Xaqiiqda Qarsoon ee Addoonsiga casriga ah


Bishii Nofeembar 2017, TV-ga CNN ayaa sii daayay muqaal dad tahriibayaal ah oo addoon ahaan loogu kala iibsanayo dalka Liibiya. Faafitaanka muuqalkaas waxay qaylo dhaan ka soo yeertay dacalada caalamka oodhan. Dad badan oo ka caraysan arintaas ayaa banaanada isugu soo baxay, tilmaamayana in addoonsiga iyo xad-gudubyada kale ee xun ee ka dhanka ah xuquuqul insaanka, aysan meelna oga banaanayn qarnigan 21-aad.

Liibiya waa meesha ugu weyn ee ay ka baxaan tahriibayasha ka imaanaya Afrika, kuwaas oo isku dayaya inay doonyo u raacaan Yurub. Tan iyo markii la afgambiyay maamulkii Mucamar Al-Qadaafi, dalku waxa uu galay qalalaase iyo dagaallo sokeeye, taasoo sabab u noqotay in dad badan oo isku dayaya inay nolol ka fiican tan dalkooda ka jirta u raadsadaan Yurub, ay meeshaas u noqoto meel lagu silciyo laguna addoonsado.

Addoonsiga casriga ah ama addoonsiga qarniga 21-aad waxaa lagu qeexaa ka faa’iidaysiga xad-dhaafka ah ee dadka masaakiinta ah loogu geysto dano gaar ah, mid shaqsi ama mid dhaqaale. Waqti xaadirkan, meel walba oo aynu caalamka ka joogno wuu nagu hareeraysan yahay addoonsiga casriga ah, balse mararka qaar indhaheenu ma qabtaan. Dad badan ayaa lagu qasbaa maalin kasta inay si xoog ah u shaqeeyaan, sida inay soo gooyaan dalagyada, inay sameeyaan dharka. Qaar ayaa lagu qasbaa inay ka shaqeeyaan warshado, qaar kalena waxa lagu qasbaa inay ka shaqeeyaan guryaha, sida cunto karinta ama nadiifinta iwm. Addoonsiga casriga ah waa ganacsi balaayiin doollar soo saara sanad walba. Kaliya dadka sida qasabka ah u shaqeeya ayaa soo saara 150 bilyan oo doollar sanad kasta. In ka badan 50 milyan oo qof ayaa lagu qiyaasaa tirada dadka ee lagu adoonsado caalamka oo dhan, oo iskugu jira carruur, rag iyo dumar.

Addoonsiga casriga ah waxa ugu weyn ee sababa waa saboolnimada. Wadamada aysan ka jirin sharci iyo kala danbayn ayaa hormuud u noqon kara in addoonsiga casriga ah uu kor u sii kaco. Waxaa inta badan saamayn kala kulma dadka laga tirada badan yahay ee u nugul in si fudud loo adoonsado. Inkastoo sidoo kalena aysan ka marnayn wadamada horumaray

Waxyaabaha sababa in maanta uu addoonsiga casriga ah uu jiro waxaa ka mid ah kala duwanaansho u dhaxaysa addoonsigii hore iyo kan maanta. Addoonsigii hore, qofka la’a adoonsanayo lacago badan ayaa lagu soo iibsanayay, taasoo ka dhigaysa cida wax addoonsanaysa in ay ku adkaato in mar walba oo ay rabaan in qofkaas ay bedelaan aysan bedeli karin. Waxaa sidoo kale laga doonayaa in qofkaas caafimaadkiisa la ilaaliyo si ay ugu sii shaqaystaan. Balse maanta, cidda wax addoonsanaysa qiimo yar ayay ku soo helayaan, waxaana u fudud in marka ay dantooda ka dhamaystaan ay tartiib isaga bedelaan.

Noocyada adoonsiyada maanta jira aad ayey ubadanyihiin, midwalbama midkale wuu kaduwan yahay, waxaa jira shirkado iyo dowlado gacanweyn ka gaysta iyadoo qofka lagu qasbayo inuu shaqo xoog ah qabto ayadoo loo adeegsanayo caga juglayn, waxaa jira sidoo kale dowlado dadka muhaajirinta kuqasba inay shaqeeyan iyagoo kaxaraysanaya sharciyada iyo wadanta kusoogalen ama siiya deymo ay adagtahay in qofkasi iskabixiyo si’ siqasab ah loogu shaqaysto.

