Franz Kafka waxaa si weyn loogu aqoonsan yahay mid ka mid ah qoraayada ugu waaweyn taariikhda dhow. Waxaa uu caan ku yahay qaab qoraaleed gaar ah oo xambaarsan jawiyo jahwareer iyo murugo badan.
Si loo qeexo qaab qoraaleedkiisa gaarka ah, waxaa loo sameeyay eray bixin u gaar ah oo la dhaho Kafkaesque. Si si fiican aan ugu fahano tayada qoraaladiisa, waxaa lagama maarmaan ah in aan dib u eegno noloshiisii hore.
Kafka waxa uu sannadkii 1883-kii ku dhashay Prague (Paraag), caasimadda Boqortooyadii Bohemia, maantana ah caasimadda waddanka Czech Republic. Waxaa uu ka dhashay qoys Jarmal ah oo dhaqaale ahaan dabaqadda dhexe ah. Hooyadii waxa la oran jiray Julie (Juuli), aabihiis-na waxaa la oran jiray Hermann. Hermann wuxuu ahaa ganacsade weyn, waana shaqsi raad weyn ku leh qoraallada Kafka.
Aabihii Kafka waxa uu ahaa shaqsi aad u qalafsan, ad-adag, oo awood badan. Taasi waxay Kafka, oo ahaa shaqsi dabeecad ahaan aad u miskiin ah, ka dhigtay mid ku adkaata inuu cayrsado riyadiisa ah inuu noqdo qoraa.
Aabihii wuxuu doonayey inuu Kafka noqdo ganacsade sidiisa oo kale, taasina waxay caqabad ku noqotay inuu Kafka ku adkaysto cayrsashada riyadiisa, maadaama uu cabsi ka qabay aabihiis.
Mid ka mid ah qoraallada uu ku muujinayo Kafka cabsida uu ka qabo shaqsiyadda qalafsan ee aabihiis waa warqad qoraal uu u qoray aabihiis, balse nasiib darro ay ku adkaatay inuu gaarsiiyo. Wuxuuna ku leeyahay:
“Aabahayga qaaliga ahow, waxaad dhawaan i waydiisay sababta aan kaga cabsanayo adiga. Sida caadiga ah, waan awoodi waayey inaan jawaab ka siiyo su’aashada, qayb ahaan sababta oo ah adiga ayaan ka baqanayaa, iyo qayb ahaan sababta oo ah sharraxadda sababaha cabsidaydan waxay u baahnaan doontaa inaan si faahfaahsan u galo in ka badan inta aan xitaa maskaxda ku hayn karo markaan hadlayo. Haddana, hadaan isku dayo inaan jawaab qoraal ah ku siiyo, weli waxay ahaanaysaa mid aan dhammaystirnayn.”
Si kastaba, inta uu dhalinyaranimada ku jiray ayuu Kafka isku arkay rabitaan ah inuu wax qoro, si uu ula tacaalo dareenka walaaca iyo isnacaybka naftiisa ee ku sii kordhaya. Balse aabihiis wuxuu qasbay inuu cayrsado profession ka duwan qoraanimada.
Kafka wuxuu jaamacadda u aaday kulliyadda shareecada. Xilligii uu jaamacadda dhiganayey, wuxuu sii waday qoraaladiisa, waxayna xilligaas isbarteen saaxiibkiis Max Brod oo ah qoraa kale, oo markii danbe ku qanciyey Kafka inuu daabaco saddexdiisa buug ee ugu horreysay. Balse nasiib darro, wax sidaa u badan lagama iibsan buugaagtan.
Jaamacadda kadib, Kafka wuxuu ka shaqo bilaabay shirkad ka shaqaysa caymiska.
Shaqadu waxay ahayd mid dhib badan oo adag. Wuxuu geli jirey 8-da subaxnimo ilaa 6-da galabnimo, taasoo ka dhigtay in ay Kafka ku adkaato inuu waqti u helo qoraaladiisa. Kumana uusan faraxsanayn shaqadaas dhibka badan, laakiin ma uusan lahayn doorasho kale oo aan ahayn inuu shaqeeyo.
Se wuxuu aad ugu dadaali jirey inuu habeenkii xilli danbe wax qoro. Mar uu ka sheekaynayey sida saa’idka ah ee uu doonayo inuu wax qoro, ayuu yiri:
“Noloshaydu waxay ka kooban tahay, waligeedna ka koobnayd isku dayo qoraal oo aan badankood guulaysan. Laakiin marka aanan waxba qorin, waxaan dul jiifsadaa sagxada hoose ee dhulka, tamartayduna waxay had iyo jeer tahay mid aad u daciif ah.”
