Waxay ahayd xili galab casarliiq ah, qoraxduna sii dhacayso. Waxaad sidi cadaada ahayd kusocotey jidka udhaxeeya goobtada shaqada iyo xaafadada, waxwalba sicaadi ah ayey usocdeen kahor inta aanay raadiyaha gaarigaaga aysan kasogalin hees, aad yaraantadi maqli jirtey. Maskaxdaadu waxay markiiba dib kugu celisay xusuuso hore, waxaad xasuustey ciyaal nimadaadii, meshii aad kusoo barbaartey, meeshii aad yaraantadi kuciyaari jirtey, waqtigii aad heestas maqli jrtay, Kadib inta dareentay farxad iyo murugo isla hal waqti ah ayaad dhahday, waxaan u xiisay maalmihi hore.
Tani waa nostalgia, dareemista inaad hilow uqabto waayihii hore, waa dareemista inaad xiiso qabto waqtiyo hore oo tagay, waxaad rabitaan uqadeysaa waayihii hore, inaad kunolaato noloshii aad marhore heysan jirtey, waxaa laga yabaa inaad dareento inaad rabto inaad dib ugu noqoto qofkii aad shala ahayd, meeshii aad kunoolan jirtey, dadkii aad lanooljirtey. Waxaad xasuusaneysaa caruur nimadaadi iyadood ogtahay inaysan macquul ahayn inaad dib ugu laabato, jacaylkaagi ugu horeeyey, xitaa hadii iidan waqtigan isla joogin, asxabtadii iskuulka iyadoo aysan macquul ahayn inaad dib u midowdaan markale. Waxay badanaa dhacdaa markaan aragno, maqalno, ama xitaa urino, shay ina xusuusinaya wiyihii hore iyo noloshii aan mar hore haysan jirney,
Tusalaha ugu fiican ee nostalgia waa xiriirka jacaylka, dadku waxay sameystaan xiriir si qofkaasi uu unoqdo qofkii uu nolosha laqaybsan lahaa, lakiin waqti kadib way kala tagayaan iyagoo u arkaya in qofkaasi uusan uqalmin in noloshiisa uu kusiijiro balse mudo kadib markii aad aragto shey aad qofkaas ku xasuusaneyso waxaad dareemeysa inaad uxiistey oo aad rabto inaad dib ugu laabato xitaa adigoo Og qofkaasi uu kudhawacay,
Laakiin su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay, Maxay tahay sababbta qof udareemayo inuu rabo inuu dib ugu laabto waqti hore oo tagay. Waa meeshas meshuu ka’imaaday ereyga Nostalgia. Qarnigii 17aad ardey dhigta cafimadka ooladho Johannes Hofer ayaa keenay ereyga nostalgia isagoo isku geeeyey labo kalmadood oo giriig ah nóstos iyo álgos oo ukala tagaan dib unoqosho iyo xanuun, kadib markuu arkey in askartii Swiss mercenaries aay aad uxanuusan yihiin sababtana aay tahay inay saaid ugu xiiseen guryahahoodii rabaana inay dib ugu laabtaan, Johaness Hofer wuxuu kutilmaamay nostalgia xanuun maskaxda kudhaca. Wixii waqtigaas kadanbeeyey macnaha ereyga nostalgia sidaas ayuu ahaa, lakiin Sanadii 1999 ayuu jiha kale yeeshay, gudaha jaamacada Southampton ee dalka Ingiriiska, Constantine Sedikides ayaa laqadaynayey saxiibkis oo katirsana waaxda cafimadka, Sedikidos wuxuu saxiibkiis usheegay arin uu layabey, Dhowr jeer toddobaadkii, waxaa si lama filaan ah igu dhaca nostalgia, ayuu dhahy, gurigiisii hore ee Jaamacadda North Carolina, xusuusta saaxiibadii hore, ciyaaraha kubbadda koleyga, wuxuu u uxiisey noloshiisii hore, saxiibkiis oo ahaa phychologist ayaa sameeyey baaritan degdeg ah, depression inuu kuhayo ayaa macquul ah ayuu dhahay, maxay tahay sababta qof uu urabayo inu nolol hore dib ugu laabto? balse sedikidos wuu ka diidey in waxani ay depression yihiin, wuxuuna usharxay in wax xanuun ah uusan dareemayn, ”marabo inaan dib ugu laabto nolol hore, ayuu dhahay waxaan rabaa in nolosheyda ay horey usiisocoto balse mararka qaarkood Majoojin karin inaan kafikiro wixii tagey, waxay na ii ahayd mid aan ku raxeysanayo, Nostalgia waxay isiisey dareen lahaansho iyo inaan nolosheyda horey usii wado, Waxay hagaajisay isku-kalsoonida iyo isku xirnaanta nolosheyda waxayna i siisay geesinimo aan hore ugu sii socdo.