Kuuriyada wiqooyi ayaa ah dalka ugu badan ee addoonsiga casriga ahi uu ka jiro maanta, Inkabadan 2.6million oo qof ayaa kuhoosnool adoonsiga, tasoo kadhigeysa in 10ki qofba halqof in uu dhibane uyahay, dowlada ayaana ah mida ugu weyn ee gacanta kageysta jiritanka adoonsigas, qiimaha lacageed ee sanadwalba ay dowladu kafaaido dadka ay sida xooga ah ugu shaqaysto, waxaa lagu qiyaasaa $975Million, dowlada ayaa soo ururisa dhalinyarda, iyadoo usameysay qaab guutoyin ciidan, si’ay uga howlgaliso dhisamayasha sida gaarka ah ay uleeyihin dadka madaxda ah, waxaa sidoo kale jira dumar badan oo si qasab loogu qasbo inay qabtaan shaqooyinka sweatshop-ka loo yaqaano ee kuriyda kajira, sida samaynta dharka, nadiifinta wadooyin iyo falida beeraha iyadoo wax mushaar ah aanan lasiineyn. Wiqooyiga kuuriya ayaa noqotey mid ka mid ah dalalka ugu xun aduunka ee sida qasabka ah dadkeeda ugu shaqeysta.

Dhanka kale waxan kamarneyn dowladaha sida qasabka ah dadkeeda ugu shaqaysata, Elataria, Baarayaasha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa madaxda Eritrea ku eedeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, oo ay ku jiraan dilal, io kufsi . sidoo kale waxaa lasheegay qiyaastii 300,000 ilaa 400,000 oo qof lagu adoonsado gudaha dalka, kuwaas oo siqasab ah loogu darro ciidamo milatary, sidoo kale Ereteriya ayaa lasheegay inay toogasho kawado xuduudaheeda, si ay u joojiso dadka ka soo qaxaya dalkeeda, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah qaxooti ahaan u aadaya Yurub. taas, ayaana lagu tilmaamay inay kamid tahay adoonsiga qarniga 21aad.

Mareykan ka waa dalka adduunka ugu maxaabista badan, Shaqaaleysinta maxaabista waxay ahayd qayb ka mid ah dhaqaalaha Maraykanka, ilaa ugu yaraan dabayaaqadii qarnigii 19aad, maanta waa ganacsi balaayiin dollar soosaara. Hay’ad u dooda cadaaladda dembiyada Mareykanka ayaa sanadi 2020 sheegtay, In dadka xabsiyada mareykan kuxiran ay yihiin 2.3million oo qof, Iyagoo dhamaantood ay qabtaan shaqooyin lagu salaynayo qofwalba iyo tabartiisa. Gobolada qaar maxaabista ayaan lasiinin wax mushaar ah halka gobolada qaarna lasiiyo lacag aad uyar, maxaabista diida inay shaqeeyan waxaa lagu sameya ciqaabo kaladuwan, sida in maxabista kale laga dhexsaaro oo meela gaar ah lageyo, ama in loo diido in qoyskisa ay soobooqdaan. waxaa jirtay dhowr mudaharad ay sameeyen maxabista, iyagoo kudoodaya in mushar wanagsan lasiiyo sidoo kale sifcn loola dhaqmo. balse waxay kusoo dhamatay in dadka hogaaminaya ay ciqaab lakulmaan. sanadii 2015kii, waxaa lashegay in dakhliga kasoo xaraado shaqada ay qabtaan maxaabista ay gaareyso 3.5 bilyan oo dollar.

Shiinaha ayaa sooracaya dadka maxabista kushaqaysta, waxaa kajira nidaam loogu magac daray laogai. Maalaayiin maxaabis ah ayaa lagu qasbaa inay shaqeeyaan iyagoo wax mushaar ah aan lasiinin, qiyaastii 500,000 ilaa 2 milyan oo maxabiis ah ayaa lagula dhaqmaa nidaamkaas, maalaayin qof oo kale dhimashadooda ayeyna sabab unoqotey. Waxaa intaas dheer in Shiinahu ka bilaabay gobolka Xinjiang ee ay dagaan Muslimiinta Uyghurs-ka, xeryo uu ugu magac daray dib wax-ubaris, si maskax dhaqitaan ay ugu sameeyaan dadkaas loona baro borobagaandada xisbiga shuuciga. Boqolal kun ilaa halmilyan oo dhalinyaro Muslimiin ah ayaana lagu xirey goobahaas. Shiinaha ayaana arintan sameyey iyagoo ku marmarsiyoonaya ka hortag argagixiso.

Dowladahan aan kasoo hadalnay oo dhan waxay qayb weyn kayihiin dowladaha addoonsiga qarniga 21-aad muwadiniinteeda kula dhaqanta, balse kawaran dowladaha dadka muhaajirinta ah gumeysta. Dowladaa Qadar tusaale, aad ayey ugu farxeen markii ay ku guulaysateen martigelinta Koobka Adduunka ee 2022. Dhisitaanka todoba garoon oo casri ah lehna kaabayaasha dhaqaale, waxay ahayd arin aad udag oo waqti iyo qarash badan ay kubaxday, balse dhisitaanka garoomadas, waxay sabab unoqdeen dhimashada 6,500 oo qof oo muhaajirin ah, oo ka kala yimid wadamada Nepal, Hindiya iyo Bangaladesh. Amnesty International oo ah hay’ad u ololeysa xuquuqul insaanka, ayaa baaritan ay sameysay 2016 waxay ogaatay, in 3,200 oo shaqaale muhaajiriin ah ay ka shaqeeyaan garoomada maalin kasta. kuwaas oo qaar badan kamid ah aay sheegten in xadgudubyo ba’an loogeystay. sida in mushaar lagu yareeyo ama laga soodahiyaba, xaalad nolol oo liidata, iyo meesha aysan kabixi karin ama aysan shaqada badalan karin, in loodiido inay dalka kabixaan iyo tan ugu muhiimsan ee ah In siqasab ah logu shaqaysto.

