Roob-ku waa shay kuligeen nala xiriira, marka uu soo da’o, waxaan qaadanaa dalad ama jaakadda roobka si’aan isaga ilaalino, ama waynu qoynaa-ba. Si kastaba, badanaa dhib sidaa u weyn naguma keeno.
Laakiin ka waran haddii uu da’o roob aan kala joogsi lahayn, oo biyuhu ay wadooyinku buux dhaafiyan, heer ay ku gaarsiiyan inaadan banaanka ubixi karin. Waxaad dareemi doontaa xanibaad iyo niyad jab adigoona garanayn goorta uu joogsan doono, sax.
Si lamid ah kawaran marka aad ogaato inaadan iibsan karin gaariga riyadaada ahaa. Waad ku riyoon jirtay inaad mar un aad hantiso gaarigaan, lakiin hadda waxay u muuqataa mid aan macquul ahayn.
Kawaran marka aad ogaato in lacagta aad ku maalgashatay Stock Market-ka uu qiimaheeda si lama filaan ah hoos ugu dhacayo? Sidee dareemi doontaa?
In kasta oo ay jiraan dhammaan arrimahan aafeeyey bulshadeenna maanta, waxaan baran karnaa in aan yeelano aragti kaduwan middaaan ka haysano dhacdooyinka, inagoo badalayna qaab fikirkeena.
Tani waa Stoicsm falsafad giriigi horre, oo ujeedadeedu tahay inay inaga qaado unuglaanshaha khalkhalka ku yimaada dabeecadda, iyadoo inageyneysa meel xasiloon oo aynan dan kayeelan sida ay wax udhacaan. Waa hab aan nafteena ugu xoojino xasilooni maskaxeed oo waarta.
Si kastaba, Sida dhaqan walba oo keenaya bedellida shaqsiyada qofka, stocism waxay ubaahan tahay shaqo iyo huritaan. Shaqada Stoic-gu na waa inaan ogaano waxa aan xakamayn karno iyo waxa aynan xakamayn karin. Waxa kaliya een xakamayn karnana waa falcelintayada ku aadan waxyaabaha inagu dhaca, ee ma aha dhacdada lafteeda. xaqiiqdii waxyaabaha inagu saamayn waan ku yeelan karnaa, laakiin ma jiraan wax si buuxda gacanteena ugu jira. musiibooyinku waa kuwa aan la filayn lagana fogaan karin.
Faylasuufka Stoic-ga ah Zeno of Citium (ceeteeum), ayaa adeegsaday tusaale ah eey lagu xiray gaarigacan, si uu u sharaxo aragtida stoic-ga. wuxuu yiri “markii eey gaarigacan lagu xiro hadii uu doonayo inuu eeygu raaco meesha gaarigu aado marka la riixo, wuu raaci doonaa, tasoo kadhigeysa ficil aanan qasab ahayn lakiin lagama maarmaan ah, se hadii eyga uu raaci waayo waa lagu qasbi doonaa. Aadanahu-na waa sidaas oo kale: xitaa hadii aysan rabin, waxay ku qasban yihiin inay raacaan wixii loo qaddaray.”
Gaari gacanku wuxuu u taagan yahay wax kasta oo ka baxsan awoodeena oo ah dhammaan dhacdooyinka kala duwan ee Caalamka. Xarig ayaa nagu xidhaya Caalamka; waa in meesha inala aado aan uraacno ama inlagu qasbo, sida aad Stoic unoqotid se waa inaad raacdaa meesha gaarigu aado.
Qiyaas adigoo qorsheynayey inaad dalxiis u aado meel xeeb ah, oo sii xiisaynaya rajaynaya in jawiga iyo neecawda xeebta aad sifican usoo qaadato, ay maalmo yar kahor safarkaaga dufaano culus yimaadeen, kuwasoo keenay roobab iyo dabaylo aad u culus, qorshahagii fasaxa-na si lama filaan ah ayuu daaqada oga baxay. Falcelintaada ugu horeeya waxay noqon kartaa mid niyad-jab ah – laakiin sida aad doorato inaad uga falceliso ayaa ah mid gacantaada kujirta.
