Waxaad u safraysay magaalo adigoo ka safraya magaalo kale. Waxaad ku socotay safar dhanka badda ah, waxaadna saarnayd doon adigoo horay u soo qaatay dhamaan wixii aad maal lahayd oo dhan. Safarkaagii oo kuu ahaa mid nabdoon dhexna kuu maraya ayaa halmar jawigu is bedelay. Doontii aad saarnayd ayaa quustay, dhamaan xoolahaagii oo dhanna badda ayaa qaaday meeshaas ayeyna ku baaba’een. Daqiiqado kahor waxaad ahayd nin taajir ah oo xoolo badan haysta, balse hadda waxaad tahay qof faqiir ah. Dhacdadaas oo run ah haddii ay kugu dhici lahayd, maxaad samayn lahayd? Sidee u falcelin lahayd? Ma’ooyi lahayd? Ma xanaaqi lahayd? Mise waad murugoon lahayd?
Waayida wax walba waa mid kamid ah waxyaabaha ugu xun ee kusoo mari kara. In lagaa xayuubiyo dhamaan waxyaabahii daruuriga ahaa ee aad heysatay, maalkii aad intaasoo sano usoo tiiryo tacab beeshay, oo kaliya lagu reebo dharka aad xiran tahay iyo waxa jeebkaaga ku jira.
Sheekadan waxay kudhacday nin la yiraahdo Zeno, oo ahaa ganacsade hanti badan oo ku noolaa Giriigii hore. Maalin maalmaha kamid ah wuxuu galay safar u dhaxeeya magaalooyina Finisha iyo Bareeyas. Nasiib darro, doontiisa ayaa quustay, dhamaan xoolihiisii oo dhanna meeshaas ayey ku baaba’een. Dhacdadaas kadib Zeno wuxuu aaday magaalada Athens ee dalka Giriiga. Wuxuu booqday meel buugaagta lagu iibiyo, wuxuuna akhriyey buug la yiraahdo Memorabilia, oo uu qoray faylasuuf la yiraahdo Xenophon, oo ku saabsan sheekooyinkii uu ka qoray faylasuufkii macallinkiisa ahaa Socrates, maadaama Socrates uusan waxba qori jirin. Zeno wuxuu aad ula dhacay buugaas wuxuuna ninkii buugaagta iibinayey weydiiyey meesha uu ka heli karo dad sida Socrates oo kale ah. Ninkii buugaagta iibinayey ayaa waxa uu tilmaamay faylasuuf waqtigaas noolaa oo la oran jiray Crates. Kadib Zeno wuxuu kamid noqday ardeydii Crates, si uu wax uga barto faylasuufyadii waaweynaa ee ku noolaa Athens. Intaas kadib Zeno wuxuu aas aasay falsafad isaga ugaar ah oo uu ugu magac daray Stoicism.
Maanta, xiligan casriga ah, markii la qeexayo ereyga Stoic, waxaa lagu qeexaa qof aysan wax saamayn ah ku yeelanayn xanuunka, raaxada, murugada iyo farxada intaba, yacni qof aysan wax saamayn ah ku reebeynin hadii uu faraxsan yahay oo ku jira maalmihii noloshiisa ugu farxada badnaa iyo hadii uu murugeysan yahay oo ay maalmo xun u tahay labadaba. Taasoo markii laqeexo qofka ka dhigeysa inuu yahay qof bilaa dareen ah. Balse macnaha asalka ah ee stoicism aad ayuu uga fogyahay intaas. Stoicism waxay na baraysaa horumarinta, is-xakameynta iyo dulqaadka, si aan uga gudubno shucuurta wax burburisa. Waxay ku saleysan tahay aaminsanaanta in qofku uu noqdo mufakir cad si uu u fahmo qaacidada nolosha.
Inkastoo aynaan xakameyn karin waxyaabaha inagu dhaca, hadana waxaan xakameyn karnaa sida ay inoo saameyneyso. Halkii aad ka murugoon lahayd ama ka ooyi lahayd hadii dhacdo xun oo aadan filanayn ay kugu dhacdo, Stoicism waxay ku baraysaa ilaalinta xasiloonidaada adigoo dagan oo aysan wax saamayn ah kugu reebeynin dhacadaas.