dadka sida qasabka loogu shaqaysto caalamka oo dhan waxay gaarayaan 27.6 million, 12% dadkaasi waa caruur, kushaqaysiga caruurtu waxay noqotey xaalad ba’an oo dunida kajirta maantay, dalalka IvoryCost iyo Ghana Malaayin caruur ah ayaa lagu qasbaa Inay sooguran geedka kookaha oo laga sameeyo shuklaatada, waadamas oo soosaara 60% kookaha caalamka oo dhan waxay sabab unoqdeen adoonsiga maalayin caruur ah oo kayar da’da 13ka sano, sanadkii 1998dii, ayey haay ada UNICEF sheegtay in beeralayda Ivory Coast ay adoonsadaan caruur badan oo ka yimid dalalka ku xeeran. sidoo kale dhamaadkii sanadki 2000, BBC ayaa samaysay Muqaal documentry oo kusaabsan caruur badan loo adeegsado soogurista kookaha, Intaas kadib caddaadis kagayimid congress-ka shirkadaha sameeya shuklaatada oo ay kujiraan Nestlé, Hershey iyo Mars, waxay balanqaaden inay joojinyan kushakheysiga caruurta, balse cilmi baadhis ay sameeyey haay’ada cilmi baarista NORC 2018-2019, ayaa lagu Ogaaday In tirada caruurta lagu shaqaysto ay gaadheyso 1.6 million, iyagoo sanad walba ay kor ukac sameeyaan.

sidoo kale kumanaan caruur ah ayaa La’askareyey caalamka oo dhan, hadii ay noqoto inay dowlad askareyso amaba kooxo hubeysan. caruurtan oo iskugu jira gabdho iyo wiilal, badankood waxay lakulmaan dacadiyo balaaran sida jirdil, dhimasho, xad gudubyo galmo.

Inagoo kasii hadleyna samaynta ay caruur badan oo caalamka kala jooga ay lakulmaan, Guurka qasabka ah waa mid kamid ah adoonsiga cusub oo gabdhyo yaryar oo ad ufara badan samaysey, Inta badan waxaa lukulma gabdhaha kasoo jeeda qoyska danyarta ah, oo il dhaqaale u isticmaalaya gabadhooda, amaba u arka Inay tahay wax gabadha uwanaagsan, caalamka oo dhan inkabadan 650million oo dumar aha ayaa Si qasab ah loogu guuriyaa, 40% kiiba dumarkaasi waxay kayaryihiin da’da 18ka sano, halka 12% ay ka yaryihiin da’da 15ka sano. Badi waxaa guursada rag da ahaan aad oga waaweyn waxayna lakulmaan tacadiyo kala duwan, oo ay kamid yihiin xadgudubka jireed, mid nafsiyeed, iyo mid galmo.

Waxaa jira adoonsi kale oo lagu magacaabo adoonsiga deynta. Wadama ugu badan ee ay adoonsigaasi kajiro waa Hindiya Pakistan iyo Nepal. Qofka deynta lagu leeyahay waxaa looshegayaa In haddii uu u shaqeeyo qofkas deynta kuleh uu dayntiisa iska gudi karro. Qofka inta uu shaqada kujiro waxaa ubaahan yahay lacag uu baaahiyaha aasaasiga ah isaga bixiyo sida hoy, cunto iyo biyo. Qofkii looshaqaynyey wuxuu qofka shaqalaha siisinaya lacagtaas, wuxuuna kudarayaa deyntii uu kulahaa, tasoo kadhigeysa qofka in marwalba uu shaqeeyo halkii ay deyntasi ka jarmi lahayd . Waxaaana marar qaar ka loosii gudbiya jiilal, oo hadii qofkii lagu lahaa daynta uu dhinto, qofklae oo qoyskiisa ayaa ka shaqaynaya. waa deyn loo qaabeeyey In aanay waligeed dhamaanin.

20kii sano ee udanbeysay, adoonsiga casriga ah wuxuu noqday mid si wayn loogu aqoonsaday dhibaato caalami ah oo dunida soo foodsaartay, ururo badan oo dawladeed iyo kuwa aan dowli ahayn ayaa bilaabay inay wax ka qabtaan dhibaatadan, Balse weli waa dhibaato jirta oo sii koreysa dunidana aan wali ka dhamaan. Balse wali waxaan haysanaa fursad aan ku dhamanayn karno hadaan kuligeen ku baraarugno.

“Qof xor ahi majiro Ilaa qof walba uu xor noqdo” – Fannie Lou Hamer.

-Kafikir