Waxaad dooraan kartaa inaad aqbasho xaalada, qorshahaagana aad ka saarto ood danahaaga kale qabsato, ama inaad niyada kusii haysto qorshahaas ka dhicisoobay – ood dareento niyad jab iyo welwel fara badan. Hadafka ugu weyn ayaa ah inaan ka hormarino nafteena ku tirsanaanta waxyaalaha banaanka ah oo farxadda inagala tagaya.
Faylasuufyada Stoic-gu waxay u hoggaansameen aragtida compatibilism-ka. Wax kasta oo dhaca sabab ayey leeyihiin, laakiin mararka qaarkood ma xakamayn karno sababtaas- waxaan kaliya xakamayn kartaa tallaabada aan qaadno. Tusaale ahaan waxaad dooran kartaa inaadan cunin doorshe xita hadii aad dareen xoogan u qabtid. Balse xaqiiqda ah inaad leedahay dareeenkas maahan wax aad xakamayn karto, go’aan keena ku aadan inaynan cunin ayaa ah waxa gacantayada kujira,
Tani macnaheedu maaha in aynu leenahay waa in ayna ka shaqayn sidii aan wax uga beddeli lahayn duruufahayaga nagu hareeraysan, balse waa inaynan ku tiirsanaan natiijada soobixi doonta, tusaale hadii aan rabno natiijo ah in gaariga inaga halaysan uu hagaagsamo waxaa lagama maarmaan ah inaan talaabo qaadno oon makaanik uyeernaa, se haduu qofka aad makaanika umaleynaysay uu kugu noqdo qof burcad ah oo gaariga ah kaala carara, maaha inaad naftaada eedaysid, waa mid kabaxsan awoodaada.
Markii layiraahdo ka sheekeynta falsafadda Stoicsm waxay noqoneysa hal shay uu qura, balse kawaran hadii aynu nolosheena ku dabaqno? Markii ay soobaxday waxay ahayd falsafad qofkasta loogu talagalay in uu isticmaalo, laga dadki adoomadda xiligaas ilaa boqoraddi roomaanka. Haddaba maxaynu hadda u isticmaali la’anahy?
Inteena badan waxaynu ku mashquulnaa hanti adduun oo waxaan uqaadanaynaa inay naga farxin doonaan. Waxaan nafteena ku qancineynaa markaan iibsano shay cusub in ugu danbayn aan farxi doono, waxaan niyada ku heynaa in mar un aan iibsano gaari cusub, taleefon cusub, saacad cusub. Marka ogaano inaanaynan heli karin waxyaabahan oodhana, waxaan dareemaynaa niyad jab, sidiiyoo moodo caalamku inuu kasoo horjeedo inaan faraxsanaano, iyadoo aysan jirin runtii wax aan ka badeli karno, ayaa haddana runtu waxay tahay in waxyaalaha maadiga ahi ay keenaan farxad ku meel gaar ah. baabuurku wuu ka burburi doonaa, taleefonkaagu aakhirki wuu ka halaabi donaa, saacaduna si lamid ah way duugoobi doontaa, balse xitaa hadii waxyaalahan oodhami ay sicaadiya ushaqeeyaan wali waxaan dareemi doontaa inaad ubaahan tahay in shayga cusub aad iibsato, taleefonka cusub, gaariga cusub, saacadda cusub, waa meerto aan dhamaanayn. Si’aan oga badbaadno dabinkaas waxaan ubaahanahy inaan la’imaano dabeecad kaduwan mideena wax iibsashada iyo u hogaansanka dopamine-ka maskaxdeenu soodayso markaynu sheey cusub aragno.
Si tan loo sameeyo, waxaad practice garayn kartaa waxa stoics-ku ugu yeeraan raaxo la’aan ikhtiyaari ah. Waa markaad naftaada u diido shay ay raaxo u aragto, Habka ugu badan ee ay dadku adeegsadaan waa inay ku qubaystaan biyo qabow halkii ay qaadan lahayeen mid diiran. Waxaa kale ood samayn kartaa inaad haysato taleefonkaga ilaa iyo inta uu ka noqonayo mid aan la isticmaali karin, halkii aad marwalba kii soobaxa horre aad oga iibsan lahayd. Maxaa yeelay uma baahnid inaad taleefonkaga badasho ee kaliya waxaaad u hogaansantay dopamine-ka ay maskaxdaadu soodaysay. Dabcan ma awoodno inaan dareenkas celino, lakiin waxaan awoodno waa ka falcelintayada ku aadan dareenkas.
