Hordhac
Hadii aan shaqsi maal qabeen ah aan wax kasoo xado si qof miskiin ah aan ugu quudiyo, taasi ma wax wanaagsan baa mise waa wax xun? Hadii aan gaari in kabadan xaawaraha loogu tala galay ku kaxeeyo si ilmo yar oo xanuusanaya aan isbitaal ula gaaro, taasi ma wax wanaagsan baa, mise waa wax xun? Maxaa xun maxaa’se wanaagsan? Hadii aan si kale udhigana, waa maxay Anshax?
Waa maxay anshax?
Anshax ama Morality waxa afka qalaad lagu yiraahdo, waa waxa ay bulshadu u aragto in ay haboon tahay lana aqbali karro. Waa fikraddo, dhaqamo iyo ficilo ay kooxi dagsatay kuna qanacsan yihiin in qofwalba oo kooxda kamid ah uu raaco si dhammaantood ay nabad ugu wada noolaadaan.
Marka sidaas loo qeexo anshaxu waxaa uu ekaanayaa sharciga. Si kastaba, inkastoo anshaxu uu saamayn ku leeyahay sharciga, haddana iskumid maahan.
Xatooyaddu waa sharci darro ama taajir wax ka xad ama miskiin’e, xatooyaddu waa danbi. Si kastaba, dad badan ayaa u arka in mid anshax ah in xabad rooti ah ay soo xadaan, si qof derbi jiif ah oo gaajo udhimanaya loogu bedbaadiyo.
U kaxaynta in kabadan xaawaraha loogu talagalay gaari waa danbi, balse marka aad u cararayso isbitaal si cunug yar oo xanuunasanaya aad naftiisa ad u badbaadiso, waxaa loo arka inay tahay mid ka mid ah waxyaabaha ugu wanaagsan eed samayn karto.
Xadgudub ku waa sharci daro, laakiin marka roob aad u culus kugu helo meel banaan ah, inaad ka ga hoos gabato saqafka hore ee guri dad-kale adigoonan fasax ka haysan, kaama dhigi doonto qof xad-gudbay.
Dhinaca kale waxaa jira waxyaabo sharciga markii lajoogo aanan sharci darro ahayn lakiin loo arko inay tahay waxyaabo anshax daro ah. Qishka imtixaanku waa dembi, laakiin khiyaanada lammaanaha sharciyan danbi maaha. Si kastaba, labadoodaba waxay u badan tahay in loo tixgeliyo inay yihiin kuwo aan shax ahayn.
Ballanta oo la jebiyaa waa mid ka mid ah waxyaabaha an ashax-darrada ah eed samayn karto, lakiin markii sharciga lajoogo sharci daro maaha inaad qof balan oga baxdaa ilaa heshiisyo qoran uu idin dhexyaalo maahee.
Inkasta oo sharciga iyo anshaxu ay kala duwan yihiin, waxyaabo baddan ayey haddana ka siman yihiin, labadooduba waxay aasaas u yihiin in dadku ay is xushmeeyaan si nabad loogu wada noolaado. Mid wuu qoran yahay, kan kale waa mid qofna aysan ahayn in farta loogu fiiqo ama loo tilmaamo.
Anshaxu ma mid shaqsiyadeed-baa mise waa mid uunka kawada dhaxeeya?
Marka bani-aadmigu horumaro oo uu wax cusub barto, anshaxunu inta badan wuu isbedelaa. waqtiga, waayo-aragnimada iyo waxyaabaha ay dadku aaminsan-yihin ayaa inta badan bedela. Dhowrsano kahor waxyaabaha sida dumarka oo qeyb ka noqda doorarka bulshada, furiinka iyo isticmaalka daroogadda, waxay ahaayeen waxyabo bulshooyinka badankood ay u arkayeen anshax-darro. Lakiin maanta dad badan ay aqbalay in arimahaas oo dhan ay yihiin kuwo anshax ah.
Waxaan baranay inaan dadka ku xushmayno waxa ay aaminsan yihiin iyo cidda ay doorbidi lahayeen inay noqdaan. Inkastoo dadkoo dhan aanay isku raacin arinkaan ama-ba xitaa aysan iyagu raali kawada ahayn, haddane waxwalba waxay u muuqdaan in si tartiib ah dhinaca kale isku rogayaan. Hadda waxaa loo arkaa mid anshaxa kabaxsan inaad qof ku dhaleecaysid inuu doorto inuu ku noolaado nolol gaar ah.