Taasina waxay sameysay in isbadal uu kudhaco macnaha nostalgia oo uu dhinac kale oo wanaagsan uu yeesho. Waxaan dhihi karnaa nostalgia waa qaraar macaaan, bilowga waay macaan tahay, waxay noo ogalaaneysaa inaan si kooban dib ugu noolaano waqtiyadii hore ee tagay, inaan dareeno deganaansho markii aan xasuusaneyno noloshii aan shala heysaney iyo sideey waxwalba inooga toosnaayeen, balse marka danbe weey qaraar tahay waxaan ogaaneynaa in aynan gacanta kuheynin waqtigaas aan jamaneyno, marnaba na aysan dib usoolaaban doonin. Waxaan tusaale usoo qaadan karnaa Ebraham Lincoln markii uu booqday 20sano kadib gurigii uu yaraantiisii kusoo koray, waxaa uu dib uxasuustey wiyihii uu meshan kunoolaa wuxuuna qoray ereyadaan ”Gurigii caruur nimadeyda oo aan markale arkayo, waxaana lamuroganayaa daawashadiisa walina maskaxdeyda waxaa kusoo qulqulaya xasuusihii hore, balse sidoo kale waxaan dareemayaa raynrayn”
Sababtu uu sidaas uleeyahay waxay tahay, inkastoo ay murugo galisey in waqtigii quruxda badnaa ee meshaas kusooqaatey aysan dib usoo noqon doonin hadane wuxuu dareemyaa rayrayn io farxad in xasuusahas ay maskaxdiisa dib ugu sooodhacaan,
Dhinaca wanaagsan ee nostalgia waxay kadhigeysaa inad farxad dareento markad xasuusato noloshii ad shala heystay, waxayna kugu dhiiro galineysaa inaad noloshaada horey usii wadato, balse dhinaca xun ee nostalgia waxay kadhigeysaa inaad dareento in noloshada aay shala fiicnayd, shala aad heysatey waxwalba balse maanta aadan waxba gacanta kuheynin, waxa macquul ah inaad naftada ku canaanatid go’aano qaldan oo aad shala qaadatey, in ay masuul kayihiin nolosha aad maanta kujirto, taasna waxay kadhigeysa inaad kudulmeereysto wareegyo xusuusin ah oo ku saabsan wixii tagay kuwaas oo kugu sababaya inaad dareento xanaaq, niyadjab, iyo walwal.
Waxyaabaha aay nostalgia kufiicantahay waxaa kamid ah inay adiga kugu saabsan tahay, oo aysan ahayn shucuur cidkale sababteeda ledahay. Inbadan waxaan dareen shucuur kala duwan oo nooga imaata banaanka, waan murugonaa markay wax sida aan rabno inoogu socon waayaan, Waan niyad jabnaa markey dadku wax aanan kafilaneyn nagu sameyaan, waxaan darenaa carro markey dadku inaga xanaajinayaan, balse nostalgia cid na waxba naguma sameeyo. waxay ka’imataa maskaxdeena, markaan xasuusano nolosheeni hore, saaxiibadeen, qoyskeema, iyo waqtiyada aan la wadaagnay dadki aan jeclayn.
Ma ogin sababta aan udareemeyno nostalgia kaliya waxaan ognahay inaan dareno markaan maqalno hees aan waqti hore dhageysan jirney, ama film aan waqti hore daawanaey, buug aan waqti hore aqriney ama aan aragno sawir aan waqti hore galney markaasna maskaxdena waxay dib ucelineysa xusuuhi hore waxaan dareemana murug sidoo kale kama marna inan farxad na dareemeyno
5 sano oo kasta unug walba oo jirkeena kamid ah wuxuu iskubadalaa unug kale, waxaan marnaa noocyo kala duwan oo waayo aragnimo ah oo laga yaabo inay raad kureebaan xasuustena, Waxaa sidoo kale isbadal Fikrdaheena, dabeecadaheena, iyo dareemadena, taas oo micnaheedu tahay in qofkii aad shan sano kahor ahayd, aadan maanta ahayn, taasoo Nostalgia kadhigeysan wadada looga jawaabi karo su’aasha ”Kumaan ahay” waxaa tahay qofka dib uxasuusanaya dhacdooyin hore oo aad joogto u ahayd, saxiibadaa, meshii kusoobaartey, qofkii aad shala ahayd waxayna kuu ogalaneysaa nostalgia inaad kuxirnaato dhamaan dhacdooyinkas oo dhan,
miyuusiggu ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee kiciya nostalgia, dhageysga hees aad ujeclayd waqti hore ayaa kusiin karta dareenkas farxada leh nostalgia, waqtigaan dadku waxay dareeman nostalgia in kabadan intii hore baraha bulshaada ayaana qayb wayn ka qaadanaya, sida facebookga, instagramka, ama snapchat-ka. Waxaad arkeysaa sawir aad dhowr sano kahor soodhigtey oo uu facebook kuleeyahay dib umucliso, uma ubaahnid waqtigan inaad heysato album ay kukaydsan yihiin sawiro hore si aad udareento nostalgia, kaliya Facebook gaaga ayad dib uraaceysaa. Sidoo kale ciyaaraha ayaa kamid ah waxyaabaha na dareensiya nostalgia, dib u milicsiga markay kooxdaadu ahayd tii ugu awooda badnayd xiligaas iyo guulihi fara badnaa oo ay soo hoyin jirtay ayaa kaa dhigi kara inaad darento nostalgia. – ukaadi, kooxdadu wali ma siidii bay u adagtahay?
Sidoo kale waxaan darenaa nostalgia markaan aragno siduu dalkeenu ahaa shaley, balse maanta uu iskubadaley, maahan oo kaliya hadii uu nabad iyo barwaaqo ahaa, xitaa hadii aad kusoo kortey waqtiyadii dagaalada iyo qaxa waxaad dib udooneysa waayahas.
Maalmaha qaar markaan dareeno inay nooyihiin kuwo xun, waxay nagu sababaan murugo,xanuun iyo caro io sidoo kale inaan kabaqno in waxkasta sidaan urabno aay inoogu dhici waayaan balse nostaliga waxay nagalisaa rajo waxaayna nadareensiisa inaan dhamaanteen leenahay sheekooyin qalbiyadeena kuwadda qoran.