Marcus Aurelius, Imbaraadoorkii Rooma wuxuu ahaa faylasuuf Stoic ah. Intii uu xukanka hayey waxuu qoray, bugiisa “Meditations” buugu maahayn mid uu ugu talagalay inuu daabaco oo uu dadweynaha-ga gaarsiiyo ee waxay ahayd qoraal uu naftiisa ula hadlayey inta uu xukan ka adag hayey balse nasiib wanaag maanta gacantaynu ku heynaa. Hadii aad aqriso buugga waxaad dareemi doonta sida Marcus Aurelius uu Stoicism u adeegsaday inta uu xukunka hayey, aan sooqaadano qaar kamid ah oraahyadda uu Marcus Aurelius uu naftiisa kula hadlayo. “Waa inaan maskaxdeena u isticmaalnaa dhamaan dhinacyada nolosha, marka ay si wax naga noqdaan, kuwaasoo markii hore u muuqday inay mudnaayen tixgelin weyn, waa inaan si qotodheer u eegnaa inagoo kaliya fiirineyna dhinacooda xun sidoo kale-na tirtireyna dhinacooda wanaagsan ee u muuqda in la qurxiyey.
Marcus Aurelius wuxuu sidoo kale wax badan ka qoray sida aan ula xiriirno una fahanno dadka. faylasuuf-yadda stoic ah waxay aaminsanyihiin in koonka si caqli kudheehan tahay loo abuuray, dadkuna ay qayb ka yihiin aqligaas, Markaa, macno ma samaynayso inaad nacdo caqliga qof kale ku jira sababtoo ah waa isla caqligii adiga kugu jira.
“Uma caroon karo xigaalkay mana necbaan karro, waxaa si dabiici ah naloogu abuuray si aan isu caawino, sidaa labadda lugood, gacmaha, indhaha iyo safafka sare iyo hoose ee ilakaha. In la iska soo horjeedo waxay lid ku tahay dabeecadda. Cadho kasta ama nacayb kasta waxaa uu kasoo horjeeda wada noolaanshaha dabiiciga ah.”
Waxaa laga yaabaa inaan nafteena u aragno inay tartan kula jirto dadka-kale, inagoo ku dadaalayna inaan natiijo sarre ka keeno iskuulka, ama aan wiiqno dad-ka shaqa wadaagta aynu nahay si aan jago ugu raadino, si kastaba taasi waxay horseedaysa nolal ay kabuuxaam xaasidnimo iyo cunfi.
Haddii aad u aragto qof kasta inuu qayb ka yahay garaadka koonka kajira, isku dayga inaad dadka kale hoos u dhigto waxay noqon kartaa doqonimo. adiga io qofka isku mid baad tihiin, in dadka hoos loodhiga-na waxay lid ku tahay dabeecadda uu ilahay koonkan u abuuray.
“Marar dhif ah ayay dadku isku arkaan inay yihiin kuwo aan faraxsanayn sababtoo ah tixgelin la’aanta fikradaha iyo ujeedooyinka dadka kale. Si kastaba kuwa ku guuldareysta inay si taxadar leh u fiirsadaan fikirradooda gudaha iyo shucuurtooda ayaa hubaal ay tahay inay la kulmaan farxad la’aan.” Tani micnaheedu waa farxaddu waxa ay ku xidhan tahay in aad ka warqabto naftaada iyo dareenkaaga gudaha marka loo eego raadinta fikradaha iyo waxa ay damacsan yihiin dadka kale.
Isku dayga in la baaro dadka waxay caadi ahaan keentaa farxad la’aano. Taas waxaan ulajeedaa Waxaan waqti badan ku luminaa inaan la yaabno sababta dadku ugu dhaqmayaan sida ay u dhaqmaan.