Kafka wuxuu mar walba shaqada ku dareemi jiray inuu gudanayo waajibaadka bannaanka, laakin uusan gudanayn waajibaadkiisa gudaha. Gudasho la’aanta waajibaadkaasna waxay ku sababtay inuu ku dareemo silic faro badan. Mar ayuu qoray:
“Qof kasta oo naga mid ahi wuxuu leeyahay hab u gaar ah oo uu kaga soo baxo dhulka hoostiisa, aniga taydu waa qoraalka. Haddii ay ahaan lahayd wadada kaliya ee horay ugu sii socon karo, waa qoraalka—ma aha nasiino iyo hurdo.”
Isagoo dhinac ka wada shaqadaas dhibka badan, Franz Kafka wuxuu sidoo kale dhinac kale ka waday qoraaladiisa. Xilligii uu shaqadaas ka shaqaynayey wuxuu qoray saddex buug oo ka mid ah kuwiisa ugu caansan xilligan, oo ay ka mid yihiin The Trial, The Castle, iyo America.
Waqtigaas iskuma uusan dayin inuu daabaco hal mid oo ka mid ah buugaagtan. Xitaa qaarkood wuxuu kaga tagay iyagoon dhamaystirnayn, maadaama uu aaminsanaa in qoraaladiisa oo dhami aysan wax qiimo ah lahayn.
1924-kii, isagoo jira da’da 41 sano, ayuu u geeriyooday xanuun ku dhaca sanbabada oo la dhaho tuberculosis. Kafka inta uu noolaa wax guul ah ma uusan xaqiijin. Wuxuu dhintay isagoo aaminsan in qoraaladiisa oo dhan ay bilaa qiimo yihiin.
Xilligii dhimashadiisa ayuu saaxiibkiis Brod kala dardaarmay inuu gubo dhammaan qoraaladiisii aan la daabicin. Balse Brod ma uusan raacin dardaarankaas. Taas beddelkeed, wuxuu bilaabay inuu ururiyo, isu geeyo, kadibna uu daabaco qoraalada Kafka.
Sanado kadib, shaqsiyadda iyo qoraallada gaarka ah ee Kafka ayaa aad u soo jiitay caalamka. Waxaa loo magacaabay mid ka mid ah qoraayaashii iyo mufakiriintii ugu waaweynaa qarnigii 20aad.
Inkastoo intii uu noolaa uusan helin mudnaantii uu mudnaa, oo noloshiisa inteeda badan ay u dhexaysay qoraayo aan la daabicin, go’aannada aabihiis, iyo shaqo uu necbaa oo dhib badan, haddana markuu dhintay ayuu helay inuu noqdo hal-abuuradii iyo qoraayaashii ugu waaweynaa xilligaas.
Qiyaas meeqo qof ayaa dunidan soo maray oo doonayey inay noqdaan qofka ay nolosha ka rabaan, ama ay mar un doonayeen inay aragtidooda dunida beddelaan. Si kale haddii aan u dhigo, meeqo Kafka oo kale ayaa jiray balse uusan waqtigu saacidin? Immisa Kafka oo kale ah ayaa noolaa oo dhintay iyagoon waligood adduunka la hadlin? Immisa qof ayaan wax fikrad ah ka haysan cidda ay noqon doonaan marka ay dhintaan?
Qoraallada Franz Kafka waxaa loo sameeyay aragti gaar ah oo lagu magacaabo Kafkaesque, waxaana loo isticmaalaa in lagu qeexo dabeecadda maamul ee capitalism-ka, garsoorka, iyo nidaamyada dowladda. Mid ka mid ah qoraallada Kafka ee ku tilmaamaya nidaamyadan qalafsan waa qoraalkiisa The Trial.
The Trial waa sheeko fiction ah oo uu kaga hadlayo shaqsi uu ugu magac daray Joseph K., oo subax subaxyada ka mid ah ku soo kacay isagoo ay raadinayaan labo nin oo askar ah, oo doonaya inay xabsiga u taxaabaan. Joseph K. wax fikrad ah kama haysto sababta loo xirayo, lamana ogaysiin dambiga uu galay. Sidoo kale, akhristahana looma sheegin dambi uu galay.
Maxkamadaynta Joseph K. waxay ahayd mid caddaalad darro iyo musuqmaasuq badan. Inkastoo aan loo sheegin sababta loo xiray, haddana waxay u muuqatay in loo xiray dambi uusan galin.