Si kastaba, waxaa jirta dood lid ku ah anshaxa noocaan ah oo lagu magacaabo objective morality. Dadka ku dooda aragtidan waxay qabaan in anshaxu aanu ahaan karin mid shaqsiyadeed ama subjective ah, maxaa yeelay hadii uu noqdo qofkasta waxa uu si iskaas u samaysanayaa anshax u gaar ah, hadii taasi ay dhacdana, ma dhihi karno waxaas ayey ku qaldan yihiin ama waxaas ayey ku saxan yihiin.
Inkastoo arinkani sax yahay, hadana dad ayaa ka dooda in anshaxu sidoo kalena uusan ahaan karin mid objective ah ama uunka kawada dhaxeeya, maxaa yeelay hadii uu noqdo, waxaa loo baahan yahay in dhaqan walba ay si weyn isaga mid noqdaan waxa loo arko inay saxanyihiin lana aqbali karo, iyo sidoo kale ficilada loo arko inay khaldan yihiin. balse macquul maahan in la helo anshax ay dhamaan dhaqamada dunida oo dhan isu raacsan yihiin.
Kasoo qaad tusaale gudniinta fircooniga ah. Dhaqamada qaar gaar ahaan qeybo kamid ah Afrika, Bariga dhexe iyo Aasiya, gudniinka fircooniga waxaa loo arka inuu anshax yahay. Lakiin inta badan dunida galbeedka waxaa gudniinka fircooniga loo arkaa xad-gudub ba’an oo ka dhan xuquuqda aadanaha waxaana loo aqoonsaday mid aan anshax ahayn. Si lamid ah Adoonsiga, xadaaradihii qadiimiga ahaa ee Giriiga iyo Rooma adoonsiga waxaa loo tixgelin jiray inuu yahay mid anshax ah oo la aqbali karo, Balse maanta inta badan dhaqamada adduunka waxay u arkaan adoonsiga mid anshax daro ah, waana mamnuuc marki loo eego sharciga caalamiga ah. Sidaas darteed, hadii ficilo loo arki jiray kuwa anshax ah maanta loo tixgeliyo kuwa aan anshax ahayn, ama ficilo dhaqamo gaar ah caalamku qayb ay u arkaan inay anshax tahay qayb kalana an shax daro, su’aasha sideen ku dhihi karnaa anshaxu waa Objecive ayaa noqoneysa mid meesha taala.
Delphi
Sanadka 2021 kooxo cilmi baarayaal ah ayaa sameeyey mashiin caqliga macmalka ah oo lagu magacaabo Delphi, kaas oo loogu talagalay inuu sameeyo go’aano ansahx ah. Cilmi baarayasha ujeedada ay mashiinka u dhiseen wuxuu ahaa inay ka jawaabaan hal su’aal “mashiinadu ma baran karaan anshaxa?”
Kooxo qiimeeyeyaal ah ayaa mar falanqeeyey Delphi waxayna ogaadeen in xukunkeeda anshaxa ah ay 92% ahaayeen kuwa sax ah, tasoo lamid ah go’aanada ay aadanuhu sameeyaan xaaladaha lamid ka ah. Markii Delphi lagu sii daayey internet-ka, dad badan ayaa ku raacay ra’yiga qiimeeyayaasha. Inkastoo jawaabaheedu aysan dhamaystirnayn Delphi, hadana aadanuhu xitaa maahan kuwa dhamaystiran markay timaaddo go’aannada anshaxa ah. Markaan helno waayo aragnimo cusub oo aan bilowno inaan fahano nolosha iyo halganka kuwa kale, waxaan noqonaa kuwo garaad ahaan u kobca oo hagaajiya xukumadooda. Laakiin waxaa jira labba dhibaato oo waaweyn oo ku aadan Delphi iyo nidaamyada kale ee lamid ka ah.
Midda kobaad, Delphi waxaa sameeyey waa insaan, waxay si dhakhso ah u dhaxli kartaa ciladaha ay leeyihiin dadka sameeyey. Soosarayaasha Delphi waa kuwa doortay xaaladaha ansahxa ah ee loo isticmaali doono mashiinka. Waxay sidoo kale doorteen dadka qiimeyn lahaa xaaladahan. Tani waxay ka dhigan tahay in ugu yaraan Delphi ay ka tarjumayso anshaxa soosaarayaasheeda.