Tan iyo markii ay soo sareen Zeno iyo saaxiibadii falsafada stoicism, waxay ogaadeen in falsafadani uu ubaahan yahay qofkasta oo aysan wax macno samaynin in ay ku qariyaan afarta darbi ee ay wax ku muraajaceyaan. Kadib waxay noqotey falsafad shaac baxday oo ay ka faa’iidan qofkasta, nolosha darajada uu rabo ha joogo’e. Ha noqdo adoon, siyaasi ama boqor. Stoics-yadii ugu caansanaa aduunka waxaa kamid ah Epictetus oo in badan soo ahaa adoon, Seneca oo ahaa hogamiye caan ah, iyo imbaraadoorkii Roomanka Marcus Aurelius.
Stoicism waxay noqotay falsafad waxtar leh si ka duwan falsafadaha kale. Waa falsafad aan u baahanahay marka aan niyad jabno, marka aan rabno inaan is dhiibno, iyo sidoo kale marka aan quus gaarno oo aan u aragno noloshu si gaar ah inoo carqaladeyneyso. Waxaan ku nool nahay duni ay macquul tahay inay nagu dhacaan waxyaabo aynaan filaneyn, tasoo laga yaabo inay badasho shucuurteena oo saamayn xun ku reebta nolosheena. Marka aan ka murugoono arrin inagu dhacday, Stoics yadu waxay qabaan inaynan ka murugoon arrinkaas inagu dhacay ee aan ka murugoonay filan-waaga in sheygaas inagu dhici karo. Waxyaabaha inaga dhaca labbo ayaa loo kala saaraa, waxyaabo aan xakamayn karno iyo waxyaabo aynaan xakamayn karin. Stoicism waxay ina bareysaa inaan diirada saarno waxyaabaha aan xakamayn karno, inagoonan ka walwalynin waxyaabaha aynaan xakamayn karin. Waxyaabaha badanaa murugada inagu dhaliyana waa waxyaabo aynaan xakamayn karin.
Tusaale aan usoo qaadano roobka, waxaa laga yaabaa inaad banaanka u baxday si howl muhiim ku ahayd aad u soo qabsato, balse roob ayaa dhex kugu helay. Waxaa laga yaabaa in shucuurtaadu isbedesho, ood inta xanaaqdid aad is dhahdo maxay waxan igu dhacayaan? Taas bedelkeed, waa inaan aqbalnaa in roobka iman karo, saacado kadibna ay wax walba caadi kusoo noqon doonaan. Ma xakameyn karno imaanshaha roobka, lakiin waxaan xakamayn karnaa qaabka aan uga falcelineyno. Stoicism waxay ina baraysaa inaan isu diyaarino in wax walba oon wanaagsanayn ee dhici kara ay nagu dhici karaan, sidoo kalena aan sawirranno natiijada ugu xun een ka gaari karno hadii sheygaasi dhaco, kuna aqbalno suurtagalnimada in sheygaas dhici karo.
Ka fikir waxyaabaha banaanka kaga iman kara, sida saaxiibadaa, lamaanahaaga, maalkaaga, inta followers eed Instagram ka heysato. Waxyaabahaas oo dhan dabcan waa waxyaabo nolosheena saamayn ku leh, balse xitaa hadii wax walba sida aad rabtay kugu socdaan, dhinac kale oodan filaneyn ayaa dhici kara. Saaxiibada wey kaa tagi karaan, lamaanahaaga haduu yahay qofka dunida kugu dhow wuu katagi karaa ama wuu dhiman karaa. Maalkaaga iyo dhammaan wax walba ood haysatona waa laga qaadan karaa, dhamaadka wax walbana majirto wax aad samayn karto si aad uga hortagno musiibadas kugu dhacday hadii aadan hadda isku diyaarin in wax walba ay kugu dhici karaan.