Mid kale oo ka mid ah sheekooyinkiisa caanka ah ee Franz Kafka waa Metamorphosis. Waxay ku bilaabanaysaa shaqsi uu ugu magac daray Gregor Samsa. Subax ayuu hurdo kasoo toosay isagoo isu beddelay cayayaan aan noociisa la qeexin. Wuxuu u moodayey bilowgii inuu riyoonayo, wuxuuna damcay inuu hurdada ku laabto, laakin wuxuu xaqiiqsaday inaysan riyo ahayn.
Caqabadda ugu weyn ee uu Gregor la kulmay waxay ahayd, inuu ka kaco sariirta si uu shaqada u aado. Hooyadii ayaa albaabka ku soo garaacday. Wuxuu isku dayey inuu hadlo, laakin hadalkiisa wuxuu u muuqday mid aan la fahmi karin.
Qoyskiisu waxay ka shakiyeen inuu xanuunsan yahay, waxayna ka baryeen inuu albaabka furo. Dadaal dheer kadib, Gregor ayaa dhulka isu soo jiiday kuna guuleystay inuu albaabka furo. Wuxuu aaday meesha shaqada, kadib maamulihiisa ayuu u sharaxay in Gregor is beddelay. Maamulihii wuu argagaxay wuuna ka cararay. Qoyskiisa sidoo kale way argagaxeen, waxayna ku soo xireen qolkiisa.
Waakanaa Gregor oo murugaysan oo qolkiisa cidla ku ah. Sidii hore ee uu noolaan jiray uma noolanayo, ma cuni doono cuntadii nadiifka ahayd ee uu cuni jiray. Qoyskiisa, gacantiisa ku noolaa oo uu u shaqayn jiray, waxay ku xireen qol.
Laakiin waxyaabaha layaabka leh waxay tahay, cayayaan isku dayaya inuu sidii bini-aadamka oo kale u noolaado. Wuxuu rabaa inuu is-waafajiyo shucuurtiisa bini-aadminimo iyo jirkiisan cusub ee cayayaanka ah. Qoyskiisu waxay ku doodayaan in xasharaadkan uu Gregor yahay iyo in kale. Isna wuxuu leeyahay: “Ma idin fahamsiin karo waxa gudahayga ka dhacaya, aniga xitaa isma qeexi karo.” Kadibna wuu dhimanayaa isagoo ka xun in sidaas loola dhaqmay.
Marka la fiiriyo dhammaan qoraallada Kafka waxaad dareemaysaa in kuligood ay hal meel ka wada siman yihiin, waana u halgamida jilaayaashu inay ka guul gaaraan hadafyadooda. Tusaale, labada sheeko ee aan soo sheegnay—labada qof Gregor iyo Joseph K.—waxaa ku dhacay xaalad lama filaan ah. Mid waxaa isku beddelay cayayaan, kan kalena waxaa loo xiray dambi uusan galin.
Labadoodaba hadafyadooda way u halgamayaan. Inkastoo ay u muuqato mid aan macquul ahayn inay hadafyadaas gaaraan, haddana way isku dayayaan. Si walba oo ay iskugu dayaan inay caqli geliyaan aragtidooda, haddana ugu dambayn way ku guuldaraystaan.
Kafka, maadaama noloshiisa oo dhan uu ku dhamaystay murugo, aabihiina uu ahaa shaqsi naxariis daran, sidoo kale uu dareemi jiray inuu ku xayirnaa nidaamyo dowladeed iyo shaqo dhib badan, haddana qoraalladiisa iyo qisadiisaba waxay noqotay mid qof walba oo akhristaa ka caawisay inay dareemaan inaysan kali ku ahayn wax walba oo ay nolosha kula halgamayaan.
Wayna fududahay dunida maanta aynu ku nool nahay inaan ku aragno nidaamyada uu Kafka ka sheekaynayo. Waxaan si joogta ah ugu tiirsanahay nidaamyo dawladdeed oo cawaaqib xumo dhinac kasta ku leh nolosheena. Waxaan ku nool nahay amaro iyo nidaam ay soo dajiyeen dad xitaa aynaan si dhab ah u arki karin.
Balse Kafka waxa uu ina xasuusinayaa in nolosha dhabta ah, oo ah inaan ku noolaano, ay tahay mid aynu samaysano oo kaliya. Toos ayaan awood buuxda u leenahay inaan wax badan ka beddelno.