Midda labaad waxay tahay, anshaxu maahan oo kaliya Falanqayn qoto dheer. Waxay ku xiran tahay shucuurteena, xiriirka inagala dhaxeeya lamaanahanaga, waalidiinteena, iyo caruurtayada. Haddii meesha laga saaro shucuurtana, waxa kaliya ee soo haraya waa falanqayn iyo dooroshooyin ku salaysan kharashaad iyo faaiidooyin, taasina maaha anshaxa dhabta ah. Tani waa sababta markii Delphi la weydiiyey ‘ma saxbaa in ilmo la’iska soo rido ay ku jawaabtay ‘Haa’. Dusha sare markii laga eego waxaa laga yabaa inay u muuqato mid faaido u ah qofka aanan doonayn inuu ilmahaas banaanka keeno sabab kastaba hala hatee, Balse markii qaab shucuureed iyo caqliyan loofiriyo nolosha bini’aadamku waxay ka muhiimsan tahay faaido kasta.
Anshaxu ma bayooloji baa mise waa dhaqan?
Inta badan waxaan aragnaa qareeno isticmaalayada MRI scan si ay u difaacaan kiisaskooda. Anshaxa waa maamula waa maskaxda. Haddii qayb maskaxda kamid ah ay dhaawacanto, xukunka ansahxa ee qofka ayaa gebi ahaanba is bedelaysa. Hadii tusaale qof uu sameyo go’aano nafeed isagoo la’ildaran buro maskaxda oga taala oo saamaysay hab fikirkiisa, maku eedayn karnaa qofkaas ficiladiisa? Tani waxay ina tusinaysaa anshaxu inaanu ahayn gorfayn waxay si dhow ugu xidhan tahay xaaladdeena shucuureed iyo caafimaadka maskaxdeena. Cilmi baaris ayaa waxay muujineysaa in dadka la ildaran xanuunkan ay ceejin lahayeen ilmo yar haddii ay bedbaadineyso nolosha qof kale. Tan waxay kuula muuqataa adiga wax xun maxaa yeelay waxaad dareemaysa denbi. Balse iyaga qaybta maskaxda ee ku shaqada leh abuurista shucuurta ayaa dhaawacantay. Shucuurtu hadii meesha ka baxdo, waxaan noqoneysaa sida Delphi oo kale, kaliya waxaan go’aanadeena ku saleynaa faaido iyo falanqayn qoto dheer.
Goynta naf si loo bedbaadiyo nafkale waxa laga yabaa inay u ekaato mid anshax ah. Balse Marka laga fiiriyo dhinica shucuurta waxay noqoneysa mid aan ansahax ahayn. Waa sababta marka dadka la weydiiyo in hal qof dili lahayeen si shan qof oo tareen uu mari doono loo bedbaadiyo ay uyeelaan. balse jawaabtoodu ay markiiba is bedesho marka qof ay dili doonaan loo shego inuu yahay qof aad ugu dhow. Halkan w axaa ka dhalaneysa su’aal ah, anshaxu ma bayooloji baa mise waa shay dhaqan ah? Waxaan dhihi lahaa waa labababada. Bayooloji ahaan markii loo eego, waxaan kaga duwanahay xayawaanka kale waa awoodda aan u leenahay in aaan samayno doorashooyin anshaxeed. Si kastaba, in kasa oo awoodda go’aannada ansahaxu ay ka timid bayooloji. Xeerarka ansahaxa ah ee aan raacno waxay ku salaysan yihiin dhaqanka iyo sida ay bulshadu u aragto. Xeerarkan waxaa loo sameeyey si ay dadku ugu wada noolaadan si nabad ah oon laisku xad gudbin. Taasi waa sababta dhaqan walba aduunka uu u leeyahay anshax u gaar ah.
Gabagabo
Anshaxu waa shay runtii adag, qofwalba oo insaan ahi waxaa ku jiraa safar nololeed oo gaar ah, safarkeenaasna waxa haga hab-raacyo anshaxeed oo kala duwan. Tani waa sababta ay u adag tahay in mowduucaan anshaxa laga hadlo. Maxaa yeelay waa mid qoto dheer qofkastaana u gaar ah. Waxa qof u arko inay anshax tahay ayaa qofkale anshax daro u arki karaa, waxay muujineysa sida dareemadeena saxa iyo khaladku u kala duwanaan karaan. Socrates ayaa mar waxa uu yiri “Xikmadda kaliya ee runta ah waa in la ogaado in aadan waxba ogayan”. Tani waxay ina xasuusineysaa marka ay timaado anshaxa, majirto hal jawaab oo kaliya, dhamaanteen waxaa ina qaabeeya khibrado iyo qiyam kala duwan. Waxa kaliya eed samayn kartana waa inaad ku xushmeyso qofwalba iyo waxa uu anshax u arkayo.