Waxaa jirta jimicsi uu Stoicism ku leeyahay oo lagu magacaabo ‘’Raaxo la’aan ikhtiyaari ah.’’ Qofku inuu doorto inuu raaxo la’aan joogo si ikhtiyaari ah. Ujeedkuna waxay tahay si qofku kor ugu qaado ku qanacsanaanta xaalad walba oo uu ku jiro. Waxaa kamid ah, inaad seexato sagxada hoose ee jikada, in dhowr maalmood aad baradho kaliya quudatid, in biyo aad u qaboow ku qubeysatid, waxyaabo sidaas oo kale ah. Waxayna ku tuseysaa, si walba oo ay noloshu u adkaato iyo si walba ood xanuun u dareento waad ku noolaan kartaa heer walba oo nolol ah hadii ay aragtidaadu saxan tahay. Marcus Aurelius wuxuu yiri ”ugu yaraan wax qalab ah uguma baahna nolosha farxada leh qofkii fahamsan jiritaankiisa.”
Waxaa laga yaabaa inaad ku fikireyso haddii aad hesho nolosha tan ugu qaalisan, oo aad ku socoto baabuur qaali ah, seexatidna qasri, aad heli doonto farxad aan dhammaad lahayn. Kasoo horjeedka taasna, haddii aadan helin nolosha aad rabto, aadan waligaa farxi doonin. Waxaan ku nool nahay dun maad ah, waxaa si joogto ah inoogu soo dhacaya xayaysiisyo inoo sheegaya inuu soo baxay qalabkii ugu dambeeyey si aan u iibsanno, taleefoonkii ugu dambeeyey, baabuurkii ugu dambeeyey iwm.
Sidoo kale, waxaan baraha bulshada ku arkeynaa nolosha dadka hodanka ah iyo kuwa caanka ah. Waxaan farxad ka raadinaynaa nolol maad ah. Xitaa haddii aad hesho nolosha ku riyoonayso, marnaba ma joojinaysid sii raadinta nolol ka sii weyn: guriga aad haysato mid ka weyn, taleefanka aad haysato mid casrisan, lacagta aad haysato mid ka badan. Ilaa iyo inta ka dhimanayso waxaad raadineysaa shay ka sii maqan. Stoics ku waxay aaminsan yihiin in marka aynu raadino waxyaalaha aynaan si buuxda u maamulin, inaynu si ikhtiyaari ah u addoonsaneyno nafteena.
Epictetus oo ahaa addoon balse markii dambe noqday xor ayaa yiri, “Qofka xorta ah waa kan naftiisa ka xoreeya rabitaankiisa, haddii kale waa addoon xitaa haddii sayid u yahay dadkiisa.” Markasto oo aad raadiso shay ka maqan, waxaad farxaddaada gacanta u galineysaa waxyaabaha kaa baxsan oo aadan xukumi karin, waxyaabaha aad mar walba qasaari karto.
Guriga aan haysano waa weyn karnaa, baabuurka waa nalaga xadi karaa, lacagta aan haysano oo dhan waan qasaari karnaa. Taa baddalkeed, waa inaan diiradda saarno sida aan u horumarin lahayn shaqsiyadeena, dadkana aan ula dhaqanno si xushmad leh, farxaddeena aan duldhignaa qiimaheena insaanimo inta aan dul dhigi lahayn waxyaabaha aan haysano, kuwaas oo aan markasta weyn karno.
“Dhibaatooyinka qofku waxay inta badan ka yimaadaan damaca waxa uusan heli karin. Xitaa haddii uu helo waxaasna, wuxuu aad ugu murugoon doonaa waayintooda, sidaa darteed kumana raaxeysan doono heysashadooda. Haddii iyaga la’aantooda uusan waxba ahayn, ma istaahilo heysashadooda.” Taas micnaheedu maahan inay nagu dhiirigelineyso inaan waxba qabsan oo aan iska fadhinno. Taas bedelkeed, raadi lacag, hanti, iyo inaad bulshada dhexdeeda meqaam ku lahaato, balse haka dhiganin ujeeddadaada ugu weyn. Seneca waxa uu yiri, “Kuma jirto kartida insaanku inuu helo waxa uu rabo, balse waxa uu awood u leeyahay inaanu rabin waxa aanu heli karin, iyo inuu farxadda ugu badan ka helo waxyaabaha yar yar ee uu haysto.”