Waxaa laga yabaa inaan taqaan ama aad la kulantay qof aan joojin karin eedaynta iyo xanta dadka kale ee shaqa wadaaga ay yihiin. Had iyo jeer waxay diiradda saaraan waxa ay haystaan dadka ay wada shaqeeyaan umana muuqdaan inay yihiin kuwo faraxsan. Dadkaas oo kale dabcan waxaa u ficnaan lahayd inay maskaxdooda diiradda saaraan, maadama aysan xakamayn karin waxay dadka kale ku fikiraan ama sameeyaan.
Aurelius wuxuu na xasuusinaa inaan marwalba aan diyaar u ahaano in dhagrid ama khiyaano nalagu sameeyo laakiin sidoo kale aaynan u maleyn in qof kastaa uu xun yahay. Aurelius waxaa uu yiri “Markaad ka cadhootid qaladaadka iyo xumaanta dadka, Xusuusnow inay si fudud u raadinayaan waxa ay u arkaan inay tahay maslaxadooda ugu wanaagsan. Haddii aad aaminsan tahay in doorashadoodas aysan run ahaantii dan ugu jirin, markaas, waa fursad aad ku hagi karto oo aad wax ku bari karto halkii aad ka falcelin lahayd xanaaqa.”
Waan khilaafi karna aragtidda dad-ka kale annagoo si hubaal ah u og inaan saxan nahay. Lakiin inaad u carooto iyaga waxay kasii daraysaa xaalada mana badeli doonto hab fikirkooda. Maskaxda waxay ku haystaan waa waxa ay u arkayaan inay tahay dariiqa saxda ah, markaa waa inaynaan si adag u xukumin. Halkii aan ka niyad jabi lahayn, aan xoogga saarno sidii aan wax u bari lahayn.
Fikradan-katimi Marcus Aurelius waxay aad diiradda usaaraysa qilaafka xiligan ka dhexjira bulshadeena. labadda dhinac ee is haysa midwalba waxaa uu si adag u istagayaa aragtidiiisa ah inuu kan kale ka saxan yahay oo inta badan way isku xanaqaan oo ay is caayaan. gaar ahaan baraha bulshada dadku waxay aad isu dayaan in aragtidooda dadkale ay ku qasbaan halkii ay si degen ula iman lahayeen dood dhab ah oo lagu qanci karo.
Waxaa jira wadooyin badan ood dadka ku qancin karto marka ay timaado khilaafka bulshadda dhexdeed lakiin waxad moodaa badanaa dadka baraha bulshadu in aysan lahayn hadaf ay ku qancinayaan dadka kale ee ay doonayaan inay daawasho iyo like badan ay ka helaan dad marka horre-ba ay isku aragtidda ahayeen halkii ay si dhab ah u qancin lahayeen qofkasta.
Hadii aan ula dhaqanno dad-kale inay yihiin dad leh garaadka yaga oo kale, ma aynan dareemi lahayn inay jirto baahi loo qabo inaan ku jeesjeenso iyaga. Taa beddelkeed, waxaan ka caawinn lahayn inay fahmaan dariiqa saxda ah ee ay qaadi laahyn.
Adigoo adeegsanaya dhamaan xeeladaha aan ka soo sheekeenay , stoicism waxay kugu hagi kartaa inaad wajahdo caqabadaha nolosha, adigoo uwajahaya dabeecad ay dadku ku tilmaamaan Stoic.
Run ahaantii Stoicism maahan falsafad inoo tilmaameysa inaan iska dhaafno mas’uuliyadda xaaladaha aan gacanta ku heyno. ee waa ogaanshaha in ay jiraan waxyaabo badan oo awoodeena ka baxsan, kaliya waxaan ku eedayn karnaa nafteena wixii dadaalkagayaga ku saabsan.
Hadii aan eegno dhibaatooyinka ugu weyn ee dunida kajira, xalalkoodu aad ayay uga fog yihiin dadka caadiga ah, Waxa kaliyoon qaban karnaa qeybteena, waxa kaliya een gaari karnaa halka aan kari karno, waxa kaliya een bedeli karnaa waxa gacanteena ku jira.