Hordhac
Buug faneed-ka Stephen King ee 11/22/63, nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Jake ayaa helaya albaab ku yaala maqaayad cunto, kasoo dib ugu celinaya 1958-kii. Kadib dhowr booqasho iyo tijaaboyin oo uu dib ugu laabanayo waqtiga, Jake waxaa uu ogaaday inay suuro gal tahay in waqtiga gadaale wax laga badalo. Macno malahan inta ay le’egtahay joogitaankiisa waqtiga gadaale, 2-daqiiq oo kaliya ayaa gudbeysa waqtiga xaadirka ah. Wuxuu go’aan saday inuu ku noolaado waqtiga gadaale ilaa laga gaarayosanadka1963-kii, si uu uga hortago dilka madaxweynihii maraykanka ee xiligaas John F. Kennedy, isagoo aamisan in isbeddelkani uu wax weyn u tari doono bini’aadamka. Ka dib sannado badan oo uu Jake daba gal ku ahaa Lee Harvey Oswald, shaqsiga ku eedaysana dilka Kennedy, Jake wuxuu ku guuleysanayaa inuu ka ilaaliyo inuu toogto Kennedy.
Kadib usoo laabashadiisa waqtiga xaadirka ah, wuxuu rajeynayey inuu arki doono aduunka oo si wanaagsan isku badalay, balse taas cagsigeed ayaa dhacday. Dhulgariir ayaa meel kasta ka dhacay, gurigiisii hore waa uu dumay, aduunka intiisa badana dagaal nukliyeer ah ayaa baabi’iyay.
Marka laga sootago in buugani yahay sheeko faneed cajiib ah, hadana waxaa uu ina tusayaa sida ficil-yar ood imika sameyso, uu mustaqbal-ka samayn weyn u keeni karo. Waxay tusaale u tahay sida wax walba dunida ay isugu xiran yihiin.
Waa maxay Saamaynta balanbaalista
Tani waa wax lagu magacaabo Saamaynta Balanbaalista ama Butterfly Effect, aragti tilmameysa in dhacdooyinka yaryar ay saameyn ku yeelan karaan nidaamyada adag.
Fikradda markii la qeexayo waxaa inta badan la qiyaasaa in balanbaalis balasheeda ruxday oo joogta Brazil, ay aragti ahaan sababi karto silsilad dhacdooyin ah oo horseedaya duufaan ka dhacda Texas. Inkastoo hal fal sida balanbaalis baalasheeda ruxaysa aysan keeni karin duufaan hadana dhacdooyin-ka yaryar waxay u dhaqmi karaan kiciyayaal badala xaalad bilowgeed.
Fikirka aasaasiga ah ee Saamaynta Balanbaalista
Dunidu xaqiiqdii waa meel aad u balaaran oo hadana ay adagtahay in lafahmo, waxaa laga yaabaa inay mararka qaar u ekaato in go’aanadeena yaryar iyo ficilladeenna, aanay wax saamayn ah ku lahayn qorshaha naga waaweyn. Haddii aad se si hoose u dhuuxdo ficilada yar yar ee noloshaada, waxa laga yaabaa inaad aragto in shay aan macno lahayn sida dhacdo, ay u horseeday isbeddel weyn oo kudhaca noloshaada. Tusaale ahaan waxaa suurtogal ah in goob kafee lagu cabo aad kula kulanto qof ka shaqeeya shirkadii riyadaada ahayd, kasoo sabab u noqda inaad goobtaas u shaqo tagto. Kawaran hadii aad u kafee doonan lahayd maqyaaad kale, ama 5 daqiiqo kadib aad goobta imaan lahayd. Maxaa dhici lahaa? Fikradda in ficilada yar-yar, sida doonashada kafee ay ka dhigto mid ku hoorseeda inaad hesho shaqadii riyadaada ahayd, ayaa la yiraahda Butterfly Effect. Fikradan waxa ay asaas u noqotay laan xisaabta kamid ah oo loo yaqaan Chaos theory, taas oo lagu dabaqay xaalado aan tiro lahayn tan iyo markii la bilaabay.