Noloshu mar walba ma fududa; marar qaar xaalado adag oo aynan xaamili karin ayaa inagu dhacaya, taasoo ka baxsan awooddeena oo aynan waxba ka qaban karin. Laga yaabaa dhacdadaas inay beddesho shucuurteena, oo ay nagu reebto xanuun, niyad jab, iyo walwal. Waxaa laga yaabaa inaad weydo qofka dadka kuugu dhawaa, aad xanuunsato, ganacsi uu kaa khasaaro, ama shaqadaadii aad weydo. Dhacdooyinkan oo dhan qof kasta oo inaga mid ah ayey ku dhici karaan. Stoics-kuna waxay leeyihiin haddii dhacdo xun ay kugu dhacdo, maahan inay dhacdadu xun tahay, ee adiga tahay u dooratay. Balse, haddii aan si hufan u firiino oo aan isku dayno inaan wax ka baranno, waxay noo noqon doontaa waayo aragnimo faa’iido inoo leh mustaqbalka.
Markuu Nero amray in macallinkiisa Seneca uu is-dilo, Seneca ma uusan cabsan, mana uusan muujin wax daciifnimo ah. Wuxuu galay musqusha, wuxuuna iska jaray xididdada si uu isu dilo. Xaaskiisa Paulina iyo gabadhiisa way ooyeen oo way argagaxeen, maradiisa ayey ku dhageen. Kadib inta uu dhoolla caddeeyey ayuu yiri, “Maxay tahay faa’iidada ku jirta in la ooyo qayb nolosha kamid ah marka nolosha dhan ay u baahan tahay ilmo?”
Marcus Aurelius wuxuu ahaa mid kamid ah imbaraadooradii ugu fiicnaa Rooma. Wuxuu ku noolaa nolol adag xilligii uu xukun hayey; wuxuu laba dagaal ku qaaday qabiiladii Jarmalka ee waqooyiga, wuxuuna sidoo kale aad uga murugooday dhimashada wiilashiisa. Balse, marna ma uusan muujin wax daciifnimo ah. Wuxuu qoray mid kamid ah buugaagta ugu waaweyn falsafadda, “Meditations,” oo ilaa maanta kamid ah buugaagta loogu iibsiga badan yahay caalamka. Waxaa xusid mudan in madaxweynihii South Africa, Nelson Mandela, inta uu ku jiray xabsiga uu akhriyay buugaagta Marcus Aurelius, wuxuuna bartay qaar badan oo ka mid ah qiyamka aasaasiga ah ee Stoicism. 27 sano oo uu xabsiga ku jiray kadib, wuxuu noqday madaxweynihii South Africa. Intaas kadib, dad badan ayaa u maleynayey inuu ciqaabi doono dhammaan dadkii ku lug lahaa xarigiisa. Taas bedelkeed, Mandela wuxuu ku booriyey dadkiisa inay raadiyaan nabad iyo dib-u-heshiisiin. Wuxuu ku carabaabay in wax kasta oo lasoo dhaafay ay ahaayeen wax ka baxsan awoodooda, waxa kaliya ee ay hadda qaban karaanna ay tahay in la helo wadadii hor-u-socod loo sameyn lahaa loona dhisi lahaa qaran wanaagsan.
Stoicism waxay naga caawineysaa inaan ka gudubno masiibooyinka hadda jira iyo kuwa soo socda, oo aan u gudubno nolol wanaagsan oo xitaa haddii doonteenna quusto oo dhamaan xoolaha naga baaba’aan, aan ku kalsoonaano in wax kasta oo dhacay ay ahaayeen wax ka baxsan awooddeena, kuna qanacsanno xaalad kasta oo aynu ku jirno, xitaa haddii aysan ahayn middii aan qorsheysanay.
~Kafikir