisay in dadka marka ay wajahaan xaalad rajo la’aan ah, ay noqonayaan kuwo aan waxba qabsan karin markay ogaadaan in waxwalba oo ay sameeyaan aysan beddeli doonin xaaladooda. Waxay badanaa rumaystaan maadama xaaladan aysan waxba hagaagin in xaaladaha lamid-ka ah iyaguna aysan waxba ma hagaagi doonin, waxaa uu qofku ku guul daraysanayaa inuu arko mustaqbal u qalma in lagu noolaado, kadib waxaa laga yabaa qofka uu waqti badan kubixiyo isticmaalka baraha bulshada, ama daawashada Netflix, isagoo ka fooganaya inuu xaaladas dhibta badan ay maskaxdiisu ka fikirto – waxaa Camu arinkan ugu yeerayaa absurd inaan macno uraadino waxa aan qabanayno, caalam waxa dhacaya aynan xakamayn karin. Waxaan diidna inaan aqbalno duruufaha hadda jira inoo raadinayna sharaxaad ku aadan sida ay wax inoogu dhaceen. waxaan sidoo kale farxadeena ku xirnaa waxyaalo maadi ah, marka aan shahaado hebel qaato, Marka aan shaqo noocas ah helo, marka aan guursado, marka aan meel heblo aado, marka aan dhagaxan buurta dusheeda saaro ayaan faraxsanaan doonaa, dhibkasta oon hadda marayana waxay noqon doontaa mid uqalma in dhibkaas loo maro, kadib markii aad gaartid meshi aad rabtid waxaad ogaan doontaa wax iska kaa badalay aysan jirin. waxwalba ood imika haystana aysan ku farxad galin doonin noloshana macno kugusmayn doonin. Waxaan ku dhacnaa rajooyin been ah oo marar badan ku guul darreystay inay ka soo baxaan ballanqaadkooda kadib waxay taasi na dhaxal siindoonta inad niyad jab ka qaadno, oon isweydiino su’aalo jiritaankena ku saabsan, sida maxay taha waxa aan usamaynayo waxani oo dhan hadi aysan isiin doonin qanaaco ama farxad.
Balse Camus wuxuu rumaysnaa in qofku si dhab ah u noolaan karo isagoo aqbalaya runta qallafsan ee nolosha, Aqbalidani waxay naga nafisineysaa cadaabka la noolaanshaha ballamaha aan ruboobin.
Si lamid ah Filasoofka Jarmalka Friedrich Nietzsche, waxaa uu qoray fikrada Amor Fati oo micnaheedu tahay “Jacaylka Qaddarka,” fikirka aragtidaan ayaa ah, inaynan aqbalin oo kaliya waxyaabaha inagu dhaca nolosha gaar ahaan kuwa xun balse aynu oga mahadcelino inay inagu dhaceen maxaa yeelay ayuu leeyahay “wixii aanan kudilin waxay kadhigaan qof adag”.
Safarka nolosha inta badan waxaan la kulanaa caqabado adag, oo u muuqda inaan laga gudbi karin. tilaabo kasto oon ku fuuleyno buur dheer waxay daliil u tahay dhabar adayga aan u leenahay nolosha, mararka qaar-na dhagaxa ayaa inala soo rogmanaya, hadana waxaan helaynaa awood aan markale ku kacno oon dib u riixno, ogow maahan oo kaliya inaan gaarno halka ugu danbaysa balse “Halganka qudhiisa ee isku dayga inaad gaadho meel sare ayaa kufilan inuu buuxiyo qalbiga qofka” sidaas darteed “waa in la qiyaasaa Sisyphus oo faraxsan.”