Maxaan ahayn Saamaynta balanbaalista
Xiligan casriga ah erayga Butterfly Effect wuxuu noqday mid inta badan aan sida saxda ee uu ahaa loo adeegsan. Dadku badi waxay u moodaan in ay la micno tahay in ficilada yar-yar la maamuuli karo, si loo abuuro natiijo weyn, balse micnaha asalka ah waa in waa in ficillada yar-yar ay nidaamyada adag wax saamayn ku yeelan ama ay ku yeelanayso mid aad u weyn oo aan macquul ahayn in la saadaaliyo.
Helitaanka Saamaynta Balanbaalista
Oraahdii ugu horeysay ee la xariirta Saamaynta balanbaalista waxay u muuqdaan inay ka yimaadeen gabay uu Benjamin Franklin ku sharraxayey fikradda ah, in waxyaabaha yaryar ay saameyn weyn ku yeelan karaan natiijooyin waaweyn. Si kastaba, inkastoo fikrado laga yaabo inay soo jirtay qarniyo, haddana erayga Butterfly Effect waxaa markii ugu horaysay ikhtiraacay odorase iyo xisaabyahan lagu magacaabo Edward Lorenz. Lorenz wuxuu raadinayay habab si sax ah loogu saadaaliyo cimilada. Tijaabadu waxa ay ku saabsaneyd tirooyin u taagnaa heerkulka iyo cadaadiska hawada ayaa koombiyuutar la galinayey, si loo saadaaliyo cimilada. Tijaabadan marar badanoo hore ayuu sameeyay se markii danbe ayaa waxa uu go’aansaday inuu tirooyinka koombiyutarka galinayo uu soo gaabiyo, tusalee, halkii uu ka gelin lahaa tiro sida 0.506127, wuxuu galiyey 0.506. Isbaddalkaas aad ka u yar ayaa saadaashii cimilada ee uu koombiyutarka ka eegayey gebi ahaanba badashay.
Lorenz waxuu xaqiiqsaday in nidaamka cimiladu ay aad ugu nugul yihiin xaaladaha bilowga ah. Tani waxay ka dhigan tahay in sbeddel u muuqda mid aan muhiim ahayn, sida soo koobida nambar, uu keeni karaa natiijooyin gebi ahaanba kala duwan. Tani waa sababta saadaasha cimiladu u noqon karto mid aan sax ahayn marwalba oo la isku dayo in mustaqbalka la saaadaaliyo.
Dhacdooyin-ka
Saamaynta Balanbaalistu runti waxay qeexaysaa sida waxyaabaha yaryar ay u yeelan karaan saameyn weyn oo aan la is ka indho tiri karin. Xitaa aqoonsiga jiritaanka aragtidan ayaa samayn weyn ku yeelatay sida saynisyahannada iyo dhaqaalayahanadu u fahmeen adduunka. Aragtidan waxay sidoo kale saamayn balaaran ku leedahay ganacsiyada. Dr. Rajagopal buugiisa The Butterfly Effect in Competitive Markets, wuxuu ku sharaxayaa sida shirkadaha Apple iyo Nestlé ay u wajahaan suuqa tartan-ka, iyagoo samaynaya saamayn yar oo natiijo ahaan keenaysa is-bedel balaaran. ka fikir xaqiiqda ah in Apple inta badan ay ku sameyso casriyeyn yar taleefonadeeda iPhone-ka, lakiin markasta oo ay soo saaran nooc cusub, inta badan si dhaqso ah loo iibsado. Maadama ay ku adag tahay inta badan ganacsiyadu in si sax ah ay u saadilayaan siday natiijadu noqondoonto suuqa tartan-ka, waxaa wanaagsan in diirada la saaro waxyaabaha yaryar ee la xakameyn karo. laga yabaa in ay is badal balaaran keenaane.
