Hordhac
Marka la joogo falsafadda jiraalka, Sisyphus wuxuu ka mid yahay tirooyinka aadka u yar ee lagu garan og yahay falsafadan. Boqor khuraafaad ah oo lagu xukumay inuu waligiis dhagax buur ku riixo, se dib u soo laabanaya mar kasta oo uu u sii dhawaado halka u saraysa. Filasoofka ree Faransa iyo Aljeeriya Albert Camu ayaa u adeegsaday Syphus qormo falsafadeedkiisa “The Myth of Sysphus” si uu u darso xaalada bini’aadamka, gaar ahaan halgankeena hagar la’aanta ah ee aan ku raadinayno ujeedo iyo macno, adduun aan habayaraatee wax macna ah lahayn.
Maxaan uga baahan nahay in aan qiyaasno Sisyphus oo faraxsan?
Sida uu qabo Camu waa inaan qiyaasno Sisyphus oo faraxsan, kuna qanacsan howshan aan ujeedada iyo dhamaadka lahayn ee qoorta loo suray. Balse sidee taasi macquul ku noqon kortaa? Hagaag, waxaa soo baxday in tani tahay jawaabta kaliya ee macquul gal ka ah ee loo heli karo aduun aan macquul ahayn. Sisyphus waxa uu kasoo horjeedaa in noloshiisa uu arko mid bilaa macno ah. Waxa uu aqbalay hawl uu ogyahay inuusan waligii dhamayn doonin. Inkastoo noloshiisu ay u umuuqato mid bilaa macno ah, hadana si dagan ayuu u aqbalay isagoo diidadaya rajo-xumada iyo murugadu inay dhinac u ridato. Marka Sysphus uu dib ugu soo laabto gunta hoose ee buurta si uu dhagaxa markale uriixo, waxaa uu noqday mid masiirkiisu ay gacantiisa ku jirto. Halkii aan kaliya eegi lahayn halgankiisa marka u dhagaxa kor uriixayo, waxaa sidoo kale arki karnaa isagoo hoos u sii socda si markale uu dhagaxa usoo riixo, oo og in halganka qudhiisa ee iskudayga inuu halgaas gaaro ay ugu filantahay in noloshiisa ay macno u yeesho.
Akhristayaasha xiligan casriga ah waxay arkeen in noloshooda la xiririn karo Sysphus, waxay noqotay mid tusaale u ah halgamidda iyo qalafsanaanta ka dhax jirta nolol maalmeedkooda. Subax walba sookac , goobta shaqada u carar, saacado badan ood kombiyuutar hor fadhido kadib gurigaaga aad, Faceebook-ga yara gedgedi ka hor inta aadan seexan. Kadib na berri waa isla sidii manta oo kale. Waxaan u egnahay in sida Sysphus oo kale nalagu xukmay isla howl aan macno iyo ujeed toona lahayn, sidoo kalena aan dhamaad lahayn. Ma intan un baa? ayaan is weydiinaynaa. Sabab? Maxay taha ujeedadeeda oo dhami? Maxaan xataa u noolahay?
Isdilka
Camu waxaa uu qormadiisa The Myth of Sisyphus ku bilaabayaa oraahda ah. “Waxaa jirta hal dhibaato falsafadeed oo dhab ah waana isdilka. Go’aaminta in noloshu ay mudan tahay in la noolaado iyo inkale waxay la mid tahay ka jawaabista su’aasha ugu muhiimsan falsafadda”. Camu waxa uu si cad u diidayaa fikradda in qofka uu naftiisa is dhaafiyo ay noqoto hab lagula tacaalo dhibaatada macno darro ee nolosha. Waxa uu u arkaa in uu qofku ka baxsanayso jahawareerka uu nolosha ka dhaxlo halkii uu xal u heli lahaa. Dhibaatadu waxay tahay marka aad tagto waxaad go’aansatay in micnodaradu ay go’aamiso aayahaaga. Waxaad qiraneysaa in lagaa guulaystay.
Marka laga yimaado isdilka, falcelinta labaad ee qofku kaga hor tago macno darada jiraalka waa inuu miciin bido iimaanka ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo Leap of fath taasoo uu Camu ugu yeerayo ‘Isdil falsafadeed’. Tani waxay dhacdaa marka uu qofku diido inuu qaado culayska abuuriste macne u gaar ah noloshiisa, oo uu u wareejiyo masuuliyada aragti dibadeed oo isaga kabaxsan. Waxay ka dhigantahy inuu qofku naftisa khiyaamayo isagoo u malaynaya inuu ka adkaaday dhibaatda balse xaqiiqda ah inu ka fogaanayo aqbalidda madhaxnimadda nolosha.
Marka uu sidaas leeyahy Camus ulama jeedo oo kaliya aragtida diimaha, balse waxa uu sidoo kale ula jeedaa nidaamyada dowladda, hanti-wadaaga ama xitaa fikradaha qoysaskeena. Meeqo inaga mid ah ayaa u doortay shaqo ama kuliyad jaamacadeed sabab la xariirta waalidkeen ayaa ina faray inaan sidaas samayno?
Aqbalidda Nolosha Absurd-ka ah
Maxaa xal ah marka? Hagaag, Sida uu qabo Camu qofku waxaa uu dooran karaa inuu aqbalo xaalada bilaa nuxurka oo si aan ka aan ka labalabayn lahayn uu u wajahno xaqiiqda qadhaadh ee nolosha. Waa inaan diidno fikradda ah in maalin un aan fahmi doono waxwalba, maalin un noloshu macno inoo samayn doonto, maalin un aan xor noqon doono ugu danbayna aan farxi doono. Waata Camu leeyahay “Sida keliya ee lagula tacaali karo adduun aan xor ahayn waa inaad si buuxda u xorowdo oo xitaa jiritaankaagu noqdo fal jabhadnimo.” Waxa Camu uu ina xasuusinayaa inaan ku noolaano nolosha absurdka ah in alaale inta karaankayaga ah. Ujeedku Maaha inaan u maleyno intaasi inoo wanaagsan tahay, balse aan ogsoonaano in waxa aan u aragno wanaag ay tahay wax uu insaanku sameystay.
Gabagabo
Si lamid ah Sysphus, ujeedku maaha inuu gaadho halka u sareysa ee waa u helitaanka qanaaco howsha lafteeda. Inkastoo howsha Sysphus ee aan macnaha iyo dhamaadka toona lahayn ay u muuqato mid rajo la’aan ah, hadana waxay sidoo kale gudbinaysaa cashar xoog leh oo ku saabsan adkeysiga iyo dulqaadka. Waxay ina tusaysaa awoodda ruuxa bini’aadamka ahi u leeyahay inuu u adkaysto oo uu ka guuleysto caqabadaha ugu adag nolosha. sidaas darteed – markasta ooy noloshu wax macno kuu samayn weyso ood dareento xaalad quus iyo raja la’aan ah – qiyaas Sysphus oo faraxsan.