Saamaynta balanbaalista waxay sidoo kale muujinaysaa in ficilada shakhsi-ga ay saameyn ku yeelan karaan dadweynaha. Bishii Oktoobar sanadka 1962-kii, xiligii Xiisadda Gantaalada Kuuba, Nikita Khrushchev oo madax ka ahaa Midowga Soofiyeeti ayaa arkay fursad uu ku xoojinayo xiriirka kala dhexeeya Fidel Castro-hii Kuuba, isagoo isku dayey inuu ka dhabeeyo ballanqaadkiisii ahaa inuu Kuuba ka difaaci doono Mareykanka. Bishii May ee sanadkaas, Khrushchev wuxuu bilaabay inuu Kuuba u raro gantaalada ballistic-ga ah iyo farsamoyaqaanno si ay uga shaqeeyaan halkaas. Waxa uu rumaysnaa in Madaxweyne Kennedy uu san awoodin inuu ka falceliyo tallaabada Soofiyeedka. Maalin maalmaha kamid ah inta ay xiisadan socotay ayaa Gujis nooca hubka Nukliyeerka oo Soofiyeetku leeyahay u goojay dhinaca Kuubba. Maraykan-ku waxay ogaadeen howlgalkan Soofiyeet-ku isugu dayayo inuu saldhiga laga soo gano gantaallada ka sameysanayo Kuuba, oo 90 Mayl u jirtaa xeebaha gobolka Florida ee dalka Mareykanka. Maraykan ka isagoo ka biyo diidaya arinkaas ayuu Gujis-kii Sofiyetka lahaa ku qabsay inuu kor u soobaxo, isagoo u isticmaalaya hub nooca loogu talagalay in gujis-yada banaanka loogu soooraado . Kabtanadii Gujis-ku waxay u maleeyeen in dagaal uu socda, cilid isagaarsin ah ayaana jirtay oo u diiday inay xog ka helaan Moscow, waxayna go’aan ku gareen inay jawaab celin sameeyaan oo gantaalada nuclear ka la rido. Kuligood way isku raaceen, markii laga reebo Vasili Arkhipov, si tilaabadda loo qaado na waan is saddex-da kabtan ba isku raacaan. Go’aan kaas yar ee Arkhipov ku diiday inuu batankaas la taabto, waxay horseeday badbaadinta nafta malaayiin qofood iyo in aduunka uu ka dhaco dagaal saddexaad.
Cudur-ka iyo isku xidhanaanta aduunyadda
Aragtida Saamaynta balanbaalistu waxay sidoo kale nabareysaa sida aduunku isugu xiran yahay. Faafitaanta xanuunki Covid 19 tusaale, casharka ugu weyn een ka qaadanay waxaa uu ahaa sida aduunku isugu xiran yahay. Shaqsi China jooga ayaa qufay, waxaanu isu badalay xanuun caalami ah oo aduunki odhan karantiil galiyey. Covid 19 waxyaabaha aan ka baranay oo kale waxay ahayeen sida nidaam-yada waaweyni isugu xiran yihiin, oo hal dhacdo oo qayb ka mid ah ka dhacda sida caafimad-ka, ay u sameynayso nidaamyadda kale sida dhaqaalaha ama deegaan-ka.
Gabagabo
Saamaynta Balanbaalistu waxay ina baraysaa qallafsanaata iyo isku xidhnaanta aduunka inagu xeeran. Waxay na tusinaysaa sida ficillada yaryar ama isbeddelladu ay u yeelan karaan natiijooyin la taaban karo, oo inta badan aan la saadaalin karin. Inkasta oo fikraddani ay asal ahaan ka timid saadaasha hawada, cawaaqibteedu aad buu uga sii dheer yahay intaas. Waxay saameynaysa fahamkeena wax kasta oo ku aadan dhaqaalaha, deegaanka, iyo taariikhda aadanaha.
Saamaynta balanbaalistu waxay gebi ahaanba ku saabsantahay suurtogalnimo. Suurtogalnimadda in hal ficil oo aad u yar sida doonashada koob qaxwo ah uu gabi ahaan ba badali karo noloshaada, ama mid taas lamid ah, kudhufashada muqaal kaa soo hor baxay internet ka guduhiisa, uu badeli karo aragtida aad ka haysto koon-kan. Maxaad sugeysaa marka Subscribe saar.